Wakiilka cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo Soomaaliya soo gaaray

Wakiilka cusub ee Xog-hayaha guud ee Qarammada Midoobay Michael Keating, oo salaamaya agaasimaha Xafiiska Qarammada Midoobay ee Kaalmeeya Soomaaliya, Amadu Kamara, Markii uu Muqdisho yimid 18-kii Jannaayo 2016

18 Jan 2016

Wakiilka cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo Soomaaliya soo gaaray

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey (QM) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa maanta soo gaarey magaalada Muqdisho si uu xilka ula wareego. Mr. Keating ayaa beddeley Nicholas Kay oo jagada ka degey 23 November 2016, ka dib markii uu hayey muddo labo sano iyo bar.

Wakiilka waxaa garoonka diyaaradaha Aden Cabdulle ku soo dhaweeyey wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Cabdisalam Hadliye Cumar, saraakiil sare oo ka tirsan QM oo fadhigoodu yahay Soomaaliya, oo uu ka mid ahaa Ku Xigeenka  Wakiilka, ahna madaxa Deegaanka iyo isku-duwidda Arrimaha Bini’aadamnimada, Peter de Clercq,  Agaasimaha Taakuleynta Hawlgalka ee Xafiiska QM ee u qaabilsan Taageeridda Soomaaliya Amadu Kamara iyo saraakiil ka socdey Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Xaflad soo dhaweyn ah oo lugu qabtay garoonka diyaaradaha, ayuu wasiir Hadliye kaga hadlay ahmiyadda jagada Keating. “Filashadu aad ayey u sarreysaa, shaqadu wey ballaaran tahay, caqabaduhuna wey badan yihiin. Uma darna sidey mar ahaan jireen, laakiin weli ma fududa. Sidaas darteed waxaan u rajeyneynaa nasiib wacan. Aniga iyo dowladduna waxaan kala shaqeyn doonnaa intii karaankeen ah, si uu u guuleysto”, ayuu yiri Mr. Hadliye.

“Shaqadeydu waa inaan Soomaalida ka caawiyo fulinta aragtidooda, iyo sidoo kale inaan mideeyo taageerada is fahmka beesha caalamka” ayuu wakiilku ku yiri tiraab kooban oo uu ka jeediyey xafladda soo dhaweyntiisa.

“Runtii aad ayaan uga dhursugayaa inaan adiga iyo jaaleyaashaada kale ee dowladda idin la kulmo, iyo sidoo kale bulshada riyidka ah; islamarkaana aan kala barto shaqaalaha UN-ka.

Waxaan rajeynayaa inaan dhammaantiin idin la shaqeeyo, si aan hawshiinna idin kugu fududeeyo, haddey ahaan lahayd shaqaale, ciidan iyo guud ahaan bahda diblomaasiyadda”, ayuu yiri Mr. Keating.

Wakiil Keating wuxuu waayo aragnimo ballaaran u leeyahay taageeridda kala guurka siyaasadda iyo dhismaha nabadda, iyo sidoo kale hoggaaminta hawlaha bini’aadamnimada iyo barnaamijyada soo kabashada oo uu ka soo qabtay Afghanistan, Bariga Dhexe iyo Afrika.

2012 waxaa loo magacaabay Kaaliye Agaasimaha machadka siyaasadda madaxabannaan ee Chatham House ee fadhigiisu yahay magalada London, isla xilligaas wuxuu lataliye sare u ahaa Xoghaha Guud ee Qaramada Midoobey oo kala talin jirey arrimaha Suuriya.

Wuxuu ahaa Wakiil Ku Xigeenka  Xoghayahah Guud Ee QM ahna madaxa Deegaanka iyo isku-duwidda Arrimaha Bini’aadamnimada ee dalka Afghanistan intii u dhexeysey 2010 illaa 2012. Wuxuu kale oo Agaasime Fulineed ka soo noqday Golaha Horumarka, oo ah koox siyaasadeed uu hoggaamiyo Kofi Annan  oo horay u soo noqday Xoghayaha Guud ee QM.