War-saxaafadeed Wadajir ah oo ku aaddan sharciga doorashooyinka Soomaaliya

28 Jan 2020

War-saxaafadeed Wadajir ah oo ku aaddan sharciga doorashooyinka Soomaaliya

Muqdisho – Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka* waxay mar kale carrabka ku adkeynayaan ballan-qaadkooda ku aaddan taageerada u diyaargarowga doorashooyinka heer federaal ee 2020/21.

Si doorashooyinka loo qabto waqtigii loogu talagalay, waxaa lagama maarmaan ah in la meel mariyo  sharci doorasho oo la hirgelin karo waana arrin  hortabin leh, iyadoo la ilaalinayo Qaab-dhismeedka Isla-xisaabtanka ee Isweydaarsiga ku dhisan kaas oo ay ku heshiiyeen saaxiibada caalamka iyo madaxda Soomaaliyeed bishii Oktoobar 2019.

Saaxiibadu waxay todobaadyadii dhowaa kulamo taxane ah la yeesheen daneeyeyaasha geedi-socodka doorasho oo ay ku jiraan Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ), Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Guddiga Kumeelgaarka ah ee Aqalka Sare u qaabilsan dib-u-eegista hindise sharciyeedka doorashada ee hadda jira, iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo madax u ah Guddi-Hawleedka Qaran ee Amniga  ee ka mas’uulka ah diyaarinta qorshaha amniga ee doorashooyinka. Dood-wadaagu wuxuu ku saabsanaa muhiimadda baarlamaanku u leeyahay ansaxinta sharci doorasho oo la hirgelin karo lana maalgelin karo oo la helo waqtigii ku habboonaa, ka-hor dhamaadka kalfadhiga hadda socdo, iyo diyaarinta qorshaha, oo ay kujirto miisaaniyadda, qabanqaabada sugidda amniga doorashooyinka.

Saaxiibadu waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in xal loo helo qaybaha hidise sharciyeedka ee aan weli la xallin, sida  qeexidda deegaan-doorashooyinka, qoondaynta kuraasta Aqalka Sare, horumarka hiigsiga Soomaaliya ee “qof-iyo-cod,” tallaabooyinka lagu xaqiijinayo ugu yaraan boqolkiiba 30 matalaadda haweenka, qaban-qaabada codeynta iyo metelaadda Banadir iyo Somaliland, iyo sidoo kale qabanqaabada kale ee hawlgal. Waxay ugu baaqeen baarlamaanka inuu soo gabagabeeyo sharci la dhaqan gelin karo iyadoo aanay jirin dib-u-dhac si looga fogaado khatar loo galo xasillooni darro siyaasadeed.

Saaxiibadu waxay sii wadeen taageeradooda farsamo ee ay u fidinayaan GMDQ si ay wadajir ugusoo diyaariyaan habab la kala xulan karo oo ay kala xushaan go’aan-sameeyeyaasha Soomaaliyeed si loo xalliyo arrimaha taagan ee ku jira hindise sharciyeedka qabyada ah. Iyadoo la fulinayo codsiga guddoomiyeyaasha labada aqal, ayaa Qaramada Midoobay waxay soo bandhigtay dukumenti, uu si wadajir ah ulasoo diyaariyay GMDQ, dokumentigaas oo faah-faahinaya arrimaha la kala xulan karo si ay go’aan-sameeyeyaasha Soomaaliyeed uga baaraan degaan.

Saaxiibada Soomaaliya ee caaalamka waxay ku boorinayaan in Baarlamaanku si dhab ah u tixgeliyo xulashooyinkaan farsamo isla markaana ay ku heshiiyaan sharci la dhaqan gelin karo ka hor inta aan la gelin fasaxa.

 

* Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Australia, Denmark, Jabuuti, Masar, Midowga Yurub,, Finland, Jarmalka, Urur-gobaleedka IGAD, Talyaaniga, Kenya, Netehrlands, Norway, Sudan, Sweden, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Qaramada Midoobay iyo Dowladda Mareykanka.