War-murtiyeedka la ansixiyay ee Madasha Wadatashiga Heerka-sare

31 Jul 2015

War-murtiyeedka la ansixiyay ee Madasha Wadatashiga Heerka-sare


MUQDISHO 

1. Shirkii labaad ee Madasha Wadatashiga Golaha Wasiirada ee Heerka Sare ayaa lagu qabtay Muqdisho inta udhaxaysay 29-30 Luulyo 2015. Waxaana Shirka wada guddoominayay Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo Ergayga Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramadda Midobay u Qaabilsan Soomaaliya, Nikolas Kay.

2. 32 wufuud ah ayaa ku kulan isugu yimi si ay dib u eegis ugu sameeyaan wixii horumar ah ee laga gaaray dhinacyada siyaasadda iyo amniga, sidoo kalena ay isku raacaan arrimaha mudnaanta leh muddada ka harsan sannadka 2015, arrintaan oo ku jirto Qorshaha Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya. Wakiillo ka socday Dowlad Goboleedyada Ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed (ISWA) iyo Galmudug ayaa ka soo qaybgalay madasha wadatashiga. Waxaan boogaadinaynaa ka soo qaybqalkan balaaran, sidoo kale waxaan ka dhursugaynaa ka soo qaybgalka dadka muhiimka ah ee ay arrimahan khuseeyaan; waxaa laga xumaaday maqnaanshaha ay (shirkka) ka maqnaadeen maanta qaar kamid ah dadkaa.

3. Waxaan soo dhoweynaynaa, taageereynaana Maamulka cusub ee ku meel gaarka ah ee Galmudug, (sidoo kalena), waxaan soo dhoweynaynaa tallaabooyinka waxtarka leh ee la qaaday (wax ka bedelka dastuurka), si loo xalliyo muranka xuduudda ee maamulku la leeyahay Puntland. Waxaan dhinacyada oo dhan ku guubaabinaynaa inay kusoo biiraan dib-u-heshiisiinta iyo dadaalada dhismaha nabadda. Waxaan ka dhur sugaynaa in si guul leh loogu dhiso dowlad goboleed ku meel gaar ah ee gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe, isla sannadkaana la go’aamiyo maqaamka ay yeelanayso Caasimadda Muqdisho.
4. Waxaa naga go’an inaan taageerno dhamaan maamulada cusub iyo kuwa dhalan doona si ay u dhistaan hay’adohooda dowliga ah ee ay aadka ugu baahanyihiin.

5. Waxaan soo dhoweynaynaa, bogaadinaynaana xiriirka dhow ee wadashaqayn ee ay yeelan doonaan Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada mustaqbalka iyo Golaha Wadatashiga Qaranka.

6. Waxaan soo dhowenaynaa dhismaha la dhisay guddiyada u xilsaaran Dastuurka: sida Gudiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka, Guddiga Xudduudaha iyo Federaalka iyo Madaxbanaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka. Waxaan bogaadinaynaa sida ay Dowladda Federaalka ee Soomaaliyeed uga go’antahay inay wadashaqayn la yeelato Guddiga Baarlamaanka ee Kormeerka iyo kan Dib-u-eegista Dastuurka (ICRIC) si loo helo habka ugu fiican ee dib-u-eegis loogu samayn karo cutubyada dastuuriga ah ee u baahan in si degdeg ah wax looga qabto. Waxaan taageersannahay qorshe hawleedka waqtiyaysan ee uu soo gudbiyay Wasiirka Arrimaha Datuurka waxaana ku baaqaynaa in la dedejiyo ololaha qaran ee  lagu wacyi gelinaayo dadweynaha. Waxaa naga go’an inaan kordhino ka qeybgalka iyo kamid noqoshada haweenka ay ka qeybgalayaan gudiyadaan, taas oo waafaqsan dastuurka.

7. Waxaan hoosta ka xarriiqaynaa muhiimadda ay leedahay in guddiyada dardar geliyaan hawshooda, waxaana soo dhoweynaynaa taageerada ilaa iyo hadda la siiyay (Guddiyadan), waxaana ka dhur-sugaynaa inaan isla shaqayno (Guddiyadan) si aan ugu taageerno waajibaadkooda iyo shaqadooda. Waxaan ka dhursugaynaa in si dhakhso ah loo dhiso guddiyada harsan ee dastuuriga ah, gaar ahaan Guddiga Adeegga Garsoorka iyo Maxkamadda Dastuuriga. Waxaan bogaadinaynaa waajibaadka shaqo ee ku tilmaaman Barnaamijka Sarreynta Sharciga, waxaana ku baaqaynaa in si dhakhso ah loo hirgeliyo arrimahaan.

8. Waxaan hoosta ka xarriiqaynaa baahida loo qabo in la xaqiijiyo dib-u-eegista dastuurka si loo sameeyo dastuur joogto ah oo ay leedahay Soomaliya oo federaal ah, midaysanna. Waxaan bogaadinaynaa madaxda Soomaaliyeed iyo hay’adaha dastuuriga ah, heer federaal iyo heer dowlad goboleedba, sida ay uga go’antahay ka mira dhalinta geeddi socodka doorashada 2016 ee Soomaaliya, waxaan ka dhursugaynaa in la soo saaro qorshahaas doorasho oo faahfaahsan isla sannadaan gudihiisa – 2015. Geeddi socodkan wuxuu muujin doonaa daah-furnaan, waxaana loo marayaa wadatashi sal-ballaaran loona wada dhanyahay, ayna isla wada ogolaanayaan dhamaan daneeyeyaasha Soomaaliyeed ee heer kasta. Waxaanu mar labaad xaqiijinaynaa taageerada ay saaxibada caalamku u hayso geedi-socodkan, kaas oo waafaqsan Qaraarka Golaha Ammaanka QM ee tirsigiisu yahay 2232.

9. Waxaan ugu baaqaynaa dhamaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed, Baarlamaanka Federaalka, dowlad goboleedyada, bulshada rayidka ah iyo daneeyeyaasha kale inay u wada hawlgalaan si waafaqsan danaha dimoqoraadiyaynta Soomaaliya ayadoo la raacaayo Aragtida 2016.

10. Waxaan ansixinaynaa mabaadi’da Hagidda saddexda qodob ee ay ku heshiiyeen iyo ee ay ku heshiiyeen Dowladda Federaalka iyo Baarlamaanka Federaalka,si loo helo is-afgarad  qaran ee geedi-socodka doorashada. Waxaan filaynaa in la helo faahfaahinta qorshahaan lagu heshiiyay ee mustaqbalka dhow – waana ugu dambeyn 15 August 2015. Waxaan ku guubaabynaa dhamaan daneeyeyaasha Soomaaliyeed inay ka faa’iidaystaan fursadda jirta una wada shaqeeyaan si hagar la’aan ah oo lagu heli karo is-afgaradkaan heer qaran ah.

11. Waxaan mar labaad cusboonaysiinaynaa baaqeenii ahaa in dadka Soomaaliyeed u midoobaan hirgelinta Aragtida 2016. Waxaan xaqiijinaynaa in dadka Sooamaliyeed iyo saaxiibada caalamkuba aanay u lahayn dul-qaad kuwa xagal-daacinaya ama daahinaayo geedi-socodka lagu dhisaayo nabadda iyo qaranimada.
12. Ayadoo la raacaayo ballanqaadyadii la sameeyay Shirki Arrimaha Ammaanka  London 2014 , isla markaasna mar labaad lagu ballan qaaday shirki Madasha Wadatashiga Heerka Sare ee ka dhacday Copenhagen bishi Nofembar 2014, waxaan soo dhoweynaynaa, ansixinaynaana qiimaynta, faahfaahinta iyo mudnaanta waqtiyaysan ee lagu hirgelinaayo qorshaha Guulwade.  Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamkuba waxay go’aansadeen inay dhaqaale u abaabulaan hirgelinta qorshahaan.

13. Waxaan aqoonsannahay baahida loo qabo dhismaha ciidan Soomaaliyeed oo xirfad leh una adeega dadkiisa iyo ciidamada booliska si loogu adeego dadka Soomaaliyeed. Waxaan soo dhoweynaynaa qabyo-qoraalka billowga ah ee qorshaha Heegan, waxaana ka dhursugaynaa in lasoo gabagabeeyo (faahfaahinta) qorshahaas ugu dambayn bisha Oktoobar 2015, markaas kadibna waa in si dhakhso leh loo hirgeliyaa.

14. Waxaan bogaadinaynaa qorshaha hadda socda ee laysugu-dhafaayo ciidamada gobolada, sidoo kalena waxaan aqoonsannahay taageerada ay ka bixiyaan arrimahani Midowga Afrika iyo Urur goboleedka IGAD. Waxaan ku baaqaynaa in qorshahani laga dhameeyo guud ahaan Soomaaliya ayadoo la tixgelinaayo anshaxa iyo xirfadda ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo inaan xasuusnaanno muhiimadda ay leedahay xaqiijinta in si joogto ah loo maalgeliyo. Waxaan fahamsannahay muhiimadda ay leedahay iyo mas’uuliyadda ka saaran Dowladda Soomaaliyeed bixinta mushaaraadka, iyo ballanqaadyada saaxibada caalamka ee bixinta gunnooyinka. Waxaan ku boorrineynaa in si joogto ah oo waqtiyaysan loo bixiyo lacagahaasi. Waxaan aqoonsannahay baahida deg deg ah ee loo qabo qeybinta qalabka iyo saadka.

15. Waxaan si adag u cambaaraynaynaa weerarada argagixisada Al-shabaab, sidoo kalena waxaan soo gudbinaynaa sida aan uga xunnahay dadka ku naf waayay weeraradaasi, waxaana tacsi murugo leh u diraynaa dadki ku waayay eheladi iyo asaxaabti ay jeclaayeen.

16. Waxaan bogaadinaynaa, qaddarinaynaana dadaallada ay wadaan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo AMISOM ay ugu hortagayaan kulana dagaalamaayaan Al-shabaab. Waxaan mar labaad xaqiijinaynaa baahida loo qabo in Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo AMISOM ay si wadajir ah diiradda u saaraan baabi’inta cadowga, taas oo marka u dambaysana ka qayb qaadan doonta jebinta cadowga, waana in la xaqiijiyaa in hawlgalladu ay waafaqsanaadaan Sharciga Caalamiga ah ee Xilliyada Dagaalka iyo kan Xuquuqul Insaankaba, gaar ahaan marka laga hadlaayo dhowrista/badbaadinta dadka rayidka ah. Waxaan ku baaqaynaa, in ay muhiim tahay in la abuuro jawi xasillooni ah ee dhulka laga qabtay Alshabaab iyada oo la aqoonsanayo doork ka qaybqaatayaasha kala duwan oo yak amid yihiinbulshada rayidka ah iyo booliska ayadoo la raacaayo istiraatiijiyada Xasilinta Qaranka.

17. Waxaan ku baaqaynaa in si dhakhso ah loo soo dhamaystiro qaabdhismeedka Waaxda Amniga Qaranka iyo qorshaha amniga ee muddada dhexeba, lana qeexo doorka iyo mas’uuliyadaha ay kala leeyihiin hay’adaha amniga qaranka, waana in la xaqiijiyo wadashaqaynta hay’adaha amniga qaranka si loo xaqiijiyo isku xirnaanta ka dhexeysa Waaxda Amniga Soomaaliya iyo si qorshahaan la horkeeno shirkeenna soo socda.

18. Waxaan bogaadinaynaa horumarka laga sameeyay hakinta falalka burcadbadeednimada, ee ka dhacayay xeebaha Soomaaliya, waxaanna hoosta ka xariiqaynaa baahida loo qabo in ciidamada amniga ee badda ay wax ka qabtaan falalka kale ee sharci darrada ah.

19. Waxaan soo dhoweynaynaa qorsheyaasha lagu xoojinaayo nidaamka maamulka lacagta ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qaybta amniga,oo ay kamid tahay samaynta habka daaha furan ee la aamini karo ee mushaar bixinta ciidamada qalabka sida. Waxaan soo dhoweynaynaa dhismaha la dhisay guddi ay ka wada qaybqaadanayaan hay’ado kala gedisan oo wax kaqabta bixinta mushaaraadka iyo gunnooyinka, waxaana ku baaqaynaa in lays waafajiyo (habkaan lacag bixinta ah) si waqtiyaysanna loo bixiyo mushaaraadka iyo gunnooyinka – waana in habkaan la dhamaystiro ugu dambayn bisha Oktoobar 2015.

20. Waxaan bogaadinaynaa Jaan-tuski dhowaan la hirgeliyay ee khuseeyay Maamulidda Xogta Dhaqaale ee Soomaaliyeed, habkaas oo soo bandhigaayo dakhliga/canshuuraha. Sidoo kalena qeexaayo kharashaadka ku baxay hawlaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

21. Waxaan bogaadinaynaa  miisaaniyadda qaran 2015 ee dib loo eegay taaso hindiseysa anshaxa maaliyadda ee aad u weyn iyo sidoo kale guddiga istaraaitjiyadda maaliyadda ee u dhexeeyo wasaaradaha oo loogu diyaar garoobaya miisaaniyadda qaranka ee 2016 iyo hirgelinta abaabulka dib u habeynta dakhliga. Waxan sugeynaa ansixinta waqti hore ee miisaaniyadda dib loo eegay. Waxan bogaanineynaa horumarka sare u qaadidda daah-furnaanta iyo isla xisaabtanka ee maareynta maaliyadda, waxaanna sugeynaa in la daabaco dhamaan warbixinnada maaliyadeed ee sanadlaha ah ee la soo gabagabeeyeymiyo waxbixinada hantidhawrka 

22. Waxan soo dhaweyneynaa dib u hawlgelidda Hay’adaha Maaliyadda ee Caalamiga ah iyo tallaabooyinka billowga ah ee loo qaaday geeddi socodka deyn cafinta. Waxan soo dhaweyneynaa qodobka IV ee wadatashiga Hay’adda Lacagta adduunka taa oo u gogol xaareeysa Qodobka koowaad ee wadatashiga IV laga soo billaabo 1989 waxaana ka go’an isbeddel meelo muhiim ah oo lagu xusay maamulka maaliyadda, maareynta dhaqaalaha iyo xoojinta iyo madaxa bannaanina ee Baanka Dhexe ee Soomaaliya

23. Waxan soo dhaweyneynaa shaqada Guddiga Maamulka Maaliyadda iyo in la abuuro Guddiga Qandaraasyada Qaranka eek u Meel Gaarka ah. Waxan soo dhaweyneynaa go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee xaqiijinta dhamaan qandaraasyada cusub ee wax soo iibsiga iyo qandaraasyada ay wada galeen dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay in loo gidbiyo si loo ansixiyo iayadoo loo marayo INPB. Waxan aqoonsannahay in shaqo dheeri ah loo baahan yahay si loo xoojiyo hay’adahan. Waxan ka dhursugeynaa gabagabada iyo in la meel mariyo Guddiga Maaliyadda Dowladda, Hindise Sharciyeedka Wax soo iibsiga iyo Hantidhawrka.

24.  Waxaan xasuusanaa doorka Heshiiska Cusub ee Xirmada Soomaaliya ee xaqiijinta isku xirka waxyaabaha mudnaanta leh iyo hawlaha amniga, geeddi socoda siyaasad loo dhanyahay iyo horumar. Waxan so dheeri ah u aqoonsannahay doorka Heshiiska Cusub ee Xirmada Soomaaliya si loo helo qaabdhismeed qorshaha gargaarka iyo habka gaarsiinta ee Soomaaliya. Waxan cusbooneysiineynaa go’aankeena higelinta siyaasadaha iyo dib u habeynta hawlgalka si loo taageero awoodda Farsamada Heshiiska Cusub,gaar ahaan, go’aanka daah-furnaanta,in la wadaago halista,gargaar waqtiyeysan oo la xaqiijin karo iyo xoojinta  awoodda qoshaha,isuduwidda,,hirgelinta,la socodka iyo koormeerka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

25.  Waxaa naga go’an inaan gabagabeyno la socodak qaabdhismeedka Xirmada,si waafaqsan mabaadi’da isla xisaabtan laba dhinac a, iyada oo loo maraya aasaasidda guddi shaqo, oo hoos imaanaya hoggaanka Wasaaradda Qorsheynta iyo waxan ka dhursugeynaa dib u eegista guud ahaan horumarka hirgelinta Xirmada,taa oo ku saleysan qaabdhismeedka la socodka la isku raacay ee shirkeena soo socdo
26. Waxan soo dhaweyneynaa aasaasidda ee Bangiga Adduunka, Qaramda Midoobay iyo barnaamijka maalgelinta soo socdo ee Bangiga Horumarinta Africa, soo loo hirgeliyo Heshiiska Cusub iyadoo loo maraya isuduwid wanaagsan ee habka Xarunta Horumarinta iyo Dib u Dhiska Soomaaliya taa oo ku jirto dareen lahaansho Soomaaliyeed iyo hoggaamin. Waxan soo dhaweyneynaa aasaasidda Sanduuqa Maalgelinta ee Maalintgelinta saaxibada badan ee QM iyo in si deg deg ah loo aqoonsado barnaamijyo lagu maalgeliyo barnaamijka maalgelinta.

27. Waxan soo dhaweyneynaa adeegsiga Nidaamka Qorshe hawleedka Dalka iyo tallaabooyinka ay qaadday DFS iyo saaxibada horumarinta taa oo loo qaaday in lagu guuleysto bartilmaameedyada la xiriira.

28. Waxa mar labaad xaqiijineynaa go’aankeena ku aaddan mabaadi’da iskaashi iyo waxan carrabka ku adkeyneynaa lahaanshaha qaran ee lagu dejinayo mudnaanta horumarineed, dedejinta gaarsiinta, muuqashada iyo kormeeridda farsamooyinka hirgelinta iyo la socodak najiitada. Waxan soo dhaweyneynaa tallaabooyinka la soo jeediyey iyo sidi hore loogu socon lahaa sis are loogu qaado lahaansho qaran, muuqasho iyo dedejinta gaarsiinta iyo go’aanka gabagabeynta iyo in lagu heshiiyo tallaabooyinka ugu dambeeyo marka la gaaro ugu dambeyn Sebteembar 2015

29. Waxan soo dhaweyneynaa horumarka laga sameeyey adeegsiga nidaamka Heshiiska Cusub iyo hannaanka horumarinta barnaamijyada iyo kormeeridda iyo isuduwidda. Waxan aqoonsannahay in horumar dheeri ah loo baahan yahay marka arrintan la eego iyo waxan la boorrinayaa in farsamooyinka isuduwidda, iyo hay’adaha maamula barnaamijyada ee weli bannaanka ka ah SDRF in lasoo geliyo gudaha qaabdhismeedkaas.  Waxan boorrineynaa barnaajyo laba geesood ah si al isugu duwo iyada oo hoos imaaneysahoggaaminta dowladda.


30. Waxan ku bogaadineynaa Dowladda Federaalka dedejinta hawlaha iyo qorsheynta dib u kabasho dhaqaale ee waarta. Waxan ka dhursugeynaa horumarka laga gaaray

31.  Waxaa na dhiirigeliyey dadaalada ay sameysay DFS ee la tashiga maamulada ku meel gaarka ah ee gobolada in ay hindisaan shaqo on ku saabsan qaabdhismeed horumarinta waqtiga fog (Aragtida 2035) oo si wax ku ool ah loo qaabeeyo isbeddelka mustaqbalka bulsho iyo dhaqaale ee Soomaaliya.Waxan qireynaa in qaabdhismeedka waqtiga fog ay laazim tahay in lagu xiriiriyo istaraatijiyada yak amid yihiin Midowga Africa (AU) Ajendaha 2063 iyo in ay la xasuusto Yoolalka Horumarinta Waara ee Caalamiga ah. 

32. Waxan bogaadineynaa shaqada ay qabteen DFS iyo saaxibada ay kamid yihiin bulshada rayidka ee kobcinta xasilinta aagagga laga qabsaday Al-Shabaab. Waxan aqoonsannahay muhiimadda in si xoog leh la isu waafajiyo iyo isuduwidda ee maalgelinta iyo barnaamijyada kala duwan, in so wanaagsan loo taageero dhismaha maamulada deegaanka iyo bixinta adeegyada aasaasiga ah iyo fursadaha ballaarinta dhaqaalaha ee waara, shaqaaleysiinta iyo habnoolaleed wanaagsan. Waxa naga go’an in sare loo qaado isuduwidda iyo iswaafajinta oo hoos timaadda hoggaanka DFS iyada oo loo maraya nidaamyo isuduwidda oo lagu hoos sameeyey Xirmada

33. Waxan aqoonsannahay dhibaatooyinka bani’aadanimo ee socda, oo ay kamid yihiin aagaagga dhawaan la xoreeyey, iyo saameynta uu ku leeyahay dadka Soomaaliyeed iyo waxan bogaadineynaa mabaadi’da hawlaha bani’aadanimo ee lagaga jawaabaya. Waqti xaadirkan, waxa naga go’an sameynta istaraatijiyad habka waqtiga fod oo ka jawaabaya waxyaabaha sababay dhibaatada iyadoo la taageeraya qorshe dhowr sano ee xal waara iyo adkeysiga, oo ay hoggaamineyso Wasaaradda Qorsheynta iyo in la isu keeno qorshaha adkeysiga iyo hawlaha dib usoo kabashada. Waxan aqoonsannahay baahida in wax laga qabto arrin muddo jirtay oo ah barakcay gudaha iyo in la helo xal waara oo hoos imaanay hoggaanka dowladda, heer federal, gobol iyo deegaan.

34. Waxan muujineynaa walaac weyn qulqulka tirade sii kordheysa ee xaqqotiga iyo soo guryo noqonaya eek a imaanaya Yemen waxan ku baaqeynaa in si deg deh ah loo geeno taageero lacageed iyo mid ficil muuqdo ah to loo siiyo hooy, sahay, dakhli so loo taageero dadkan qaxootiga ah, intaa waxaa dheer taageerada hadda lagu siinayo xarumaha dadka lagu qaabilayo. Waxan ku boorrinyeynaa in taageerada lagu gaarsiiyo goobaha kale ee dadka imaanayaan.

35. Waxan aqoonsannahay muhiimadda doorka haweenka ee nabadda iyo dhismaha dolwadda waxaana naga go’an in aan sare u qaadno ka qaybgalka haweenka ee xeyndaabyada siyaasadda, bulsho iyo dhaqaale.

36. Waxan aqoonsannahay in ilaalinta iyo sare u qaadista xuquuqda aadanah ay muhiim u tahay nabad waarta iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo waxaan soo dhaweyneynaa ka go’naanshaha Dowladda Fedral ee xuquuqda aadanaha oo ay kamid tahay in loo maro ka qaybqaadashada Geeddi Socodka Dib u Eegista Guud ee Watiyo Gaar ah. Anaga oo aqoonsan in wadatashi ballaaran in uu muhiim u yahay ansixinta sharci sal adag oo lagu aasaasayo Guddi Madax Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha, waxan xoojineynaa muhiimadda in la dedejiyo meel marin sharci markaa kadib in la aasaaso guddiga. Waxa ugu baaqeynaa saaxibada in ay taageeraan geeddi socodka loogu talo galay in lagu xaqiijiyo in xuquuqda aadana aasaas u noqoto hirgelinta dhamaan waxyaabaha mudnaanta PSG,gaar ahaan iyada oo loo maraya Qorshe Hawleedka Xuquuqda Aadanah iyo Qorshe Hawleedyada ku saabsan Xuquuqda Aadanah.

37. Gabagabadii,waxaan u mahad celinay dhamaan ka qaybgalayaasha sida wax ku oolka ah ee ay ugu soo qayb galeen iyo ballanqaadkooda hirgelinta tallaabooyinka iyo hawlaha lagu heshiiyey waqtiga haray ee 2015 iyo in dib loo eego horumarka guud ee sanadkan ee hirgelinta Xirmada ee shirka xiga ee heer Wasiiro ee bisha koowaad 2016