War-saxaafadeedka Golaha Amaanka ee ku saabsan Soomaaliya

4 Apr 2018

War-saxaafadeedka Golaha Amaanka ee ku saabsan Soomaaliya

Xubnaha Golaha Amaanku waxay si kulul u cambaareeyeen weerarkii argagaxiso ee 1dii April 2018 ay Al-Shabaab ku qaaday ciidamada Uganda ee ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ee ku sugan Gobolka Shabeelaha Hoose ee Soomaaliya kaas oo tiro askar ah lagu dilay laguna dhaawacay.

Xubnaha Golaha Amaanku waxay muujiyeen dareenkooda, tacsina u direen qoysaska dadkii dhibku soo gaadhay iyo sidoo kale dadka iyo Dowladda Uganda. Xubnaha Golaha Amaanku waxay u rajaynayaan inta dhaawaca ah inay helaan caafimaad iyo soo kabasho degdeg ah.

Xubnaha Golaha Amaanku waxay hoosta ka xariiqeen taageeradooda buuxda ee ay siiyaan AMISOM si ay u gutaan waajibaadkooda una yareeyaan khatarta ka iman karta kooxda argagxisada ah ee Al-Shabaab iyo kooxaha mucaaradka hubaysan ee Soomaaliya. Xubnaha Golaha Amaanku waxay hoosta ka xariiqeen inay ciidanka AMISOM ugu mahadnaqayaan geesinimadii iyo nafhuriddii ay sameeyeen iyagoo gudanaya waajibaadkooda.

Xubnaha Golaha Amaanku waxay mar kale xaqiijiyeen in dhammaan noocyada iyo wajiyada  kala duwan ee argagaxisadu ay yihiin mid ka mid ah khataraha ugu culus ee soo foodsaartay amniga iyo nabadda caalamiga ah.

Xubnaha Golaha Amaanku waxay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in caddaaladda la horkeeno kuwa geystay, kuwa soo abaabulay, kuwa maalgaliyay iyo kuwa masuulka ahaa falalkan foosha xun ee argagaxisada ah. Waxay adkeeyeen in lala xisaabtamo kuwii masuulka ka ahaa dilalkan, waxayna ugu baaqeen dhammaan Dowladaha inay si firfircoon ula shaqeeyaan Dowlada Soomaaliya iyo dhammaan hay’adaha ay khusayso arrintani, si waafaqsan waajibaadkooda ka saaran sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Golaha Amaanka ee khuseeya.

Xubnaha Golaha Amaanku waxay mar kale ku celiyeen in falal kasta oo aragagaxiso ah ay yihiin faldembiyeedyo aan loo cudur daari karin, iyadoon loo eegayn ujeedkooda, ha ka dhacaan goob walba, goor walba iyo cid walboo geysata. Waxay mar kale xaqiijiyeen baahida loo qabo in dhammaan Dowladuhu ay si walba ula dagaallamaan khataraha ay falalka argagaxisadu ku hayaan amniga iyo nabadda caalamiga ah, si waafaqsan Axdiga Qaramada Midoobay iyo waajibaadka kale ee uu dhigayo sharchiga caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, sharciga caalamiga ah ee qaxootiga iyo sharciga caalamiga ah ee xilliyada dagaallada. 

Xubnaha Golaha Amaanku waxay ammaan u soo jeediyeen dhammaan daneeyaasha caalamiga ah ee ka shaqeeya inay Soomaaliya hesho nabad iyo xasillooni. Xubnaha Golaha Amaanka ayaa mar kale ku celiyay sida ay uga go’antahay inay taageeraan hanaanka geeddi socodka nabadda iyo dib-uheshiisiinta Soomaaliya. Waxay hoosta ka xariiqeen in weerarkan iyo weerar kastoo kale oo argagaxiso ahi aanu wiiqi karin u heellanaantaas iyo dadaalladaas.