Wakiilka QM oo qabtay shirar furan oo ku saabsan haweenka, nabadda iyo amniga

14 Nov 2017

Wakiilka QM oo qabtay shirar furan oo ku saabsan haweenka, nabadda iyo amniga

Muqdisho  – Wakiilka Gaarka ah ee Xog-haya Guud ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya, Michael Keating ayaa hoggaamiyeyaasha haweenka Soomaaliyeed ku marti-qaaday munaasabadda Maalin Furan ee ku xusan Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee cadadkiisu yahay 1325 oo ku saabsan haweenka, nabadda iyo amniga.

Keating ayaa xusay in Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee 1325 uu yahay tallaabo horey loo qaadaay, maadaama uu dib u xaqiijiyey dowrka haweenka ay ku leeyihiin nabad-dhisidda, ka hortagga iyo xallinta khilaafaadka, wada-xaajoodka nabadda, iyo ka hortagga iyo ka ilaalinta dumarka iyo gabdhaha colaadda, waxaa uuna sidoo kale xoogga saaraya muhiimadda ay leedahay in si siman looga qayb-qaato si buuxdana lug lagu yeesho dhammaan dadaallada looga gol leeyahay in la helo nabad iyo amni.

“Su’aasha maanta na hortaala waa sida aan taasi uga dhigi lahayn mid natiijo dhab ah ka dhalin karta Soomaaliya,” Keating ayaa sidaa ku yiri hoggaamiyeyaasha haweenka ee xaadiray.

“Waxaa taasi inooga fadhiya kuwa dhintay, waxaa sidaasi naga mudan kuwa dhaawacmay iyo kuwiinaan dhibka soo maray, si  aan dhibaatadaas u xusnaa inaga oo natiijooyin ka keeneyno arrimaha nabadda iyo amniga, waxaana boqolkiba boqol hubaa in haweenka ay udub dheexaad u yihiin sidii taasi loo gaari lahaa,” ayuu yiri.

Qaraarka 1325 waxaa uu sidoo kale  ku boorrinayaa dhammaan jileyaasha in ay kordhiyaan ka qayb-qaadashada haweenka iyo in ay dhammaan dadaallada qaramada Midoobay  iyo waddamada ee ku aaddan nabadda iyo amniga lagu daro afkaarta jinsiga.

“Kulankani waqtigii uu ku habboonaa ayaa la qabtay, xilli dowladda ay ku soo dareyso haweenka iyo bulshadsa guud in ay ka qayb qaataan dadaalada loogu jiro amniga iyo xasilinta si loo gaaro horumar,” ayay tiri Marwo Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Wasiiradda ayaa ku tilmaantay munaasabadda Maalinta Furan in ay muhiim u tahay in ay sare u qaaddo dadaallada Dowladda Federaalka ah ee ku aaddan horumarinta qayb-qaadashada haweenka ee arrimaha nabadda iyo ammaanka ee waddanka.

Munaasabadda waxaa isugu yimaaday haweenka ka kala socda dhinacyada siyaasadda, bulshada rayidka, amniga, ganacsiyada gaarka loo leeyahay si ay uga wada-hadlaan in ay haweenka hormuud ka noqdaan wada-xaajoodka nabadda iyo xallinta khilaafaadka ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, Batula Sheikh Axmed Gaballe, oo kaalin lixaad leh ka ciyaartay ol’olaha ku aaddanaa in ay haweenka helaan 30% ee kuraasta loo qoondeeyay ee geeddi-socodka doorashada 2016, ayaa nuuxnuuxsatay xiriirka u dhaxeeya ka qayb-qaadashada haweenka ee siyaasadda iyo hoggaanka iyo kaalinta go’aan gaarista iyo xaaladda amniga ee dalka.

 “Soomaaliya, awoodsiinta dhinaca siyaasadda ee haweenka, gaar ahaan kaalintooda dhinaca hoggaaminta iyo go’aan gaarista, waxaa ay si dhow ula xiriiraan xaaladda amniga,” ayay tiri Batuula. Ka qayb-galayaasha Maalinta Furan, ayaga oo ay matalayeen Mina Xasan Maxamed iyo Farxiya Cali Faarax, ayaa waxa ay soo badhigeen bayaanno dheeraad ah oo ay ku baaqayaan in la wanaajiyo ilaalinta haweenka ku jira baarlaamanka, iyo dadaallada ballaaran ee ay ugu jiraan in ay Soomaaliya ka dhigaan dal ammaan ah oo nabad ah.

Qaraarka Golaha Ammaanka ee cadadkiisu yahay 1325 waxaa uu sidoo kale ku baaqaya in dhammaan dhinacyada khilaafka dhex yaallo ay qaataan tallaabooyin gaar ah ee looga ilaalinayo haweenka iyo gabdhaha shaqaaqada galmada iyo tan jinsiga ku saleysan, gaar ahaan kufsiga iyo noocyada kale ee xadgudubka galmada, ee xilliyada ay jiraan hubka la isku adeegsado.