Wariye ka tirsan BBC-da oo daah-furay buug uu ka qoray Soomaaliya

Qoraaga The Mayor of Mogadishu “Duqa Muqdisho”, Andrew Harding, oo ka hadlaaya xafladda daahfurka buugiisa oo lagu qabtay Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya, Muqdisho 20-kii Agoosto 2016. Sawir. Q.M.

20 Aug 2016

Wariye ka tirsan BBC-da oo daah-furay buug uu ka qoray Soomaaliya

Wariyaha BBC-da ayaa daah furay buug cusub oo ku saabsan Soomaaliya xaflad lagu qabtay safaarada Ingiriiska ee Muqdisho Sabtidii iyadoo Bandhig sanadeedka labaad ee buugaagta oo ku soo gaba gaboobay caasimadda Soomaaliya.

Buugga Andrew Harding uu uga magic daray Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ka waramaya sheekada duqii hore Maxamed Axmed Nuur isagoo ka warbixinaya  booqasho uu qoraaga ku imaaday Soomaaliya in ka badan 16-sano ee la soo dhaafay. Buuga wuxuu muujinayaa sawir cad oo ka tarjumaya dalka iyo socdaalka iyo adkeysiga dadka oo ka soo bogsoonaya labaatan sano oo colaad hubaysan.

"Tani waa safarka hal qoys in ka badan labaatan sano oo dhib iyo rafaad ah," ayuu yiri Mr. Harding.

Qabanqaabiyaha Bandhigga Buugaagta Muqdisho Mohamed Sheikh Ali ayaa u mahadceliyay Harding ka qayb galka bandhigga Buugaagta Muqdisho ee sanadkan, oo ay ka soo qayb galeen kumanaan qof. Cali ayaa sheegay in tani ay calaamad u tahay in Soomaalidu ay diyaar u tahay dib u dhiska Muqdisho iyo dalka.

Daah furka ayaa waxaa marti galisay safiiradda Ingiriiska Harriet Mathews waxaana ka soo qayb galay duqii hore ee Maxamed Axmed Nuur, Wasiirka Federaalka ee Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdiraxmaan Yusuf Ali Caynte, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating iyo khubaro Soomaaliyeed oo tira badan.

Caynte ayaa sheegay in tirada badan ee dhallinyarada kuwaas oo ka qeyb galay bandhigga buugaagta ayaa fariin culus u direysa kooxaha argagixisada.

"Inkastoo ay dilaan ayna dhaawacaan, ma ay joojin karaan (dhalinyarada Soomaaliyeed) in ay u dabaal degaan waxyaabaha ugu qurux badan ee aadanuhu sameeyo, oo ah in ay qoraan ayna akhriyaan", ayuu raaciyay wasiirka.

Danjire Mathews ayaa sheegtay in ku lug lahaansheeda buuga uu siiyay aragti iyo fahan qoto dheer oo ku saabsan dhaqanka Soomaalida.

Nuur ayaa amaanay buugga Harding oo uu ku tilmaamay inuu yahay buug muhiim u ah Muqdisho isagoo saadaaliyay in dadka "oo aan weligood wax ku saabsan Soomaaliya akhrin ay ka faai’deysan doonaan buuga."

Bandhigga buugaagta oo saddex maalmood socday ayaa waxaa maalgelisay Hay’adda Mareykanka ee Horumarinta Caalamka.