UNSOM
Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Xiritaanka UNSOM

Hawlgalka Kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) waxaa la aasaasay 3dii Juun 2013. Mandate-kiisu wuxuu dhammaaday 31kii Oktoobar 2024, waxaana lagu beddelay Hawlgalka Kaalmada Kumeelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).

Hadal-qoraalka Af-hayeenka Xoghayaha-Guud – ee ku aaddan Soomaaliya

New York – Xoghayaha-Guud wuxuu soo dhoweynayaa heshiiska madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ay ka gaareen hirgelinta Hanaanka doorashada ee 17kii Sebtembar, heshiiskaas oo ah natiijadii kasoo baxday shirkii uu garwadeenka ka ahaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Xoghayaha-Guud wuxuu ku boorinayaa dhamaan saamilayda inay si dhakhso leh u hirgeliyaan heshiiska, taas oo ah tallaabo muhiim u ah qabashada geedi-socod doorasho wadar-oggol ah oo daah-furan oo aan lahayn dib-u-dhac dambe.

Xoghayaha-Guud wuxuu mar kale ku celinayaa muhiimadda ay leeyihiin wada-hadalka iyo is-af garadka si loo xalliyo qodobo kasta oo ka dhalan kara geedi-socodka inta lagu guda jiro hirgalintiisa, wuxuuna ku baaqayaa in si dhakhso leh loosoo dhiso guddiyo lagu kalsoonaan karo oo maamula doorashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed kuwaas oo daadihiya geedi-socodka.

Xoghayaha-Guud wuxuu mar kale ku celinayaa sida Qaramada Midoobay ay uga go’an tahay inay ku garab istaagto dadka iyo dowladda Soomaaliyeed hirgelinta Hanaanka Doorasho ee 17kii Sebtember iyo qabashada geedi-socod doorasho oo waqtigiisa ku qabsooma.

Stéphane Dujarric, Afhayeenka Xoghayaha-Guud

New York, 27 May 2021