War-saxaafadeedka Golaha Amaanka ee doorashooyinka Soomaaliya

28 Feb 2020

War-saxaafadeedka Golaha Amaanka ee doorashooyinka Soomaaliya

Xubnaha Golaha Amaanka ayaa waxay garwaaqsadeen horumarka laga sameeyay diyaargarowga loogu jiro in Soomaaliya lagu qabto doorashooyin qaran dabayaaqada sannadka 2020 ama horraanta sannadka 2021, waxayna soo dhoweeyeen kaalinta ay arrintan ku leeyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Guddiga Madaxabannaan ee Doorashada Qaranka (GMDQ).

Xubnaha Golaha Amaanku waxay mar kale xaqiijiyeen inay dhowrayaan gobanimada, midnimada dhuleed, madaxbannaanida siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Amaanku waxay ku celiyeen inay filanayaan inay qabsoomi doonaan doorashooyin qof iyo cod ah oo nabdoon, daahfuran, waqtigoodii ku dhaca, lagu kalsoonaan karo oo loo wada dhanyahay, u ogolaada tirada ugu badan ee suurtagal ah ee muwaadiniinta ah inay codeeyaan, ayna lagama maarmaan tahay in la qabto dabayaaqada 2020 ama horraanta 2021, si waafaqsan Dastuurka Federaalka Ku Meelgaarka ah ee Soomaaliya. Xubnaha Golaha Amaanku waxay sheegeen in dib u dhac kasta oo ku yimaada doorashooyinka uu keeni karo khatar iyo in doorashooyinka oo waqtigooda lagu qabto ay muhim u tahay xasilloonida siyaasadeed ee Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Amaanku waxay soo dhoweeyeen meelmarinta Sharciga Doorashada laakiinse waxay sheegeen inay jiraan arrimo lagama maarmaan ah oo u baahan in la xalliyo. Iyagoo arrintan ka hadlaya, xubnaha Golaha Amaanku waxay ugu baaqeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo wada shaqayn kala yeelanaya Guddiga GMDQ wadatashina kala yeelanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada Federaalka ah, iyo saamilleyda kale ee ay taladu ka dhexeyso, inuu qaado tallaabo degdeg ah oo uu arrimahan ku kala caddeynayo si ay u suurtagasho hirgelinta Sharciga Doorashada, sida: qeexidda degaan doorashooyinka; u qoondeynta kuraasta degaan doorashooyinka; sida lagu hirgelinayo qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ka ah, ee ay Soomaaliya ballanqaadday; iyo sida lagu maareynayo kuraasta Gobolka Banaadir iyo Somaliland.

Xubnaha Golaha Amaanku waxay sheegeen inay ka xunyihiin in Guddiga GMDQ uusan si xor ah uga hawgeli Karin dhammaan Dowlad Goboleedyada Federaalka ah. Xubnaha Golaha Amaanku waxay sidoo kale ku dhiirigeliyeen hay’adaha iyo mas’uuliiyiinta Soomaaliyeen ee heer kasta inay abuuraan jawi siyaasadeed iyo mid amni oo suurtageliya doorashooyin loo wada dhanyahay.

Xubnaha Golaha Amaanku waxay ku nuuxnuuxsadeen muhimadda ay leedahay iskaashi buuxa oo dhexmara Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada Federaalka ah, waxayna sheegeen inay ka walaacsanyihiin in, maadaama iskaashigaasi la la’yahay, uu hakan doono horumar laga sameeyo arrimaha qaran ee mudnaanta leh, oo ay ka midyihiin: hirgelinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka; ka miradhelinta Qorshaha Kalaguurka ee ay Soomaali garwadeen ka tahay; ka miradhelinta dibuhabeyn dheeraad ah oo lagu sameeyo hay’adaha maaliyadda; dib u eegidda dastuurka; iyo hirgelinta doorashooyin waqtigii loogu talagalay ku dhaca. Isagoo ka hadlaya arrintan, Golaha Amaanku wuxuu ku baaqay wadatashi ballaaran iyo isafgarad-dhisid dhexmara Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Federaalka ah. Xubnaha Golaha Amaanku waxay ugu baaqeen dhammaan dhinacyada ku hawl leh inay joojiyaan kordhinta xiisadaha iyo qaadidda tallaabooyin ay u badan tahay inay wadahadalka sii adkeyso, oo ka midyihiin kuwa ka dhanka ah qoraalka ama nuxurka Dastuurka Federaalka Ku Meelgaarka ah ee Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Amaanku waxay mar kale ku celiyeen sida adag ee ay u taageersanyihiin Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), waxay ammaan u soo jeediyeen dadaalkooda ay ku taageerayaan hay’adaha Soomaaliyeed, Baarmalaanka Federaalka Soomaaliya, iyo Guddiga GMDQ diyaargarowga ay ugu jiraan doorashooyinka qorsheysan in la qabto dabayaaqada 2020 ama horraanta 2021, dadaalladooda ay ku taageerayaan Soomaaliya si loo sugo amniga dadka Soomaaliya, waxayna soo dhoweeyeen dadaallada lagu sii xoojinayo xiriirka ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Xubnaha Golaha Amaanku waxay garowsadeen in toddobaadyada iyo bilaha soo socda ay marxalad muhim ah u noqon doonaan Soomaaliya waxayna sheegeen inay sii wadi doonaan dib u eegid ay ku sameeyaan xaaladda ayna si dhow ula socon doonaan hirgelinta doorashooyinka. Xubnaha Golaha Amaanku waxay sidoo kale hoosta ka xariiqeen taageerada ay u hayaan nabadda, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.

Spokesperson’s website: http://www.un.org/sg/en/spokesperson