Xaliima-Sacdiya Cabdullahi: Rug-caddaa saxaafadeed oo taageerta haweenka saxafiyiinta ah iyo bulshadeeduba

previous next
1 May 2020

Xaliima-Sacdiya Cabdullahi: Rug-caddaa saxaafadeed oo taageerta haweenka saxafiyiinta ah iyo bulshadeeduba

Garowe – Da’adeda oo wali kusiman 30 sano ayay Xaliima-Sacdiya noqotay ruug caddaa saxaafadeed oo mihnadda warbaahinta in badan kusoo jiray, lagana yaqaano bulshadeeda dhexdeeda iyo halka ay kunooshahay ee Garowe xarunta Puntland.

Mid kamid ah shaqooyinkeeda ugu danbeeyay waxaa kamid ah inay daadihiso barnaamij siyaasadeed oo lagu magacaabo Madasha SBC, oo ay ku waraysato dadka wararka sameeya, ololeeyayaasha, siyaasiyiinta iyo qaybaha bulshada, waxayna ku yeelatay magac.

Hayeeshee waddada ay usoo martay inay heerkaan soo gaarto maahan mid sahlan, waxaana jira arimo caqabado ah oo ay u bareertay oo ay kamid yihiin inay ka shaqayso warbaahinta oo aysan bulshadu jeclayn marka gabdhuhu ka shaqaynayaan.

“Intii aan ku jiray warbaahinta waxaan xasuustaa mar aan waraystay masuul dawladda kamid ah oo si layaab leh uf fal celiyay markii uu arkay anigoo u diyaara inaan waraysi ka qaado, waxuuna ii sheegay inay tahay markii ugu horaysay  ee ay gabar waraysi ka qaaddo– waxaan iri muxuu yahay farqiga u dhexeeya hadduu ku wraysto wiil ama gabar, waxayna tan ku tusaysaa inuu jiro dhaqan guud oo aan si rasmi ah usoo dhawaynayn hablaha warbaahinta ka shaqeeya” ayay tiri Xaliima-Sacdiya.

Horumar Lasameeyay

Waxaa jira horumaro la sameeyay muddooyinkii ugu danbeeyay marka ay timaaddo gabdhaha ka shaqeeya warbaahinta oo ay bulshadu soo aqbalaysay, laakiin wali waxaa warbaahinta xoog ugu badan ragga, waxana si guud u jira shaqo la’aan haysta dumarka Puntland kunool.

Arimahan iyo duruufaha haysta haweenka warbaahinta Puntland waxay ku kalliftay inay u qareento haweenka ku jira warbaahinta. Shaqadeeda warbaahinta waxaa u dheer inay tahay wakiilka hay’ad maxalli ah oo u doodad xuquuqda wariyayasha taasoo lagu magacaabo “ Somali Journalist Syndicate (SJS), waxing xoogga saaraan horumarinta xoriyadda saxaafadda, waxayna heer maxkamadeed u difaacaan wariyeyaasha.

“Waxaa masuuliyad iga saran tahay inaan u qareemo xuquuqda saxafiyiinta gaar ahaan haweenka. Khibradayda kusiman 10-ka sano ee warbaahinta  waxay isiisay awood ah inaan u istaago difaacidda hablaha da’ada yare ee warbaahinta ku jira” ayay tiri Xaliima.

“Marka aan bixiyo qiyaas, tobankii wariye oo ka shaqeeya warbaahinta Puntland waxaa dumar ka ah laba ama saddex, walina ma helaan sinaan lamid ah tan ragga markay timaaddo shaqaalaysiinta” ayay intaa raacisay “ Tusaale, inta badan hablaha warbaahinta ku jiraa ma qabtaan xilalka sar sare ee warbaahinta sida, madax qaybeedyada Tifaf tirka, iyo agaasimayaasha taasoo ka dhigan inay qaataan mushaar ka yar tan ragga ka shaqeeya warbaahinta”

Saxafiyaddan waxay aaminsan tahay, in marka bahda saxaafadda ay waayaan xuquuqdooda sida mushaarka, raggu waxay dumarka dheer yihiin inay woxooda qaylo kusoo dhacsadaan, halka dumarka ay door bidaan inaysan habkaas u dhaqmin, waxayna tani sababtay ayay tiri inay mushaar la’aan ku shaqeeyaan dhowr bilood.

Marwo Xaliima-Sacdiya, waxay tiri caqabadahan kor kuxusan waxaa sii cusleeyay ayadooa aysan jirin siyaasado, iyo xeerar qoran oo hagahaya shaqaalaysiin hagaagsan,marka laga hadlayo warbaahinta, waxayna tani keentaa in saxafiyiin badan lagu shaqaalaysiiyo heshiis afka ah.

Xiisaha sheeko samaynta

Yaraanteedii, Xaliimo-Sacdiya waxay jeclayd sheekooyinka iyo samayntooda, waxayna ahayd qof bulshadeeda sheekooyinka la wadaagta, kuna faraxsan inay sheekooyinka iyo doodahaba ka dhagaysato bulshada xataa walaalehed iyo asxaabteeda.

“Waxaan ku dhiirran jiray inaan hadlo anigoo da’adayda yar tahay” ayay tiri Xaliima. “ waana midda ii sahashay inaan hadda heerkan gaaro” ayay intaa ku dartay.

Waxay u jihaysatay wax barashada ayadoo jaamacadda Boosaaso University ka baratay maaddada horumarinta bulshada, hayeeshii markii ay warbaahinta kusoo biiraysay 2010-kii sheeko samayntuna waxay ahayd mid warbaahinta u sahashay.  Waxay lasoo shaqaysay warbahinno dhowr ah oo ay kamid yihiin : Radio Daljir, Radio Ergo, Radio Garowe iyo SBC TV.

“Intaa aan shaqada warbaahinta ku jiray, waxaa I saarnaa culayso shaqo oo badan, sida shaqada dheer ee warbaahinta oo ay ii dheer tahay anigoo ah hooyo; ma ahan wax fudud hayeeshee waligay ma caban” ayay tiri Xaliima-Sacdiya.

Waxay jeceshahay inay sii waddo mihnaddeeda saxaafadeed, ayadoo qalbiga ku haysa in warbaahintu ay tahay shay muhiim ah oo saamayn ku leh bulshada, gaar ahaan  dhinacyada dib u dhiska iyo ka hortagga rabshadaha dalka Soomaaliya

“Mar marka qaarkood, shaqadaada maahan kaliya inaad dadka warka gaarsiisid, laakiin waa inaa dadka aad baddashid oo saamayn ku yeelato– maaddaama wacyi galinta iyo dabci baddalka ay yihiin arimaha ugu muhiimsan ee warbaahintu qabato” ayay tiri Xaliima

Taageerada Warbaahinta

Qaramada Midoobay waxay taageertaa horumarka saxaafadda Soomaaliya, ayadoo si dhow ula shaqaysa ururo saxaafadeed oo dalka ka jira. Hay’addan caalamiga ah waxay aaminsan tahay in xoriyatul qawlku uu yahay qodob aasaasi ah oo ka mid ah xuquuqda aadanaha sida lagu xusay Qodobka 19 ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha waxaana loo asteeyay 3-da May oo ah Maalinta Xoriyadda Saxaafadda.

Hal ku dhagga sanadkan ee maalintan waa “Warbaahin ka madax bannaan Cabsi ama Eexasho” waxayna leedahay hal ku dhag hoosaadyo sida:  bad qabka ragga iyo dumarka saxafiyiinta ah iyo shaqaalaha warbaahinta, waxaa kaloo ka mid ah warbaahin xor ah oo shaqo taqaan taasoo ka madax bannaan saamayn siyaasadeed iyo mid dhaqaale, midda ugu danbaysana waa in ragga iyo dumarku u sinnaadan dhammaan qaybaha warbaahinta.

Sida ay xustay hay’adda Qaramada Midoobay ee qaabilsan Tacliinta Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO), xoriyadda saxaafaddu iyo helidda xogta warbaahinta waxay ka qayb qaataan in la sameeyo horumar ballaan oo hadafkiisu yahay awood siinta dadka, awood siintuna waxay  leedahay faracyo kala duwan kuwaasoo ah habka dhaqan dhaqaale ee caawiya in dadku helaan awood ay ku maamulaan nafohooda. UNESCO waxay xustaa in arintan lagu gaari karo in dadku helaan xog sax ah, hufan oo aan dhinac u jan jeerin, taasoo matalaysa ra’yul caamka iyo in xogta loo faafiyo si babac ah iyo si gudub ah intaba oo ay bulshadoo dhan ka qayb gasho.