Xarun lagu dhaqanceliyo fakadka Al Shabaab oo Kismaayo laga dhisayo

28 Jan 2016

Xarun lagu dhaqanceliyo fakadka Al Shabaab oo Kismaayo laga dhisayo

Kismaayo – Xarun cusub oo loogu talogalay in hubka looga dhigo, lugu dhaqanceliyo sidoo kalena lugu xannaaneeyo dagaallameyaasha horay ugu tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa laga dhisayaa magaalada Kismaayo, si loogu xareeyo ka hor inta aan kuwooda waantooba bulshada lugu soo darin. 

Dhismaha xaruntan waxaa maalgelinaya dowladda Jarmalka oo gacan ka heleysa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Hawlgalka Taakuleynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobey (UNSOM).

28-kii Jannaayo, koox ka kooban saraakiil ka kala socda safaaradda Jarmalka, UNSOM, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Ururka Socdaalka Caalamka (IOM), ayaa booqday meesha xarunta laga yagleeli rabo. Danjire Ku Xigeenka Jarmalka, Christian Resch, ayaa sheegay in dowladdoodu ay u heellan tahay sidii Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey gacan looga siin lahaa hirgelinta xarun lugu dhaqanceliyo dagaallameyaasha waantoobay.

“Ugu horreyn, waa inaan indho-indheynaa goobta laga dhisayo xarunta cusub, si aa u aragno in tahay meel ku habboon islamarkaana aan fulinta dhabta ah ee mashruuca kala hadalno Wasiirka Arrimaha Gudaha, oo maamulka Jubbaland uga mas’uul ah hawshan”, ayuu yiri Mr. Resch.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland, Maxamed Warsame Darwiish, ayaa soo dhaweeyey booqashada lugu bixiyey goobta, wuxuuna sheegay in dowlad goboleedku ay ka dhursugeyso dhismaha xarunta, taas oo loo adeegsan doono in lugu dhaqanceliyo dhallinta ka soo fikada kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab. 

“Muudo dheer ayaan kooxdan sugeyney. Maanta ayey yimaadeen, waan bixinnay dhulkii, todobaadka soo socdana waxaa la guda-galayaa dhismaha mashruuca,” ayuu wasiirku tibaaxay.

Mr. Maalik Cabdalla, oo ah Agaasimaha Mashruuca Dagaallameyaasha Waantoobay, ayaa sheegay in muhiim tahay hanashada qalbiga iyo kaskaxda dhaalinyarada ay marin habaabisey kooxda Al-Shalabaab, asagoo intaas ku daray in taasi tahay waddada kaliya ee argagixisada looga adkaan karo.

Madaxa qaybta Hub-ka-dhigista, Kala-furfurka iyo Dhaqancelinta ee UNSOM, Patrick Loots, ayaa dhankiisa sheegay in marka la dhammeeyo xaruntan, ay dhallinyarada horay uga tirsanaa Al-Shabaab siin doonto fursad ay mar mar kale nolol cusub ku billowdaan.