Xoghayaha Guud ee QM oo u magacaabay Nicholas Haysom oo u dhashay Koonfur Afrika in uu noqdo Ergeyga Gaarka ah ee cusub ee u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa UNSOM

12 Sep 2018

Xoghayaha Guud ee QM oo u magacaabay Nicholas Haysom oo u dhashay Koonfur Afrika in uu noqdo Ergeyga Gaarka ah ee cusub ee u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa UNSOM

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa maanta ku dhawaaqay magacaabidda Nicholas Haysom ee ka soo jeeda Koonfur Afrika inuu noqdo Ergeygiisa Gaarka ah ee u qaabilsan Soomaaliya iyo madaxa Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. 

Wuxuu bedeli doonaa Michael Keating ee ka soo jeeda Boqortooda Midowday ee Ingiriiska laga billaabo 1da bisha Oktoobar 2018, oo Xoghayaha Guud uga mahadceliyay sida qiimaha iyo qaayaha leh oo heerka sare ah ee uu ugu soo shaqeeyay una hogaamiyay UNSOM.

Mudane Haysom waa qareen muddoo dheer soo qabtay shaqo caalami ah oo uu diiradda ku saaray maamulka dimuqraadiga ah, dib u habeynta dastuurka iyo doorashooyinka, dibuheshiisiinta iyo geeddi socodyada nabadda. Wuxuu hadda hayaa xilka Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan Suudaan iyo Koonfurta Suudaan, xilkaasoo uu hayay tan iyo sannadkii 2016.  Tan ka hor, wuxuu soo qabtay xilka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Afghanistan iyo Madaxa Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Afghanistan (UNAMA) laga billaabo 2014 ilaa 2016, iyo xilka Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Afghanistan laga billaabo 2012 ilaa 2014.  Wuxuu sidoo kale ahaa Agaasimaha Siyaasadda, Naba-ilaalinta iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Xafiiska Fulinta ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay laga billaabo 2007 ilaa 2012, iyo Madaxa Xafiiska Taageerada Dastuurka u qaabilsan Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Ciraaq laga billaabo 2005 ilaa 2007.

Xirfar ahaan intiisa hore, Mudane Haysom wuxuu ka soo shaqeeyay Dowladda Koonfur Afrika, taasoo ay ka midtahay La Taliyaha Sare ee Sharciga iyo Dastuurka ee Xafiiska Madaxweynaha laga billaabo 1994 ilaa 1999.  Wuxuu ku lug lahaa Wadahadallada Nabadda Burundi isagoo ahaa Guddoomiyaha guddigii ka wada xaajoonayay arrimaha dastuurka laga billaabo 1999 ilaa 2002 taasoo hoos imanaysay fududayntii Madaxweynihii hore Nelson Mandela.  Wuxuu la taliyaha koowaad u ahaa Dhexdhexaadiyaha Geeddi-socodka Nabadda Suudaan laga billaabo 2002 ilaa 2005.

Mudane Haysom wuxuu shahaadaha jaamacadda ee takhasuska sharciga ka qaatay Jaamacadaha Natal iyo Cape Town ee Koonfur Afrika.  Sannadkii 2012, wuxuu darajo sharafeed doctorate ah ka helay Jaamacadda Cape Town.

Wuxuu dhashay sannadkii 1952, wuxuuna leeyahay xaas iyo shan carruur ah.