War-murtiyeed: Shirka Heerka-Sare ee oo looga hadlaay Soomaaliya

28 Sep 2015

War-murtiyeed: Shirka Heerka-Sare ee oo looga hadlaay Soomaaliya

New York - Shirkan dhacay maanta waxaa wada shir guddoominayay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, Dr. Nkosazana Dlamini Zuma, Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Mudane Iyad Ameen Madani, Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka, Mudane Nabiil Alcarabi, Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, iyo Mudane Ban Ki-moon, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. Waxaa halkaan ku lifaaqan liiska ka-qaybgalayaasha. Wadahadalkeena maanta wuxuu ku qotomay geedi-socodka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya, iyo sidi si dhamaystiran wax looga qaban lahaa dhibaatada ka imaanaysa Alshabaab, xaaladda bani’aadannimo ee aan hagaagsanayn (ee ka jirta dalka), iyo waddadi loo mari lahaa in waddanku dhaqaale ahaan uu soo kabsado.Waxaan ku bogaadinaynaa Dowladda Federaalka Soomaaliyeed (FGS) sida ay gar-wadeenka uga tahay horumarka muuqda ee lagu dhisaayo Soomaaliya oo xor ah, amaankeedu suganyahay, demoqoraadi ah, midaysan hadana federaal ah.

Waxaan soo dhoweynaynaa horumarka siyasadeed ee dhowaan laga sameeyay dhismaha maamul goboleedyada, dhismaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka iyo Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka. waxaa kale oo aan ka dhur-sugaynaa dhismaha hay’adaha kale ee ku tilmaaman Dastuurka, gaar ahaan dhismaha Guddiga Madaxbanaan ee Xuquuqul Insaanka iyo Maxkamadda Dastuuriga ah, waxaana ugu baaqaynaa bulshada caalamka inay biixiyaan taageero waqtiyaysan si hay’adahani u gutaan waajibaadkooda. Waxaan hoosta ka xarriiqaynaa muhiimadda ay leedahay dhamaystirka dhismaha maamul goboleedka harsan, ugu dambayn in la dhiso dhamaadka sanadka 2015, sidoo kalena la horumariyo dib-u-eegista Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah. Waxaan mar labaad ku celinaynaa sida ay nooga go’antahay inaan taageerno maamulada cusub iyo kuwa dhalan doona si ay u dhisaan hay’adohooda dowladnimo annagoo u marayno Sanduuqa Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya. Waxaan hoosta ka xarriiqaynaa muhiimadda ay leedahay in laga wada qayb-geliyo bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed dhamaan dadaalada aan soo sheegnay, gaar ahaan haweenka, dhalinyarada iyo dadka la hayb-sooco.

Waxaan garwaaqsannahay in caqabadaha ka jira Soomaaliya aanay saamaxaynin in la qabto hab doorasho qaran oo ku qotoma “qof iyo codkiisa” sanadka 2016. Waxaan mar labaad xaqiijinaynaa muhiimadda ay leedahay ixtiraamidda hay’adaha dastuuriga ah, sida kuwa sharci dejinta iyo fulinta, kuwaas oo mudadoodu ay ku kala egyihiin bilaha Agosto iyo September ee sanadka 2016. Sidaas darteed, waxaan si diirran usoo dhoweynaynaa ku-dhowaaqisti lagu dhowaaqay Madasha Wadatashiga Qaranka, 19ki September, Madashaas oo ujeedadeedu tahay inay dusha kala socoto sidi loo diyaarin lahaa hab doorasho oo qabsooma sanadka 2016, kaas oo ku dambayn doona sidi lagu heli lahaa dad haysta sharciyad iyo awood horumarsan oo ay ku matalaan dadka, waxaana mar labaad ku celinaynaa sida ay nooga go’antahay inaan u taageerno dadaaladaan. Waxaan ku guubaabinaynaa dhamaan dadka Soomaaliyeed ee arrimuhu khuseeyaan inay si waxtar leh uga qayb-qaataan wadahadalada ku tilmaaman Qorshe Hawleedka Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee ku wajahan sidi heshiis looga gaari lahaa habka doorasho ee sanadka 2016 iyo mabaadi’da dadka hagaysa (ee lagu gaaraayo arrimaha doorashooyinka), sidoo kalena waxaan hoosta ka xarriiqaynaa in waqtiga qorshaysan sida uu hadda yahay loo raaco, si go’aanka ugu dambeeya ee habka doorashada (looqabanaayo) uu usoo boxo ugu dambayn bisha December. Geedi-socodka nabadaynta Soomaaliya wuxuu u baahanyahay ku-hawllanaan iyo u-heellanaan joogto ah. Sidaas darteed, waxaan ka walaacsannahay is-qabqabsiga siyaasadeed ee ka dhex jira hay’adaha federaaliga ah. Annagoo tix-raacayna Qaraarka Golaha Amaanka ee tirsigiisu yahay 2232 (2015), waxaan ugu baaqaynaa dhamaan dhinacyada oo idil inay meel iska dhigaan masaalixda kala qaybinayso, iskulana shaqeeyaan si wadajir ah oo ku qotonta midnimada qaranka iyo danta guud ee umadda Soomaaliyeed.

Waxaanu xaqiijinaynaa in Dowladda Federaalka iyo saaxiibada ka socda caalamka aanay dulqaad u yeelan doonin kuwa wax u dhimaya ama hakinaya habka nabadda iyo qaran-dhisidda (ee dalka), taas oo ay kamid tahay geedi-socodka doorashada 2016. Waxan si adag u cambaaraynaynaa falalka argagixisnimo ee Alshabaab ka waddo Soomaaliya iyo gobolkaba, falalkaas oo galaaftay nolosha dad badan oo rayid ah. Annagoo soo dhoweynayna la-jirka ay nala jiraan ururo badan oo ay kamid yihiin Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka, ayaan garwaaqsannay in falalkaan waxashnimada leh ay wax u dhimayaan qiimaha uu leeyahay isku-dulqaadashada, dhex-dhexaadnimada iyo sida ay muqaddas u tahay dhowrista nolosha (bani’aadamka), arrimahaas oo dhamaan udub dhexaad u ah Islaanimada. Waxaan bogaadinaynaa Ciidamada Amniga Qaranka Soomaaliyeed, kuwa ka socda Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya (AMISOM) iyo saaxiibadooda, kuwaas oo muujiyay geesinimo iyo naf-hurnimo.

Sanadki lasoo dhaafay ayay ciidamadani gadaal u riixeen Alshabaab kana bixiyeen goobo ay si adag u haysteen, waxayna jid cusub u fureen habka nabad samaynta iyo dadaalada ku aaddan dhisidda maamul hoosaadyada. Waxaan ku guubaabinaynaa in Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM inay si wadajir ah usii wadaan hawlgaladooda si dib loogu hanto dhulka muhiimadda leh ee harsan, hoosna loogu dhigo awoodda ciidan ee Alshabaab, loona furo wadooyinka umaddu adeegsato ee la marsiiyo sahayda iyo gargaarka bani’aadanimo, sidoo kalena la abuuro fursaddii lagu dhisi lahaa nabadda iyo qaranimada Soomaaliya. Waxaanu hoosta ka xarriiqaynaa muhiimadda ay leedahay in hawlgalada loo fuliyo si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee xiliyada dagaalka, iyo kan xuquuqul insaanka, (sidaas darteed), waxaan garwaaqsannay in loo baahanyahay in dadka arrimahaani khuseeyaan ay si waxtar leh ula yimaadaan qorshe iyo isku-xir (hawlgal) oo midaysan. Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah loo bixiyo taageero waxtar leh si AMISOM loogu suurto geliyo inay si waxtar leh u gudato waajibaadkeeda, loona abuuro jawigii ciidamo nabad ilaalineed oo ka socda Qaramada Midoobay lagu gayn lahaa (dalka) waqtiga ku haboon. Waxaan soo dhoweynaynaa rabitaanka Xoghayaha Guud ee Qaramad Midoobay uu kusoo gudbinaayo talooyin la xiriira xaqiijinta sidi Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Taageeridda AMISOM uu ku heli lahaa dhaqaale ku filan, loona qaabayn lahaa qaab-dhismeedkiisa. Waxaan soo dhoweynaynaa go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay ku dhisayso hay’adeheeda amniga, waxaana hoosta ka xarriiqaynaa baahida degdega ah ee loo qabo in la helo saan-saab ama hab-dhismeed qaabilsan arrimaha amniga oo isku xiran, hab-dhismeedkaas oo ah mid uu qaranku xamili karo (dhaqaale ahaan, khuseeyana dhamaan hay’adaha kala duwan ee amniga), hab-dhismeedka ciidamaduna waa inuu ahaadaa mid haysta kalsoonida dhamaan dadka Soomaaliyeed.

Waxaan garwaaqsannahay baahida degdega ah ee loo qabo horumarinta Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, baahidaas oo ay kamid tahay kor u qaadista awoodda waxqabad ee ciidamada iyo bixinta mushaaraadkooda, taas oo ku cad Qorshaha Guulwade. Waxaan la soconaa taageerada ay sii bixiyeen bulshada caalamka, sida Midowga Yurub, sidoo kalena waxaan garwaaqsannahay sida ay Dowladda Federaalka uga go’antahay inay mushaarka askarta ku bixiso waqtigi loogu talo galay ayna hirgeliso hab xisaabeed daah-furan kuna dhisan isla xisaabtan. Waxaan bogaadinaynaa hawsha uu hayo Guddiga Qaranka ee Isku-dhafka Ciidamada (NIC), kaas oo horumarinaayo sidi layskugu dhafi lahaa ciidamada si heer qaran ah, waxaana garwaaqsannahay in habka isku-dhafku uu taageero ka haysto Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD. (Sidaas darteed), waxaan ku baaqaynaa in arrintaan si dhakhso leh loo gabagabeeyo loona hirgeliyo. Waxaan ogsoonnahay in dadaal ciidan oo kaliya aan lagu xaqiijin karin amniga. Waxaan isku raacnay sida degdega ah ee loogu baahanyahay helitaanka hab dhamaystiran oo lagula dagaalamo afkaarta ku salaysan xagjirnimada kajirta Soomaaliya iyo gobolka ku wareegsan. Maadaama ay kamid tahay waajibaadka Dowladda Federaalka Soomaaliyeed inay hirgeliso sharciga iyo kala dambaynta, waxaan hoosta ka xarriiqaynaa baahida loo qabo in la helo hay’ado ka hirgeliya sharciga iyo kala dambaynta goobaha laga xoreeyay Alshabaab. (Sidaas darteed), waxaan isku raacnay baahida loo qabo in la kordhiyo taageerada la siiyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waana in maanka lagu haayo istiraatiijiyada dhamaystiran ee qaran (ee khusaysa arrimahaan). Waxaan ku baaqaynaa in si dhakhso leh loo soo gabagabeeyo istiraatiijiyadaan, sida ku cad qabyo qoraakla Qorshaha “Heegan”.

Waxaan soo dhoweynaynaa ujeeddada Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee ku qotonta sidi lagu heli lahaa hab istiraatiijiyadeed oo wax looga qabanaayo afkaarta ku dhisan takfiirnimada iyo xagjirnimada. Waxaan garwaaqsannahay sida Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay cafiska ugu fidisay kuwa ka tirsan Alshabaab ee doonaya inay la heshiiyaan Dowladda, ixtiraamaanna mas’uuliyadeeda, kana noqdaan damaca ku dhisan isku-ballaarinta aduunk oo dhan. Waxaan ognahay baahida loo qabo in lala xisaabtamo kuwa gala dambiyada waaweyn, lana dhowro xuquuqul insaaka dacweysanaha. Waxaan ku baaqaynaa in taageero ballaaran la siiyo habka ku qotoma dhaqan celinta iyo dib-u-heshiisiinta, habkaas oo awood iyo qalab lagu siinaayo dhalinyarada (iskaga harta afkaaraha khaldan) si ay dib ugusoo biiraan ugana qayb qaataan nolosha guud ee dadka Soomaaliyeed. Waxaan ballan qaadnay inaan si wadajir ah ugu hawlgalno sidi lagu horumarin lahaa habka waxbarashada iyo shaqaalaynta dhalinyarada Soomaaliyeed annagoo og hadii aan la helin shaqo waxtar leh oo mushaari ah in aan la joogtayn karin guulaha amni iyo siyaasadeed (ee la gaaray). Waxaan ka welwelsannahay xaaladda bani’aadanimo ee aadka u jilicsan ee ka jirta Soomaaliya annagoo og in dad Soomaaliyeed oo tiradoodu gaarayso ilaa sadex milyan ay ku tiirsanyihiin kaalmo ay ka helaan hay’adaha gargaarka bani’aadanimo, taas oo ay ku maaraynayaan baahidooda maalinlaha ah, (sidoo kalena waxaan ognahay) in xaaladda nafaqa darro ee kor usii socota, qoxootiga ka imaanaaya Yemen iyo roobabka mahiigaanka ah (El Nino) ee la filaayo inay da’aan ay abuurayaan cadaadis hor leh. Waxaan soo dhoweynaynaa sida Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo dadkeedaba ay usoo dhoweeyeen dadka qoxootiga ah iyo kuwa kasoo noqday Yemen iyo wadamada deriska ah, sidoo kalena waxaan ogsoonnahay in dad tiradooda ay gaarayso 1.1 milyan ay weli ku barakacsanyihiin dalka gudihiisa. Waxaan bogaadinaynaa martigelinta iyo soo dhoweynta wadamada deriska ah ay u fidiyeen qoxootiga Soomaaliyeed, waxaa kale oo aan soo dhoweynaynaa waxtarka la taaban karo ee Ururka Iskaashiga Islaamka (uu siiyay dadka Soomaaliyeed) kaas oo gargaar u fidiyay dadka Soomaaliyeed ee ku baahan dalka gudihiisa. Waxaa naga go’an sidi lagu heli lahaa hab durugsan iyo istiraatiijiyadi wax looga qaban lahaa arrimaha sababa qalalaasaha muddo soo jiitamaayay iyo barakacaba, ayadoo la raacaayo nidaamka ka hadlaayo sida xal waara loogu helo qoxootiga iyo barakacayaasha. Sidaas darteed, waxaan is xasuusinnay muhiimadda ay leeyihiin geedi-socodki Khartoum iyo Kulan Madexeedka ka dhici doona Valletta ee Malta bisha November. Waxaan ku baaqaynaa in si dhakhso leh maalgelin loogu sameeyo adeegyada muhiimka ah ee la xariira gargaarka bani’aadamka iyo adeegyada kale ee lagu badbaadinayo bani’aadamka. Waxaan ugu baaqaynaa dhamaan hay’adaha mas’uuliyaddu saarantahay inay si la taaban karo u fududeeyaan sidi dalka ay ku gaari lahaayeen lacagaha sida sharciga ah dadka Soomaaliyeed uga diraan dalka dibadiisa, lacagahaas oo run ahaantii ah isha nolosha ee dad badan oo Soomaaliyeed. Lacagahaas la xawilo oo hadda ka badan kaalmada guud ee dalka la siiyo ama lagu maal geliyo. Annagoo og inaan la heli karin xasilooni muddada fog hadii aan la helin dib-u-soo kabasho dhaqaale, ayaan garwaaqsannahay muhiimadda ay leeyihiin kaabayaasha dhaqaalaha iyo sida dadka Soomaaliyeed ay ugu baahanyihiin in laga kaalmeeyo sidi ay dib ugu dhisi lahaayeen uguna hagaajin lahaayeed wadooyinka, dekedaha, kuna heli lahaayeen adeeg koronto oo laysku halayn karo. Waxaan ballan qaadnay in Dowladda Federaalka Soomaaliyeed aan kala shaqayno sidi si dhakhso leh loogu horumarin lahaa kaabayaasha Dhaqaalaha laguna maalgelin lahaa arrimaha muhiimadda leh, iyo sidi lagu diyaarin lahaa qorshe qaran oo horumarineed laguna taageeri lahaa jawi ay hay’aduhu ku samayn karaan horumar/koritaan dhaqaale. Waxaan soo dhoweynaynaa tallaabooyinka ay qaadday Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ayna ku hirgelinaysay hab daah-furan oo lagu maamulo hantida dadweynaha waxaana habkaan kamid ah hawsha uu hayo Guddiga Qaran ee Maamulka Maaliyadda, kaas oo aan rajaynayno inuu horumar sameeyo soona gabagabeeyo Sharciyada khuseeya Maamulidda Hantida Qaranka, Wax-soo-ibsiga, iyo Isla-xisaabtankaba.

Waxaan soo dhoweynaynaa sida Hay’adaha Maaliyadda Aduunka (IFIs) ay dib uga shaqo billaabeen Soomaaliya, kuwaas oo tallaabo billow ah u qaaday habraaci daynta looga fududayn lahaa Soomaaliya iyo Qodobka Afaraad ee kasoo baxay wadahaladi lala yeeshay Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), waxaana guubaabinaynaa in lasii wado sidi horumar looga samayn lahaa arrimaha maamulka maaliyadda. Waxaan ugu baaqaynaa dhamaan dadka Soomaaliyeed inay iskula shaqeeyaan si waafaqsan arrimaha nadda iyo qaran-dhisidda dalka. Waxaan ballan qaadaynaa inaan sii wadno taageerada aan siinno dadka Soomaaliyeed annagoo marayno habka uu tilmaamaayo Qorshaha Hiigsiga ee Soomaaliya, sidoo kalena waxaan ka dhur-sugaynaa waxa kasoo bixi doona (shirka) Madasha Iskaashiga Heerka Sare ee ka dhacaysa Turkey sanadka 2016, si dib-u-eegis loogu sameeyo wixii horumar ah ee la gaaray iyo wixi la qabtay. Waxaan hoosta ka xarriiqanay in bulshada caalamku ay si buuxda usii waddo taageerada ay siiso Dowladda Federaalka iyo dadka Soomaaliyeedba kuwaas oo raadinaaya sidi ay ku heli lahaayeen horumar ay Soomaali garwadeen ka tahay, nabad, xasillooni, amni, xuquuqul insaan iyo horumar ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed.