War-saxaafadeed uu soo saaray Af-hayeenka Xog-hayaha Guud ee QM oo ku saabsan Soomaaliya

28 Nov 2021

War-saxaafadeed uu soo saaray Af-hayeenka Xog-hayaha Guud ee QM oo ku saabsan Soomaaliya

New York  Xoghayaha Guud ee QM ayaa si adag u cambaareeyey weerarkii argagixiso ee galaaftay nolosha dad badan ee shalay lagula beegsaday kolonyada ka tirsan Qaramada Midoobay ka soo horjeedka Dugsiga Mucaasir ee magaalada Muqdisho, kaas oodhaliyey waxyeello badan.

Xog-hayaha Guud waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska dadki geeriyooday waxa uuna caafimaad degdeg ah u rajaynayaa kuwo ku dhaawacmay. Waxa uu ugu baaqayaa mas'uuliyiinta Soomaaliyeed in ay caddaalada hor keenaan kuwi ka dambeeyey weerarka.

Xog-hayaha Guud waxa uu taageerada iyo garab-istaagga Qaramada Midoobay u muujinayaa Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisonimada iyo xag-jirnimada hubeysan. 

War-saxaafadeedkan waxaa 26-ki Nofeembar 2021 soo saaray Af-hayeenka Xog-hayaha Guud ee QM António Guterres.