Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo soo dhoweeyay heshiiska Maamulka cusub ee Ku-meelgaarka ah ee Koonfur Galbeed ee Baydhabo

23 Jun 2014

Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo soo dhoweeyay heshiiska Maamulka cusub ee Ku-meelgaarka ah ee Koonfur Galbeed ee Baydhabo

Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay heshiiska maanta la gaaray ee ah in maamul goboleed cusub oo ku meelgaar ah laga dhiso koonfur galbeed Soomaaliya.

Iyadoo ah garwadeen ka tahay Dowladda Federaalka, taageerayaasha laba maamul oo kala duwan ayaa ku kulmay magaalada Muqdisho waxayna isku afgarteen inay sameystaan maamul cusub oo ah Maamulka Ku Meelgaarka ah ee Koonfur Galbeed, oo ka kooban gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

“Waxaan soo dhoweynayaa heshiiska lagu dhisayo maamul cusub oo ah Maamulka Ku Meelgaarrka ee Koonfur Galbeed iyadoo la raacayo Dastuurka Ku Meelgaarka ah ee Soomaaliya. Waxaan u hambalyeynayaa dhammaan dhinacyada heshiiskan wadagalay sida ay uga go’antahay inay helaan xal iyadoo loo marayo wadahadal nabad ah iyo wadaxaajood dulqaad leh. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada inay si dhow ula shaqeeyaan Dowladda Federaalka ayna xaqiijiyaan in si degdeg ah loo dhiso maamul loo wada dhanyahay. Dowladda Federaalka waa inay sidoo kale sii waddo wadatashiga ay la leedahay odayaasha bulshada iyo dadka degaanka ee ay arrintu khuseyso si loo xaqiijiyo in arrimaha weli harsan wax laga qabto loona qabto si loo wada dhanyahay oo dibuheshiisiin ah.

“Heshiiska Maanta waa tallaabi muhim ah ee hore loo qaaday horumarka Soomaaliya ay ku gaarayso nidaamka federaalka. Waxaan dhammaan dhinacyada ugu hambalyaynayaa heshiiska waxaana ku hanweynahay inaan la shaqeeyo maamulka cusub iyadoo la raacayo Heshiiska Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya. Heshiiskan wuxuu sidoo kale waddada u furi doonaa amaanka oo hagaaga iyo olole dagaal oo waxtar leh oo ka dhan ah Al-Shabaab. Qaramad Midoobay, oo goobjoog ka ahayd heshiiskii manta, waxaa ka go’an inay taageerto dadaallada nabadaynta iyo maamul dhisidda ay waddo Dowladda Federaalka,”ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.