Fariinta Xoghayaha Guud António Guterres ee Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka 2019

8 Mar 2019

Fariinta Xoghayaha Guud António Guterres ee Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka 2019

Sinnaanta Arrimaha Dhedig-Labka (Gender) iyo xuquuqda haweenka waxay asaas u yihiin horumarka adduunka ee nabadda iyo amniga, xuquuqul insaanka iyo horumar waara. Waxaan dib usoo celin karnaa kalsoonidii lagu qabay hay’adaha, dib u dhisi karnaa is-bahaysiga adduunka una guran karnaa miraha laga dhaxlo aragtiyada kaladuwan kaliya marki aan iska diidno cadaalad darrada taariikhda soo jirtay oo aan xoojinno xuquuqda iyo sharafta dhamaan.

Tobaneeyadii sano ee u dambeysay, waxaan aragnay horumar la taaban karo oo ku aaddan xuquuqda haweenka iyo hogaankooda ee meelaha qaar. Laakiin guulahaas waa kuwo ka fog dhamaystir iyo joogteyn – waxaana durba lagala horyimid fal celin dhibaato leh oo ka dhashay sarreynta ragga oo xididdeysatay.

Sinnaanta ku saabsan Gender-ka ayaa asaas ahaan waxay tahay su’aal ku saabsan awoodda. Waxaan ku noolnahay adduun ay raggu majaraha u hayaan oo ay hareysay dhaqan ay hormuud ka yihiin ragga. Kaliya marki xuquuqda haweenka aan ka dhex aragno ujeedooyinkeena guud, ayaa waxaa furmo waddo is-bedel oo qof kasta ka dhex-faa’iido, markaas ayaana billownaa in aan miisaanka kala wareejinno.

Kordhinta tirada haweenka go’aan-sameeyeyaasha ah waa arrin asaasi ah. Qaramada Midoobay gudeheeda, arrintaas waxaan ka dhigtay arrin mudnaan shakhsi iyo muhiimad degdeg ah ii leh. Hadda waxaan leenahay sinnaan ku aaddan gender-ka oo ka dhexeysa xubnaha hogaamiya kooxeheena kala jooga dunida dacalladeeda, waxaana hadda maamulka sare ku jira tiradii ugu badnayd abid ee haween ah. Waxaan kasii amba qaadi doonnaa horumarkaas.

Laakiin haweenku waxay la kulmaan caqabado waaweyn marka ay doonayaan hanashada iyo ku shaqaynta [xilalka] awoodda. Sida Bankiga Adduunka uu ogaaday, kaliya lix ganacsi ayaa haweenka iyo ragga siiya xuquuq sharci oo siman oo ku aaddan dhinacyada saamaynta ku leh shaqooyinkooda. Haddii sida hadda wax ku socdaan ay sideeda sii ahaato, waxay qaadan doontaa 170 sanadood si uu usoo xirmo faraqa dhaqaale ee gender-ka.

Ajendayaasha dal gaar ah jecleysigiisa iyadoo kuwo kale lagu dhibaateynayo, kicinta bulshada iyo nolosha gunti-giijiska ah ayaa sii kordhinaya sinnaan la’aanta gender-ka iyagoo kaashanaya siyaasado xaddidaya xuquuqda haweenka isla markaana jaraya adeegyada bulsho. Dalalka qaar, iyadoo ay guud ahaan heerka dilalku sii yaraanayso, ayaa waxaa sii kordhaya heerka dilalka loo geysto dumarka. Dalalka qaarkoodna waxaan ku aragnaa hoos u dhac ku yimaada badbaadinta sharci ee ka dhanka ah rabshadaha ka dhex dhaca guryaha ama gudniinka dumarka. Waan ognahay in ka-qaybqaadashada haweenka ay ka dhigto heshiisyada kuwo sii jira, laakiin xattaa dowladaha u ololeeya arrintaas ayaa ku guul darraysta inay ereyadooda raacsiiyaan waxqabad. Adeegsiga rabshadaha jinsiga oo loo adeegsado xeelad xilliyada colaadaha ayaa sii socda oo saamayn murugo leh ku reeba shakhsiyaad iyo bulshooyin dhan.

Xaaladahaas oo jira awgood, waxaan u baahannahay in aan laba laabno dadaalladeenna aan ku ilaalinayno xuquuqda haweenka, sharafkooda iyo hogaankooda. Waa in aanan ogolaanin wixii laga guuleystay tobaneeya sano waana in aan ku dhaqaaqnaa is-bedel jumlo ah, dhakhso leh oo dhaxalgal ah.

Halkudhigga sanadkan ee Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka oo ah “U Fikir si Siman, Xikmad Wax ku Dhis, oo Hal-Abuur Wax ku Bedel” ayaa ka hadlaya kaabayaasha, nidaamyada iyo hababka-shaqo ee sida weyn loo dhisay kuna jaan-go’an dhaqanka ay hormuudka u yihiin ragga. Waa in aan helnaa wadiiqooyin hal-abuur leh oo aan dib ugasii fikirno dibna ugusii dhisno dunideena si ay u noqoto mid u adeegta qof kasta. Haweenka go’aannad ka gaara dhinacyada sida qaabaynta magaalooyinka, gaadiidka iyo adeegyada dadweynaha waxay kordhin karaan helidda haweenka [ee fursadaha], waxay ka hortegi karaan kadeedka iyo tacaddiga, waxayna horumarin karaan tayada nolosha ee qof kasta.

Tani waxay si taas lamid ah u khusaysaa mustaqbalka casriga ah (digital future) ee nagusoo fool leh. Hal-abuurka iyo teknolojiyadda waxay ka turjumaan dadka soo saara. Matalaad xumida iyo hayn la’aanta haweenka ee qaybaha cilmiga (science), teknolojiyadda, injineernimada, xisaabta iyo qaabaynta waa inay ahaadaan sabab ay qof kasto ka walaacdo.

Bishii lasoo dhaafay, anigoo ku sugan Ethiopia,  ayaan waxaan waqti la qaatay barnaamijka lagu magacaabo Gabdhaha Afrika Wey Awoodaan Seenyaalaynta (African Girls Can Code), oo ah barnaamij gacan ka geysanaya daboolidda farqiga gender-ka ee ku aaddan teknolojiyadda casriga ah waxaana barnaamijkaasi uu tababar siiyaa hogaamiyeyaasha teknolojiyadda ee berrito. Waxaan ku farxay in aan arko tamarta iyo firfircoonida ay gabdhahani ku bixinayaan mashaariicdooda. Barnaamijyada noocan oo kale ah ma horumariyaan oo kaliya xirfadaha; waxay ka hortagaan fikradaha takoorka saf-mareenka ah (stereotypes) ee xaddidaya yididiilada iyo riyooyinka gabdhaha.

Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka awgeed, aan xaqiijinno in haweenka iyo gabdhaha ay iyagu qaabeeyaan siyaasadaha, adeegyada iyo kaabayaasha saameynta ku leh dhamaan nolosheena. Aan garab istaagno haweenka iyo gabdhaha burburinaya caqabadaha oo abuuraya adduunyo aad ugu wanaagsan qof kasta.