Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya: Waxaa loo baahanyahay isfahan dheeraad ah oo u dhaxeeya Dowladda iyo bahwadaagteeda caalamiga ah kuna aadan barnaamijka wacyigalinta dadweynaha

20 Aug 2019

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya: Waxaa loo baahanyahay isfahan dheeraad ah oo u dhaxeeya Dowladda iyo bahwadaagteeda caalamiga ah kuna aadan barnaamijka wacyigalinta dadweynaha

Muqadisho – Isla fahamida iyo kormeerida dadaallada isgaarsiinta ee Soomaaliya, iyo faa'iidooyinka iskaashigi kan oo kale ah, ayaa ka mid ahaa qodobbadii ugu waaweynaa ee looga wada hadlay kulan ay yeesheen maanta isgaarsiinta Soomaaliya iyo bahwadaagteeda caalamiga ah.

 “Waxaan jeclaan lahayn in bahwadaagteena caalamiga ah ay raacaan siyaasadaha aan dejinay iyo tilmaamaha Wasaaradda Warfaafinta, ee mas'uul ka ah hagida iyo dejinta siyaasadaha howlaha wacyi-gelinta dadweynaha ee Soomaaliya” Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka, Maxamed Cabdi Xayir 'Maareeye,' ayaa sidaa ka yiri kulanka

Mudane Xayir wuxuu xusey in qaar ka mid ah hey'adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya howlaha wacyi gelinta bulshada ay ka wadaan Soomaaliya inaysan raaceynin siyaasadaha iyo istiraatiijiyadaha dowlada ee la dejiyay

Mohamed Abdi Hayir, the Minister of Information, Culture & Tourism of the Federal Government of Somalia, speaks at a consultative meeting on communication and public awareness held in Somalia on 20 August 2019. The meeting was also attended by representat

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Muqdishu halkaa oo uu kulan wadatashi ah oo uu kula yeeshay wakiilo ka kala socday hay'adaha caalamiga ah iyo shirkadaha ka shaqeeya arrimaha warbaahinta iyo barnaamijyada wacyigelinta dadweynaha ee Soomaaliya. Ka soo qeyb galayaasha waxaa ka mid ahaa wakiilo ka socda Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, safaarado shisheeye iyo shirkado gaar loo leeyahay.
 
Shirka maanta ayaa qayb ka ah wadatashi afar maalmood qaatay oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka soo qeyb galay wasiirro warfaafinta ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka oo ayna kamidyihiin Wasiirra Warfaafinta puntland, Koonfur Galbeed, Galmadug iyo Hirshabelle ee kala ah Cali Xasan Axmed, Xasan Maxamed, Maxamed Aadan Cusmaan iyo Cabdiweli Maxamed Cabdi – oo ayna weheliyaan mas'uuliyiinta kala duwan oo ka kala socda ee dowlad-goboleedyadaas iyo dowlad-gobolleedka Jubaland.

Qorshaha Taageerada wacyiga dadweynaha
 
Asagoo kahadlaya shirka ayuu wasiirka warfaafinta ee xukuumadda federaalka wuxuu ka codsaday bahwadaagta caalamiga ah inay taageeraan hirgelinta warbaahinta iyo istiraatiijiyadda wacyi-gelinta dadweynaha ee dalka, si looga hortago sheekooyinka been abuurka ah si loo soo celiyo nabadda iyo xasilloonida.

Bishii Febraayo ee sannadkan, Wasaarada warfaafintu waxay soo saartay qorshaha saddexda sano - ee loo yaqaan 'Istaraatiijiyadda Qaranka ee wacyi gelinta Dadweynaha 2018-2021' - oo ku saleysan isuduwidda iyo isku dubbaridka ololayaasha wacyi gelinta bulshada ee mas'uuliyiinta Soomaaliya, xarumaha warbaahinta, ururada bulshada rayidka, iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah.

Lataliye sare oo katirsan wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Aadan “Koronto” ayaa sharaxay kulanka, siyaasadaha wasaaradda, istaraatijiyadda iyo habraaca.

 “Guud ahaan waxaan waxaa looga gol leeyahay in lagu horumariyo daahfurnaanta.” Ayuu xusay “Hadii aad wax ka samaynayso soomaaliya, aan aragno waxaas asaga ah. Anaga oo ah masuuliyiinta dowladda fadaraalka iyo kuwa heerarka dowladaha xubnaha ka ah waa in aan ogaanaa waxa aad qabanaysid iyo sida aad ugu guulaysanayso waxa aad qabanayso.”

“Waa in ay Jirtaa muraayad laga eegi karo in wax walba ay la jaanqaadayaan waxa aad samaynayso.” Ayuu raaciyay “Wasaaradda warfaafintu ma faragalinayso lakiin waxaa ay u baahantahay in ay kor joogteyso.”

Bahwadaagta oo soo dhawaysay shirka
  
Asaga oo ku hadlaaya magaca howlgalka gargaarka ee qamada midoobay ee Soomaaliya UNSOM, madaxa isgaarsiinta iyo arimaha dadweynaha Carlos Araujo ayaa soo dhaweeyay shirka iyo ujeedooyinkiisa.
 
“Hadii aan la helin isuduwidd iyo wadashaqayn, sinaan fariin, isla-xisaabtan, iyo qoonta howlaha maxaliga ah oloolaha qaran ee waciygalinta dadweynaha waa uu guuldareysanayaa. Taasi waa sababta uu shirkan u yahay mid aad muhiim u ah. 

Gifty Bingley, Khabiir dhinaca  isgaarsiinta ah oo katirsan howlgalka midowga Afrika ee soomaaliya (AMISOM) ayaa iyadana xoojisay fikirka Arujo: “Waxaan rajeynaynaa in aan la shaqeyno dowladda. Kani waa shir aan soo dhaweynayno.” 

Abdiraxmaan Cusmaan oo ah lataliye arrimaha isgaarsiinta ah oo ku sugan magaalada muqdisho ayaa asagana sheegay in wxoojinta wadashaqeynta wasaaradda warfaafinta iyo bahwadaagteeda caalamiga ah ay caawinayso dadaaladda dib loogu soo celinayo sawirka qurxoon ee Soomaaliya kadib sanado badan oo dagaal sokeeye ah. 

Representatives of Somalia's development partners attend a consultative meeting on communication organized by the Federal Government and Federal Member States' Ministers of Information held in Mogadishu, Somalia, on 20 August 2019. UN Photo / Omar Abdisal“ Waxaa jira sawir aan haboonayn, habka ay tahay in looga hortagana waa in aan muujinaa dhinaca wanaagsan ee sawirkaas una soo bandhignaa qaabkasta oo wanaagsan.” 

 Kulanka maanta ayaa ku soo gabgaboobay shaacinta qorsheyaal lagu qabanayo shirar heer farsamo ah oo joogta ah una dhaxeeya dowladda iyo bahwadaagteeda caalamiga ah ee dhinaca isgaarsiinta. Si looga wadahadlo nadaaminta iyo fulinta barnaamijyada wacyigalinta dadweynaha dibna loogu eego mashruucyadii horay u sii socday.