Xilli ay booqdeen Dhusamareeb, wakiilada beesha caalamka oo ku baaqay in hoggaamiyeyaasha Soomaalida wada-shaqeeyaan

27 Oct 2020

Xilli ay booqdeen Dhusamareeb, wakiilada beesha caalamka oo ku baaqay in hoggaamiyeyaasha Soomaalida wada-shaqeeyaan

Galmudug – Xilli ay soo dhaweeyeen doorkii iyo gacantii uu ka  geystay Madaxweynaha Galmudug in Soomaaliya u jideysato doorashooyin ayey wakiilada qaar ka mid ah saaxiibada muhuumka ah ee dalka ku baaqeen maanta in wadashaqeyntii dhawaan dhexmartay hoggaamiyeyasha ee keentay heshiiskii doorashada qaranka kor loo sii qaado.

“Waxaan rabaa in aniga oo u hadlaya kooxdeena aan wax ka iraahdo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye hoggaamintii uu ku martigaliyey shirarkii taxanaha ahaa ee Dhuusamareeb ka dhacay bilihii Luulyo iyo Agoosto ee horseeday shirarkii wadatashigae ee bishii hore ka dhacay Muqdisho kaas oo heshiis looga gaaray nimdaaka doorashada,” waxaa sidaas yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Qaramada Midoobayu qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“Waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay sii wadaan wadashaqeynta xagaagan iyada oo loo diyaar garoobayo doorashooyinka qaranka si loo adkeeyo in ay noqdaan kuwo daahfuran, xalaal ah, loona dhannyahay,” ayuu hadalkiisa ku daray, xillii ay si wadajir ah shir jaraa’id u qabanayeen Madaxweyne Kaariye kaddib kulan uu isaga iyo wakiilada ka socday beesha caalamka kula yeeshay Caasimadda Galmudug.

Ergeyga gaarka ah waxa uu u hadlayey QM, Ergeyga Gaarka ah ee  Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya, , ku xigeenka wafdiga Midowga Yurub u qaabilsan  Soomaaliya, Nicole Miller; iyo Jamal Ahmed Ibrahim oo ka socday Urur Gobolleedka IGAD.

Booqashadan Maamul Gobolleedkan waa tii labaad ee bishan ay ku yimaadaan afarta hay’adood ee caalamiga ah kaddib booqasho ay ku tageen Maamul Gobolleedka Koonfur Gabeed laba toddobaad kahor.

Marka laga yimaado in uu koobnaa kulamada tooska ah dhawrkii bilood ee la soo dhaafay sababo la xiriira ka jawaabiidda xanuunka safmarka ah ee COVID-19 saaxiibada caalamka waxa ay xiriir dhaw la lahaayeen Madaxweyne Kaariye iyo maamulka Galmudug iyaga oo isticmaalayey kulamada fogaan araga ah. Sidoo kale waxa ay caasimadda dalka ee Muqdisho kula kulmeen hoggaamiyaha Galmudug.

Dhiirigalinta Wadahadalada

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo ka dhawaajinaya farriintii ay ka soo direen Koonfur Galbeed bilowgii bishan waxa uu sheegay in kulankii isaga iyo Kaariye ee maanta ay ka wada hadleen ahmiyada ay leedahay in la sii wado xiriirka u dhexeeya Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnahaka ah Dowladda Federalkaah, isaga oo hoosta ka xarriiqay in wadahadalada dib u bilowday ee u dhexeeya labada heer dowladood ay dhiirigalisay.

Kelmeddii uu u jeediyey warbaahinta, Mudane Swan waxa uu sidoo kale xusay arrimaha muhiimka u ah u diyaar garowga doorashada dalka,  waxaa ka kid ah, baahida loo qabo “In la xaqiijiyo qoondada boqolkiiba sodonka ah ee matalaada Haweenka ee baarlamaanka in la xaqiijiyo iyo in gudiyada xulaya ergooyinka ay noqddaan kuwo kala duwan oo loo dhan yahay.”

Mas’uuliyiinta Midowga Africa, Midowga Yurub, IGAD waxa ay sidoo kale ku ammaaneen Madaxweyne Kaariye dadaaladii uu ka sameeyey dib u heshiisiinta waxa ayna ugu baaqeen in uu sii wado.

“Waxaan sidoo kale diiwaangalinay walaaca aan ka qabno dhacdooyinkii amni ee dhawaan, Al-Shabaab waxa ay cabsi galisay dadweynaha,” ayuu Mudane Swan ku daray.

Waxaa intaas dheer, wakiilada caalamka waxa ay soo dhaweeyeen joogitaanka Soomaaliya  ciidamada nabad ilalalinta ee ka socda Midowga Africa (AMISOM) si ay uga taageeraan Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya dadaalada ay ku adkeenayaan nabadda iyo ammaanka, waxa ayna xuseen in saaxiibada beesha caalamka ay Maamulka  Galmudug kala shaqeynayaan in la horumariyo barnaamijyada Booliska taas oo qeyb ka ah istaraatijiyadda ballaaran ee amniga.