Fariinta Xoghayaha Guud ee ku aadan munaasabadda Maalinta Qaramada Midoobay

24 Oct 2019

Fariinta Xoghayaha Guud ee ku aadan munaasabadda Maalinta Qaramada Midoobay

New York – Maalinta Qaramada Midoobay waxay bidhaaminaysaa tusaalooyinka sare ee waara ee uu xambaarsanyahay Axdigii la saxiixay maanta oo kale 74 sanadood ka-hor.

Iyadoo mowjadaha caalamku ay kacsanyihiin, ayaa Axdigu weli wuxuu yahay hanaanka suubban ee aan wada leenahay.  

Iyadoo lagu guda jiro waqti ay socdaan is-bedello jawaha-wareer leh, ayaa Qaramada Midoobay waxay diiradda saareysaa xallinta dhibaatooyinka jira ee heysta dadka dhibaateysan.

Waxaan ka shaqeynaynaa xaqiijinta caalamiyayn ku salaysan cadaalad iyo tallaab dhiiiranaan leh oo wax looga qabanayo arrimaha cimilada.

Waxaan xoogga saareynaa arrimaha xuquuqul insaanka iyo u-xaq-sooridda jinsiga – waxaana “maya” ku leennahay nooc kasta oo nacayb ah.

Waxaana ku dadaalaynaa in aan ilaalino nabadda – annagoo gargaar naf-badbaadin ah u fidinayna malaayiin dad ah oo ay go’doomiyeen colaado hubaysan.

Qaramada Midoobay ayaa sii noqonaysa mid aad usii dhiifoon oo mas’uuliyad xambaarsan annagoo sii kordhinayna taageerada aan u fidinno dalalka.

Sanadka soo socda wuxuu ku beeganyahay 75 guurada Ururka. Tallaabadani waxay muhiim u noqonaysaa fursad aan ku qaabeyno mustaqbalkeena, annaggo wadajir ah.

Waxaan idinkusoo dhoweynayaa in aad kusoo biirtaan wada-hadalka. 

Si wadajir ah, aan u horumarino ladnaanta aan ka dhaxalnay “annaga oo ah shucuubta”.

Mahadsanidiin.