War-saxaafadeedka Golaha Ammaanka QM ee Weerarka Argagaxiso ee Muqdisho

29 Mar 2015

War-saxaafadeedka Golaha Ammaanka QM ee Weerarka Argagaxiso ee Muqdisho

New York – Golaha Ammaanka ee QM ayaa si xoogan u cambaareeyay weerarkii 27 Maarso ka dhacay Hotelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Moqdisho kaasi oo ay fuliyeen Al Shabaab. Weerarkaas waxaa uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad badan oo shacab Soomaaliyeed ah oo uu ka mid ahaa safiirkii Soomaaliya u qaabilsanaa QM gaar ahaan Geneva, danjire Yuusuf Bari-Bari. Xubnaha Golaha ammaanka ayaa muujiyay dareenkooda islamarkaana tacsiyo u diray ehelada dhibanayaasha iyo sidoo kale dadka iyo Dowlada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa u rajeeyay dadka dhaawacmay inay si deg deg ah u bogsoodaan. 

Xubanaha Golaha Ammaanka ayaa amaanay ciidamada ammaanka jawaabta deg dega ah ee ay ka bixiyeen.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa markale xaqiijiyay in dhammaan noocyada kala duwan ee argagaxisada ay halis aad u xoogan ku yihiin ammaanka caalamiga ah iyo nabadda. Fal walba oo argagaxisanimo ah waa dambiilanimo oo cudurdaar la’aan ah wax walba ha ahaadee ujeedku, meel walba waqti kasta iyo cidda ku kacaysa falalka aragagaxisanimada ah.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa markale waxaa ay ku nuuxnuuxsadeen sida ay uga go’an tahay la dagaalanka nooc walba oo aragagaxisanimo ah si waafaqsan mas’uuliyadeeda ee ku xusan axdiga Qaramada Midoobay.

Xubanaha Golaha Ammaanka ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in kuwa ka dambeeya weerarka ,kuwa soo abaabulay iyo kuwa maalgaliyayba caddaaladda la hor-keeno ayagoo dowladaha ka dalbaday in si waafaqsan mas’uuliyadooda sharciga caalamiga iyo qaraarada Golaha Ammaanka ay si muuqata arintaan ugala shaqeeyaan mas’uuliyiinta Soomaaliya. 

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa dowladaha xasuusiyay inay qaadaan tallaabooyin ka dhan ah argagaxisada islamarkaana gutaan waajibaadkooda shuruucada caalamiga ah gaar ahaan xuquuqda aadanaha caalamiga ah, Qaxootiga iyo sharciga gargaarka bani’aadanimada.

Xubanaha Golaha Ammaanka ayaa hoosta ka xarriiqay in midkaan iyo ficil micno daro aragagaxisanimo ee ka dhaca Soomaaliya aysan dhaawici doonin taageeradooda nabadda iyo geedi socodka dib u heshiisiinta Soomaaliya.