Wafdiga Heerka-sare ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo ifiyay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay iyo caqabadaha hor-taagan marka la eego nabadda iyo amniga haweenka

23 Oct 2019

Wafdiga Heerka-sare ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo ifiyay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay iyo caqabadaha hor-taagan marka la eego nabadda iyo amniga haweenka

Muqdisho – Wafdi heer sare ah ee ka socda Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo maanta booqasho ku tagay caasimadda Soomaaliya, ayaa soo dhoweeyay horumarka uu dalka ku yaalla Geeska Afrika ka gaaray dadaallada ka qaybgalka haweenka ee nabadda, amniga iyo horumarinta – iyagoo sidoo kalena ku baaqay horumar dheeraad ah in la sameeyo.

“Tobaneeyo sanno oo calaad ah ka dib iyo rabshadaha socda ee ay dadka Soomaaliyeed weli wajahayaan, dalku wuxuu qaaday tallaabooyin waaweyn isagoo ku socda waddada nabadda iyo xasilloonida. Booqashadeedii gaabnayd ee aan halkan ku nimid, waxaan mas’uuliyiinta dowladda iyo madaxda bulshada rayidka ka dhegeysanay sida ka qaybgalka haweenka Soomaaliyeed ee dadaallada nabadda iyo amniga uu gacan uga geystay in horey loo sii mariyo bulshada si ay u gaarto mustaqbal nabdoon oo loo wada dhanyahay. Kani waa mustaqbalka ay dadka Soomaaliyeed run ahaantii mudanyihiin oo ay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika si buuxda ugu taageerayaan,” ayay tiri madaxa wafdiga Qaramada Midoobay, ahna Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Amina Mohammed.

“Hase yeeshee, wax badan baa weli harsan in la qabto, gaar ahaan si loo xaqiijiyo sinnaanta ragga iyo haweenka, oo ay ka mid tahay inay haweenku si buuxda uga qaybqaataan doorashooyinka federaalka ee ‘hal qof, iyo hal cod’ ee sannadka soo socda. Waxaan soo dhoweyneynaa guulihii dhowaan la gaaray, gaar ahaan kuwa laga gaaray dhinacyada xuquul insaanka, ka qaybgalka bulshada iyo siyaasadda, fursadda loo helay in la gaaro cadaaladda iyo adeegyada asaasiga ah,” ayay raacisay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud.

Mw. Amina Mohammed waxaa weheliyay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Haweenka, Nabadda iyo Amniga, Bineta Diop, iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Geeska Afrika, Parfait Onanga-Anyanga.

Ujeeddada boqashada halka maalin ah waxay ahayd in la muujiyo sida ay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika uga go’antahay inay dadka Soomaaliyeed kala shaqeeyaan dadaalka ay ugu jiraan nabad, xasillooni iyo doorashooyin lagu kalsoonaan karo. Wafdigu wuxuu hoosta ka xariiqay muhimmadda ay leedahay in haweenku ay si dhab ah uga qaybqaataan dadaallada siyaasadda, nabadda iyo amniga, gaar ahaan midda la xiriirta ka hortagga xagjirnimada rabshadaha wata, qabashada doorashooyinka iyo sare u qaadidda dadaallada horumarinta. Wafdigu wuxuu sidoo kale taageero xooggan u muujiyay kaalinta xasaasiga ah ee ay AMISOM iyo IGAD ka cayaaraan xoojinta geeddi socodka nabadda Soomaaliya.

Intii ay joogtay magaalada Muqdisho, Ku Xigeenka Xoghayaha Guud waxay la kulantay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre iyo golaha wasiirada Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay uga dhegeysato siyaasadda dowladda. Wafdiga oo dhana wuxuu la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashada Qaranka, Xaliima Ismaaciil Ibraahim, iyo koox ka mid ah madaxda haweenka bulshada rayidka oo waxyaabihii ay kala hadleen ay ka mid ahaayeen doorashooyinka soo socda ee ‘hal qof, hal cod ah’ iyo ka hortagga xagjirnimada rabshadaha wata. Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Haweenka, Nabadda iyo Amniga ayaa sidoo kale la kulantay haweenka (ciidanka) nabadilaaliyeyaasha.

“Fursadda loo helay in la dhegeysto codad badan oo kala duwan oo ku saabsan kaalinta haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dhinacyada kala duwan ee nolosha waxay muujisay sida ay u firfircoonyihiin ayna uga qaybqaataan, iyo sida ay ugu heellanyihiin inay xaqiijiyaan in lagu xisaabtamo kaalinta haweenka iyo sinnaanta ragga iyo haweenka dhammaan dhinacyada nolosha halkan,” ayay tiri Ku Xigeenka Xoghayaha Guud. “Tani macnaheedu waa in laga hortago fikrado waqtigoou dhammaaday oo ku saabsan kaalinta haweenka iyo in loo abuuro fursad ay ku xaqiijin karaan kartidooda mustaqbalka.”

Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Haweenka, Nabadda iyo Amniga oo ku hadlaysay magaca Guddoomiya Midowga Afrika, Md Moussa Faki ayaa tiri “Waxaan si xooggan u rumeysanahay kaalin ta muhimka ah ee ay haweenku ka cayaaraan hawlgallada nadabba. Waxaan bogaadinayaa dadaallada ay bixiyeen iyo sida muuqata ee ay ugu heellanyihiin dadaallada nabadaynta iyo xasillinta marka la eego xaaladda AMISOM.” 

Hawlaha wafdiga waxaa kaloo ka mid ahaa kulamo ay la qaateen mas’uuliyiinta sarsare ee Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo hay’adaha, sanaadiiqda iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay si looga warbixiyo shaqada ay hay’adda caalamigu hayso si ay u taageerto horumarka ay Soomaaliya ka gaareyso siyaasad loo wada dhanyahay, nabad waarta iyo horumarin bulsho-dhaqaale, gaar ahaan arrinta la xiriirta dadaallada ay Soomaaliya ugu jirto si ay u gaarto Ujeeddooyinka Horumarinta Waarta.

Booqashada wafdiga Qaramada Midoobay-Midowga Afrika ee Soomaaliya waxay qayb ka ahayd booqasho lix-maalmood ah oo ay ku marayaan dalalka ku yaalla gobolka Geeska Afrika.