War-murtiyeedka Golaha Iskaashiga Heerka-Sare ee Wasiirada 23-24 Feberaayo 2016, Istanbuul

24 Feb 2016

War-murtiyeedka Golaha Iskaashiga Heerka-Sare ee Wasiirada 23-24 Feberaayo 2016, Istanbuul

Istanbul - Wakiillo ka kala socday ilaa 46 dal iyo 11 hay’ado caalami ah ayaa isugu yimid Istanbuul 23-kii ilaa 24-kii Feberaayo 2016 si ay uga qeyb-galaan Madasha Iskaashiga Golaha Wasiirada ee Heerka Sare, oo uu marti-geliyey, Md. Rajab Dayib Erdogaan, madaxweynaha Turkiga, ayna wada-shirguddoomiyeen Md. Xasan Sheikh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Md. Jan Eliasson, Ku-xigeenka Xog-haya Guud ee Qaramada Midoobay. Madashani waxa ay daba-socotay kulamadi ka horreeyey ee lagu kala qabtay Kobenheegan 2014 Iyo Muqdishu  2015

1. Wakiillo ka kala socday ilaa 46 dal iyo 11 hay’ado caalami ah ayaa isugu yimid Istanbuul 23-kii ilaa 24-kii Feberaayo 2016 si ay uga qeyb-galaan Madasha Iskaashiga Golaha Wasiirada ee Heerka Sare, oo uu marti-geliyey, Md. Rajab Dayib Erdogaan, madaxweynaha Turkiga, ayna wada-shirguddoomiyeen Md. Xasan Sheikh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Md. Jan Eliasson, Ku-xigeenka Xog-haya Guud ee Qaramada Midoobay. Madashani waxa ay daba-socotay kulamadi ka horreeyey ee lagu kala qabtay Muqdishu iyo Kobenheegan.

2. Labo kulan-doceed oo rasmi ah, mid ku saabsan Haweenka, Nabadda, iyo Amniga iyo ku kale oo ku saabsan Dhalin-yarada ayaa sidoo kale la qabtay inta ay socotay madashu

3. Waxa aan soo dhaweyneynaa warbixinta horumarka sanadlaha ee labaad ee ku saansan Heshiiska Cusub ee Xirmada Soomaaliya waxaana bogaadineynaa geedi-socodka Dib-u-eegista Heshiiska ee faahfaansan, kaas oo dhaliyey falanqeynta wadajirka ah ee ballaaran ee hiigsiyada iyo caqadaha soo wajahay hirgelinta, iyo sidoo kale aqoonsiga guulaha loo dejiyey 2016. Warbixintani waxa ay si sax ah u qireysaa, in kasta oo ay caqabado dhinacyo badan ka jireen, in horumar la taaban karo laga gaaray meelo badan oo quseeya nabadda iyo qorshaha dowlad-dhisidda waxana ay mar kale dib u xaqiijineysaa wada-shaqeynteenna joogtada ah iyo qoondo kaalmo ah.

4. Iyada oo uu ku dhammaanayo xilliga dastuurku u jideeyey xukuumadda iyo baarlamaanka federaalka ah, ayuu sanadka 2016 u noqonayaa Soomaaliya mid wax go'aamiya. Waxa aan garwaaqsaneynaa in doorasho qof iyo cod ah aanay sanadkaan suurta gali karin hase ahaatee waxa aan soo dhaweyneynaa geedi-socodka laga qeyb-galay ee loo dhammaa ee horseeday heshiiska laga gaaray mabaadii'da waaweyn iyo tallaabooyinka geedi-socodka doorasho ee 2016 ee lagu gaaray 'Bayaanka Muqdisho' ee 16 Diseembar 2015. Si waafaqsan Mabaadii'da Hagaya iyo Bayaanka Muqdisho, waxa aan balan qaadeynaa in aanu sameyno dhammaan dadaallada si loo gaaro geedi-socodka doorasho ee bisha Agoosto 2016. Waxa aan hoosta ka xariiqnay weyn ee aan u rajeyneyno in ay waajib tahay in aanay dhicin wax caqabad ku ah hirgelin geedi-socod doorasho oo wakhtigeeda ku dhacda, oo ay ka mid yihiin xoriyadda hadalka, iyo kordhinta muddo xilleedka uu dastuurku jideeyey ee golaha sharci-dejinta iyo fulinta. Waxa aan boorrineynaa dhameystirka Qorshaha Hirgelinta Geedi-socodka Doorasho iyo sameynta Qorshe-howleedka 2020 oo u dhaca hannaan laga qeyb galo oo loo dhan yahay

 

5. Waxa aan xuseynaa ka maqnaanshiyaha Puntland ee Madashan, waxaana ku boorrineynaa dowladda federaalka ah iyo maamul-goboleedyada in ay sameeyaan dadaal kasta si ay u xaqiijiyaan in shacabka iyo dowladda Puntland ey si buuxda ugu soo biiraan si geedi-socodka doorasho u noqdo mid loogu dhan yahay sida ugu badan ee suurta galka ah.

6. Waxa aan ayideynaa in raadinta doorasho qof iyo cod ah oo dhacda 2020 loo baahan yahay. Waxa aan garwaaqsaneynaa baahida loo qabo in laga gudbo habka awood qeybsi ee hadda jira, si waafaqsan rabitaanka xooggan ee shacabka Soomaaliyeed. Waxa aan ayideynaa in loo baahanyahay boodi-goobka doorasho qof iyo cod ah oo dhacada 2020. Waxa aan garwaaqsaneynaa baahida loo qabo in laga gudbo hannaanka awood qeybsiga ee hadda jira, sida waafaqsan rabitaan xooggan ee shacabka Soomaaliyeed. Waxa aan carrabka ku adkeyneynaa muhiimadda aragti iyo wadiiqo siyaasadeed oo cad waxaana waafaqsan nahay in la dhiso qorshe laba-dhan ah si loo kaalmeeyo doorashooyinka qof iyo cod ee ay kaalmeynayaan Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaran ee kartida leh oo dhacda 2020. Beesha Caalamkuna waxa ay xeegan u tahay in ay kaalmeyso geedi-socyadaasi.

7. Waxa aan hoosta ka xarriiqeynaa baahida loo qabo dhameystirka geedi-socodka dowlad-dhiska ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhece iyo in heshiis laga gaaro bidhaaminta maqaamka Muqdisho.

8. Annaga oo xuseyna in Dastuurka Federaalka ah ee Soomaaliya uu yahay aasaaska xasillooni iyo nabad-gelyo siyaasadeed, ayaan ku boorrineynaa in si deg-deg ah loo dhameystiro dib-u-eegista cutubyada hortabinta leh ee Dastuurka Federaalka KMG ah. Waxa aan soo dhaweyneynaa heshiiska hoggaamiyeyaasha Federaalka ah iyo hay’adaha federaalka ku shaqada leh ay ka gaareen arimaha siyaasadeed ee hortabinta leh ee u baahan falcelinta deg-degga ah sanadka 2016 dhexdiisa. Waxa aan ku boorrinay Dowladda Federaalka ah in ay kala shaqeyso dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah iyo kuwa dhismaya in ay geeddi-socodka dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka iyo in ay qabto wadatashi dalka oo dhan ka dhaca oo lala yeesho dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ku kala sugan dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah iyo kuwa dhismaya, oo ay ku jiraan iyada oo loo marayo waxbarasho madaniga ah iyo baahin si loo xaqiijiyo wadar-ogol ballaaran iyo hanasho Soomaaliyeed.

9. Waxa aan qireynaa in horumar laga gaaray nabadda guud iyo amniga guud ahaan Soomaaliya, hase ahaatee waxa aan weli ka walaacsan nahay in xaaladda amni hadda jirta ay tahay mid caqabad ku ah horumarka hay’adaha dowladda iyo shacabka Somaaliyeedba ayna weli tahay sababta ugu weyn ee ay Soomaaliya ugu baahan yahay kaalmo beni’aadanimo oo mugweyn.

10. Waxa aan bogaadineynaa dadaallada geesimada leh ee ay AMISOM iyo CXD ku soo bandhigeen dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab. Waxa aan mahad gaara u direynaa waddama Ciidanka iyo Booliska ugu deeqay AMISOM, iyo sidoo kale saaxiibbada tabarrucaadooda iyo ballanqaadkooda joogtada ah ee Howlgalka. Qaxa aan boorrineynaa baahida loo qabo in dib loo cusbooneysiiyo howlgallada AMISOM iyo CXD, iyo in dadaal loo galo sidii ay CXD-ku ugu heli lahaayeen awood howlgal farumaha iyaga oo ay AMISOM barataareyso. Waa in ay howlgalladu u dhacaan si waafaqsan sharicyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo beni’aadanimada laguna xisaabtamaa baahida loo qabo abuurista jawiga lagama maarmaanka u ah xasiloonida goobaha la xoreeyey, iyada oo la aqoonsanayo kaalinta ay qaateen jilayaasha kala duwan oo ay ka mid yihiin bahda booliska, garsoorka iyo asluubta. Waxa aan ku rajo weynahay natiijada Shirweynaha soo socda Waddamada Ciidanka ku Deeqaday uga furmaya Jabuuti Feberaayo 2016. Waxa aan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyadu in ay sii wadaan daboolista baahiyaha ka dhex jira howlgallada iyo ilaha dhaqaale ee la heli karo si loo dammaanad qaado ilo-dhaqaale oo la saadaalin karo, dabacsan oo waara.

11. Waxa aan garwaaqsaneynaa dadaallada la sameeyey si taageere loo siiyo xoojinta karaanka iyo isla-xisaabtanka hay’adaha ammaanka Soomaaliya ee dalka oo dhan waxaana soo dhaweyneynaa ballanqaadka dowladda Federaalka iyo saaxiibbada caalamka ee horumarinta qorshe maaliyad ahaan waari kara ka hor Maajo 2016 oo loo sameeyo ciidanka(Guulwade) iyo booliska (Heegan) si waafaqsan dhismaha ciidanka qaranka. Waxaan ka warqabnaa Dib-u-eegista Kharashaadka Dowladda ee ay sameeyeen Bangiga Adduuka iyo QM. Waxa aan soo dhaweyneynaa go’aanka ah in Golaha Amniga Qaranka ay ku jiri doonaan metelaad gobo loo heer sare ah. Waxa aan bogaadineynaa dadaallada lagu dhameystirayo Qiimeynta Khatarta Qaranka iyo in la xaqiijiyo in Siyaasadda Amniga Qaranka si buuxdo loogu heshiiyo loona meel mariyo ka bisha Maajo 2016.

12. Waxa aan sidoo kale garwaaqsaneynaa fursadaha iyo baahiyaha in la taageero ciidanka boliiska ee dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo kuwa dhismaya si loo xaqiijiyo nabad-gelyada iyo bedqabka.

13. Waxa aan xuseynaa in kaalmada caalamiga ah ee waaxda amniga Soomaaliya ay weli tahay aasaasi ayn waajib tahay in lahaato daah-furnaan sare iyo is-dhafnaan buuxda iyo is-waafaqsanaan leh qorshooyin maaliyad ahaan waari kara oo ay Dowladda Federaalka dajiso. Waxa aan soo dhaweyneynaa ballanqaadka ah in diiradda la saaro isku-dhafka ciidanka qaranka iyo ballanqaadka madaxweynaha ee dib-u-habeenta waaxyaha amniga oo ay ka mid tahay kharashaadka iyo nidaamka korjoogteynta hagaagsan waxaana ku boorrineynaa in farsamooyin kabaya mushaarbixin joogta ah oo wakhtiyeeysan. Waxa aan soo dhaweyneynaa ballanqaadka saaxiibbada caalamka ee ah in la bixiyo gunnooyika hab wakhtiyeysan oo joogto ah.

14. Waxa aan garwaaqsaneynaa in sharcigu yahay qeyb aad muhiim ugu ah amniga, xasilloonida iyo ballaarinta awoodda dowladda iyo waxaana wadajir u ballanqaadeynaa in la hormariyo bixinta adeegyada aasaasiga sida silisiladda caddaaladda ee booliska, garsoorka, iyo asluubta. Waxa aan sidoo kale boorrineynaa in hay’adaha muhiimka u ah garsoorka sida Maxkamadda Dastuuriga ah, Guddiga Xuquuqul Insaanka iyo Golaha Adeegga Garsoorka la dhiso sanadka 2016 gudahiisa.

15. Waxa aan garwaaqsaneynaa muhiimadda hannaan dhameystiran oo looga hortagayo xagjirnimada hubeysan ee Soomaaliya, in ka badan howlgallada melatari oo ay ka mid tahay wax ka qabashada sababaha asalka ah ee xagjirnimada waxaana ballan qaadeynaa in aad wadajir uga shaqeyno sidii qodobbadan wax looga qaban lahaa. Waxa aan mar kale dib u xaqiijineynaa in dadaallada ka hortagga xagjirnimada ay waajin tahay in la fuliyo iyada oo tix-gelin buuxdo la siinaayo xuquuqda aadanaha waxa aana soo dhaweyneynaa Sharciga ka Kortagga Xag-jirnimada.

16. Waxa aan ayideynaa in hannaan dhameystiran oo lagu baahinayo awoodda dowladnimada si ay maamullada hoose awood ugu yeeshaan in ay bixiyaan adeegyada aasaasiga ah ay degaanadoodu u baahan yihiin.

17. Waxa aan ka walaacsan nahay in 4.7 milyan oo Soomaaliyeed ay ku sugan yihiin cunno yari una baahan kaalmo beni’aadanimo oo deg deg ah oo waarta. Dad gaaraya 3.2 milyan ayaa u baahan adeeg caafimaad oo deg deg ah, ku dhawaad 1 milyan oo qof ayaa wajahaya dhibaatooyin cunno maalmeed xumo la’aan ah, in ka badan 300,000 oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay 5 san ayaa nafaqo darro xun ku suga – 58,300 ka midana aad ayey u daran yihiin. Baahida ku dhawaad 1.1 milyan dadka gudaha dalka ku barakacay ayaa iyana gaar ahaan ah mid weyn. Waxa aan si gaar ah uga walaacsan nahay abaaraha goor dhaw ka billawday meelo badan oo ka mid Soomaaliya, waxa aan mar kale xaqiijineynaa baahida in dareen la siiyo maareynta musiibooyinka nidaamka digniinaha hore iyo falcelinta. Waxa aan garwaaqsaneynaa in xalal waara loo baahan yahay si wax looga qabto nuglaanshiya iyo abaaraha beni’aadanku sababo iyo kuwa dabiiciga ee soo noqnoqda. Waxa aan mar kale xaqiijineynaa in ballan-qaadkeena qorshihi Ka-jawaabista Arimaha Beni’aadanimo ee 2016. Waxa aan soo dhaweyneynaa dadaallada in xal oo helo barakacayaasha, waxaana ku boorrineynaa saaxiibbada caalamka iyo kuwa qaran in ay kaalmada lagama maarmaanka ah siiyaan si, si istaraajtiid leh loo daboolo ujeedooyinka homumarka iyo kuwa beni’aadannimo.

18. Waxa aan hoosta ka xarriiqeynaa doorka muuqda ee ay waxbarashada, caafimaadka, daryeelka bulshada, iyo adeegyada kale ee bulsho ee muhiimka ah u leeyihiin kaalmeynta shacabka Soomaaliyeed. Annaga oo garawaaqsaneyna horumarka la taaban karo ee la gaaray sanadka 2015 si loo baahiyo adeegyada bulsho shacabka duruufeysan, beesha caalamka iyo dowladanna waxa ay balan qaadayaan in ay hortabin siiyaan maalgashiga shaqaalaha maadaama ay majaraha u hayaan gobac dhaqaale oo dhameystiran.

19. Waxaan ka xarriqeynaa baahida loo qabo in la sameeyo qaybo dhaqaalaha oo muhiim ah oo dhamaan Soomaalida siin doono fursado waaweyn habnoolaleed waara iyo in xoogga la saaro baahida loo qabo maareyn xilkasnimo and hufnaan leh oo loogu talo galay dhamaan wax soo saarka iyo khayraadka dabiiciga ah kuwaas oo ah waxyaabaha aasaasiga ah ee dhaqaajiya koritaan dhaqaale loo dhanyahay.

20. Waxaa qireynaa sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’antahay in ay  dhaqan geliso dibu habayn iyo qabyo qoridda sharciga si ay u xoojiso qeybaha muhiimka ah (Tamarta, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Dekadaha, Technolijiyadda, Beeraha, Xoolaha iyo Kaluumeysiga), oo ay ku jiraan iskaashiga  Howlaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa Dowlga ah, waxaan soo dhaweyneynaa dadaalada Beesha Caalamka ay ku ballaarineyso taageerada ku aaddan hortabinnada muhiimka ah ee qeybaha dhaqaalaha, shaqa abuurka dhalinyarada oo ay ku jirto tababaro xirfadeed. Waxaan dhiirigelineynaa taageeridda hindisayaasha dhaqaalaha Gobolka, gaar ahaan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha oo muhiim u noqon doona koboca dhaqaalaha Gobolka iyo iskaashiga

21. Waxaan garwaqsannahay baahida loo qabo nidaam dhameystiran oo lagu qalabeynayo dhalinyarada Soomaliyeed aalado u suura galinaya in ay kaalin wanaagsan ka qaataan sidii Soomaaliya loogu dabbaali lahaa nabad, iyo baraare dhaqaale iyo mid bulsho. Iyadoo la raacayo Qaraarka Golaha Amaanka QM ee tirsigiisu yahay 2250 ee ku saabsan Dhalinyarada, Nabadda, iyo Ammaanka, waxaan soo dhaweyneynaa horumarinta Siyaasadda Dhalinyarada Qaranka iyo Istraatiijiyadda Dhalinyarada QM ee Soomaaiya. Sidoo kale abuuridda Sanduuqa Dhalinyarada Soomaaliyeed iyadoo loo marayo qorshaha Qaranka.

22. Waxaan hoosta ka xariiqeynaa kaalinta muhiimka ah ee haween ku leeyihiin dhaqaalaha, siyaasadda iyo nolosha bulshada Soomaaliyeed. Waxaan soo dhaweyneynaa go’aanka Dowladda Federaalka Soomaliya ay ku xaqiijineyso qoondada kuraasta Haweenka ee 30% ee doorashooyinka 2016 iyo qoondada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed 21% oo ah kuraasta Haweenka ku yeelanayaan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka. Waxaan ku boorrineynaa Madaxda Soomaaliyeed in balanqaadyadaas loo badello xaqiiqo marka la gaaro Agoosto 2016. Waxaan ka mahadcelineynaa in ay bilaabatay dejinta Siyaasadda Qaran ee Jinsiga, waxaa kaloo soo dhaweyneynaa qabyo qoraalka Hindise Sharciyeedka Xadgudubyada Jinsiga, waxaa ku boorrineynaa in si deg deg ah loo dhameystiro loona ansixiyo. Waxaan ku boorrineyneynaa Dowladda in ay ansixiso Axdiga Cirib Tirka Takoorka Haweenka (CEDAW) si loo xaqiijiyo in la hirgeliyay tallaabooyinka si nidaamsan loogu cirib tirayo sharciyada iyo dhaqamada Takoorka ah, iyo sare u qaadidda sinaanta Haweenka.

23. Waxa aan ka mahadcelineynaa ka-qeyb-galka guuleystay ee firfircoonaa ee Soomaalya ee geedi-socodka Dib-u-eegista Caalamiga ah ee Mudeysan ee goor dhaweed la soo gunaanuday ka hor Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM. Waxa aan Soomaaliya ugu hambalyeyneynaa meelmarinta Cahdiga Heshiiska Xuquuqda Carruurta 1 October 2015, waxaan sidoo kale boorrineynaa in la saxiixo baratakoollada ikhtiyaarkah ah.

24. Waxa aan si weyn ugu talineynaa in horumarka la joogteeyo ballanqaadkana la hirgeliyo, si gaar ah hirgelinta Qorshe Howleedka ku aadan Khariidada Xuquuqda Aadanaha, dhismaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha si waafaqsan Mabaadii’da Baariis, iyo u hoggaansanaad ballaaran oo ay ciidanka amingu u hoggaasamaan sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo beni’aadanimada. Waxa aan ku boorrineynaa beesha caalamku in ay kaalmadooda ku wajahaan hortabinnada xuquuqda aadanaha ee la isla gartay, si gaar ahna Khariidada Xuquuqda Aadanaha iyo in ay kaalmeeyaan dhismaha karaanka ee Wasaaradda  Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha si loo hirgeliyo hortabinnadan.

25. Sanadka 2016 waxa uu noqonayaa kii u dambeeyey ee Xirmada Soomaaliya. Xirmadu waxa ay kaalin muhiim ah ka caraatay horumarinta iskaashiga iyo isl-xisaabtanka u dhaxeeya dowladda iyo beesha caalamka iyo sii wadista horumarinta siyaasadeed, amni iyo horumarka Soomaaliya. Waxa aan ku rajo weyn nahay in aan u gudubno wajiga labaad ee wadashaqeynta caalamiga ah ee Soomaaliya oo ku saleysan mabaaddii’da la wadaago iyo iskaashi wadajira.

26. Waxa aan ballan qaadeynaa in aan qaadno tallaabooyin adag oo lagy hormarinayo laguna dadajinyo gaarsiinta kaalmada si waaqsan mabaadii’da iskaashiga ee lagu heshiiyey iyo in aan barnaamijyadeena iyo ilaheenna dhaqaale waafajinno hortabinnada qaran ee Sooomaaliya, si loo hormariyo waxtarnimada gargaarka.

27. Waxa aan soo dhaweyneynaa horumarka laga gaaray diyaarinta Qorshaha Horumarinta Qaranka ee seddexda sano (2017-2019), wadatashiyada qaran ee loo qabtay in la xaqiijiyo in QHQ-ku uu noqdo mid si dhab ah uga tarjumo hortabinnada iyo baahiyaha shacabka Soomaaliyeed si loo abuuro jawi saamaxaya horumar amni iyo mid siyaasadeed, yareynta saboolnimo, iyo horumar loo dhan yahay, oo sameya sharciyadda wada-shaqeynta caalamiga ah ee Soomaaliya. QHQ waxa la waafajin doonaa Yoolasha Horumarka Waara waxa uuna u hoggaansami doonaa Xaashida Istaraatiijyadda Yareynta Saboolnimada ee KMG ah (IPRSP).

28. Waxa aan ugu hambalyeyneynaa Dowladda Federaalka ah horumarka ay ka gaartay hagaajinta maamulka maaliyadeed ee Soomaaliya waxa aana ku boorrineynaa dadaal dheeri ah si loo aruuriyo loona kala duwo dakhliga dalka. Waxa aan soo dhaweyneynaa heshiiska siyaasadeed ee u dhaxeya Wasiirada Maaliyadda ee heer dowlad-goboleed iyo heer federaal ee ku aaddan mideynta canshuurta iyo adeegyada hanti-dhowrka ee dalka; iyo in la adeegsado siyaasad lacageed oo mida iyo lacag daacan. Waxa aan ku boorrineynaa dowladda in ay ballan qaaddo fulin buuxda ee farsamooyinkan si loo caawiyo dhismaha nidaamka maamulka maaliyadeed ee Soomaaliya. Waxa aan sidoo kale soo dhaweyneynaa ballanqaadka dowladda ee ah in xadeyn sharciyadeed oo si heer qaran ah la isugu waafaqsan yahay ay u sameyso wadaagista maaliyadda iyo maamumul ilaha dhaqaale ee dabiiciga ah oo waara

29.  Waxan aqoonsannahay muhiimadda wadatashiga Qodobka koowaad IV ee Soomaaliya oo uu sameysay Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) muddo 25 sano ah. Waxan bogaadineynaa ka go’naanshaha socdo ee Dowladda Federaalka ee dib u habeynta maamulka maaliyadda iyo dhaqaalaha si loo sameeyo aasaaska dib u hawlgelin buuxda ee Hay’adaha Maaliyadda ee Caalamiga ee  joogo Soomaaliya iyada oo lagu dhexsameynaya qaabdhismeedka dalalka saboolka ah ee deymaha badan lagu leeyahay si loogu oggolaado Soomaaliya in ay hesho maalgelin si ay u gaarto ujeeddooyinka horumarineed. Waxan dhiirigelineynaa in la sameeyo barnaamijka kormeerka shaqaalaha ee IMF.

30 Waxan xoojineynaa in Guddiga Maamulka Maaliyadda uu door muhiim ah ka cayaarayo caawinta dowladda iyo beesha calaamka in ay xoojiyaan  maamulka hay’adaha maaliyadda dowladda ee Soomaaliya. Waxan aad u dhiirigelineynaa si wadidda shaqada Guddiga Maamulka Maaliyadda si loo joogteeyo looguna dul-dhiso horumarada la gaaray.

31. Waxaa mar labaad naga go’an in aan adeegsano nidaamka dalka ee qorshe hawleedka, iyada oo la tilmaamayo go’aan laba dhinac ah ee saaxbida horumarinta iyo dowladda in ay isticmaalaan ayna xoojiyaan nidaamyada dalkan si waafaqsan horumarka dib u habeynta maaliyadda.

32. Gabagabadii, waxan ugu mahadcelineynaa dhamaan ka qayb galayaasha ka qaybgalkooda wax dhisaya iyo go’aanka in wadajir loo shaqeeyo si loo hirgeliyo hawlihi lagu heshiyey 2016 si looga dhigo sanadkan mid guul taarikhi u ah Soomaaliya

33.Waxan jecelnahay in aan ugu mahadcelino dadka iyo dowladda Turkiga soo dhaweynta diiran inta shirka uu socday waxaana ammaaneynaa ka qayb galka ballaaran ee Turkiga ee horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya