War-saxaafadeedka Golaha Amaanka ee QM ee weerarka Al Shabaab

2 Sep 2015

War-saxaafadeedka Golaha Amaanka ee QM ee weerarka Al Shabaab

New York – Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii 1-dii Septembar 2015-kii ay Al-Shabaab ku qaadeen Saldhig ay Ciidamada AMISOM ku leeyihiin degmada Jannaale, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin, isla markaana ay tacsi u dirayaan ehelada dadkii ku dhintay qaraxaasi, iyo sidoo kale shacabka iyo Dowladda Jamhuuriyadda Uganda.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale caafimaad degdeg ah u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa hoosta ka xariiqay in AMISOM iyo dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ay uga mahadcelinayaan geesinimada iyo nafhurnimada ay u sameeyeen dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa mar kale xaqiijiyey in argagixisadu qaab kasta oo ay leedahay iyo nooc kasta oo ay isu muujisaba ay ka mid tahay khataraha ugu daran ee nabadda iyo amniga caalamiga ah, isla markaana fal kasta oo argagixisanimo uu yaay dembii aan cudur daar lahayn iyada oo aan loo eegin sababta ay salka ku hayaan, meel kasta iyo goor kasta iyo cid kasta oo ay ku kacda.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in caddaaladda la horkeeno dembiilayaasha, abaabuleyaasha, maalgeliyayaasha iyo kafaala-qaadayaasha falalkan argagixisanimada ah ee cambaaraynta mudan, waxayna ku booriyeen dhammaan waddamada, si waafaqsan waajibaadkooda sharciga caalamiga ah, iyo qaraarrada Golaha Ammaanka ee khuseeya, inay mas’uuliyiinta Soomaaliya si firfircoon ula shaqeeyaan arrintan.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ku celceliyay go’aankooda ku aadan la dagaallanka dhammaan noocyada argagixisanimada, si waafaqsan mas’uuliyadda ka saaran Axdiga Qaramada Midoobay.

Xubnaha golaha amaanka ayaa xasuusiyay dowladaha inay xaqiijiyaan in tallaabooyinka la qaadayo ee lagula dagaallamayo argagixisadu ay waafaqsanaadaan dhammaan waajibaadyada xeerka caalamiga ah, gaar ahaan sharciga caalamiga ah ee xuquuqul insaanka, sharciga caalamiga ah ee bini’aadminnimada iyo sharciga qaxootiga.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa hoosta ka xarriiqay in arrintan iyo fal kale oo kale oo argagixisanimo aanu midkoodna wiiqi doonin go’aankooda ku aaddan taageerada nabadda iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya.