Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay kor u qaadeysaa dadaallada lagu tallaalayo bulshadda ee caabuqa COVID-19

12 Aug 2021

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay kor u qaadeysaa dadaallada lagu tallaalayo bulshadda ee caabuqa COVID-19

 

302,400 oo talaalka halka mar ah ee Johnson & Johson oo Dowladda Mareykanka ugu deeqday Soomaaliya oo soo gaaray dalka.

Muqdisho - Soomaaliya ayaa maanta ka heshay xarunta COVAX 302,400 oo ah tallaalka Johnson & Johnson (J&J), qabytii ugu horaysay. Tallaallaka J&J, oo ay ku deeqday Mareykanka, ayaa ah tallaaladii ugu horreeyay oo hal mar la qaato kaas oo soo garay Soomaaliya si loo ballaariyo daboolidda baahiyaha tallaalka COVID-19 ee dalka loona suurtogeliyo in dhamaan bulshadda Soomaaliyeed ay helaan Tallaal dhamaystiran.

“Xiligaan oo looga soo horjeedo sidii waqti yar loogu afjari laha masiibadaan waa in dadka la tallaalo, waxaa muhiim ah in inta ugu badan ee suurtogalka ah la heli karo la tallaallo dad badan” ayay tiri Wasiirka Caafimaadka ee Federaalka Soomaaliya, H.E. Dr. Fawziya Abiikar Nuur. “Anigoo u mahad celinaayo Dowladda Mareykanka, deeqdan dalkan ka timid waxay muhiim u tahay dagaalka aan kula jirno caabuqa COVID-19 waxaana ku boorinayaa qof kasta oo u qalma in la tallaalo. ”

Tan iyo bilowgii faafitaanka COVID-19, 16,103 xaaladood oo shaybaar la xaqiijiyay, oo ay ku jiraan 864 dhimasho, ayaa laga soo sheegey Soomaaliya. Qaadashada tallaalka COVID-19 ee dadweynaha guud ayaa weli hooseysa ilaa 11kii Ogosto 2021, 93,458 Soomaali ah oo keliya ayaa si buuxda looga tallaalay COVID-19.

“Tallaalladu waxay rajo u tahay inaan dib ugu laabano xaalad caadi ah iyo in ay tallaabo muhiim u tahay xakameynta iyo kahortagga masiibada COVID-19” ayay tiri Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho.

“Anigoo ku hadlaya magaca Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaan jeclaan lahaa inaan u hambalyeeyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Wasiirka Caafimaadka, sida ay u gaareen heerkan kahortagga COVID-19 ee muhiimka ah oo ayna sii waddaan soo kabashada qoysaska iyo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku aadan caabuqa COVID-19. ”

Tallaallaka J&J waxaa lagu kaydin karaa iyada oo la adeegsanayo qalabka kaydinta tallaalka ee caadiga ah,  taas oo awood u siineysa in la gaarsiiyo meelo fog-fog, halkaas oo dadka si buuxda loogu siin karo Tallaalka hal mar oo kaliya. Shaqaalaha safka hore, dadka la nool cudurada ama iyo dadka waa wayn ayaa weli la siinayaa mudnaanta tallaalka.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, iyo wasaaradaha dowlad-goboleedyada waxay ka shaqeyn doonaan iyagoo kaashanaya WHO iyo UNICEF in si siman loo qaybiyo tallaalada iyada oo la maareynayo nidaamyada silsiladda qabow; tababbarka tallaalayaasha si ay tallaallada ammaan ugu maamulaan; la socodka qaadashada tallaalka, gaar ahaan dadka u qalma iyo kuwa nugul; iyo dhiirri-gelinta qaadashada tallaalka iyo sii wadidda badbaadinta Bulshadda xaaladaha halista ah, ee caabuqa COVID-19.

Wixii faahfaahin dheeri ah fadlan la xiriir:

Khadar Hussein Mohamud
FMOH Head Coordination and Communication,
Email: coordination@moh.gov.so;
Tel: +252615602637

Mukhtar A Shube
FMoH EPI Manager,
Federal Ministry of Health,
Email: epi@moh.gvo.so; Tel: +252615602637    

Eva Hinds
UNICEF Communication Manager, 
Email: ehinds@unicef.org; Tel: +252 613 642 635


Fouzia Bano
WHO Chief of Staff ai, Communications Officer, 
Email: banof@who.int; Tel: +252 619 235 880 

Valerie Msoka
UNSOM Senior Public Information Officer & UNSOM Spokesperson
Email: valerie.msoka@un.org; Tel: +252 619 988 211