Qorshe Holwleedka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo u diyaar ah dhaqan galin

9 May 2015

Qorshe Holwleedka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo u diyaar ah dhaqan galin

Mogadishu – Dowladda Soomaaliya iyo difaacayaasha xuquuqda aadanaha Soomaaliya oo ansaxiyay ayadoona wax ka beddel lagu sameeyay Qorshe Howleedka qorshaha xuquuqda aadanaha dalka kadib kulan sabtidii ka dhacay Moqdisho.

Saraakiil heer Federaal iyo heer dowlad gobaleed, wakiillo ka socday ururrada bulshada rayidka, difaacayaasha xuquuqda aadanaha, xubno muhiim ah oo ka socday saaxibada caalamiga ah ayaa kulanka ka qayb galay, kaasi oo ku qabsoomay kadib abaabul uu taageerayay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (UNSOM).

Sahra Cali Samatar, Wasiirka Arrimaha Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha oo wakiil ka ahayd Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in dowladdu ay ka go’nayd hergalinta balanqaadyada xuquuqda aadanaha ee caallamiga ah ay ka mid yihiin dib u eegis guud oo lagu samaynayo talooyinka.

“Kulamadeena halkaan waxaa ay muujinayaan go’aankeena ku aaddan soo af-jaridda xad-gudubyada xuquuqda aadanaha. Dowladda Federaalka ah waxaa ay ku howlan tahay hirgelinta guddiga Qaran ee Xuquuqda aadanaha sida ugu dhaqsiyaha badan marka baarlamaanka uu ansaxiyo sharcigan” ayay tiri, “ Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadana waxaa sidoo kale laga doonayaa inay ka shaqayso shuruuc kale oo ku aaddan xuquuqda aadanaha , haddii ay ahaan lahaayeen Carruurta, Haweenka, dadka Naafada ah iyo guud ahaan inay wax ka qabato caqabadaha bulshadu ay wajahayso islamarkaana ka hortagno xadgudubyada xuquuqda aadanaha”.

Agaasimaha qaybta Xuquuqda Aadanaha ee UNSOM Guadalupe de Sousa oo shirka ka hadashay ayaa tiri “ Qorshe howleedka maanta la ansaxiyey waa mid ku yimid natiijada geedisocod ballaaran oo wada tashi oo ay hogaaminaysay wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha ayna ka qayb ahaayeen guddi 13 wasaaradood. Tani waa Guul wax ku ool ah oo usoo hooyatay Soomaaliya waana u mahad celinayaa dowladda oo isku duwidda iyo dalaaladaba lahayd.

Dowladda Federaalka ayaa qaadatay Khariiradda Xuquuqda Aadanaha Agoosto  2013-kii ayadoo ujeedaduna ahayd in la hormariyo Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya. Qaadasha ayaa timid kadib markii golaha Xuquuqda Aadanaha Qaramada Midoobay dib u eegis ku samaysay xaaladda xuquuqda aadanaha Soomaaliya 2011 islamarkaana soo jeediyay talooyin gaar ah.

Qorshe howleedku waxaa uu soo bandhigayaa 6 mowduuc oo la xiriira xuquuqda aadanaha ayna tahay in la dhaqan galiyo inta u dhaxaysa 2015 -2016.  Mowduucyadaas waxaa ka mid meelaha ay taabanayaan, ilaalinta dadka Rayidka ah, helidda Caddaladda, xuquuqda Haweenka,Xuquuqda carruurta  xuquuqda dadka gudaha ku barakacay iyo qaxootiga iyo dadka nugul sidoo kale dhaqaalaha iyo xuquuqda bulshada oo ay kamid yihiin xaqa Caamifaadka, waxbarashada iyo Cuntada.

De Sousa, ayaa sheegtay in qorshe howleedku uu la jaanqaadayo Yoolka dalka ee arrimaha Amniga iyo Dowlad dhisidda, ayadoo intaas ku dartay in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay in Dowladda Federaalka ay ka taageerto hirgelintiisa. Waxaa ay ugu baaqday saaxibada caalamka inay xaqiijiyaan dhaqaalaha ku filan arintaan.

Wasiirka oo tusaale ahaan usoo qaatay heshiiskii caalamiga ahaa ee carruurta kaasi oo madaxwaynaha Soomaaliya  saxiixay Janaayo 2015-kii ayaa sheegtay inay qayb ka yihiin dhinacyada dowladda hormarka ka samaysay ilaa iyo hadda. Waxaa ay tilmaantay in dowladdu ay waddo qorshe lagu xaqiijinayo dajinta Heshiiska dalka ee (domestication) oo heshiiskaas dalka laga dhaqan geliyo. Waxaa ay intaas ku dartay in dowladu meel gabogabo ah u marayo sharciga Gudniinka Fircooniga ah iyo sidoo kale samaynta guddiga Madaxbanaan ee xuquuqda aadanaha.

Marka ay ka hadlaysay warbixinta dowladda ee loo gudbiyey Golaha Xuquuqda Aadanaha Qaramada Midoobay, wasiiradda ayaa sheegtay in la sameeyay dadaalo ay ku doonayaan inay ku gudbiyaan waqtiga kama dambeysta oo ah October.

Ugu dambayntii waxaa ay carrabka ku adkaysay muhiimadda dhaqan galinta qorshaha xuquuqda aadanaha kaasi oo Soomaaliya ku hogaamin kara in markale caqaheeda ku istaagto waxayna ku baaqday in lala shaqeeyo.

Inta Siminaarka uu socday xubnaha ka socday ururada bulshada rayidka iyo difacaayaasha xuquuqda aadanaha waxaa ay ku baaqeen in la sumcadeeyo caan laga dhigo qorshe howleedka xuquuqda aadanaha heer gobal iyo heer degmaba.  U dhaqdhaqaaqaha xuquuqda aadanaha sidoo kalena ah Ku Xigeenka  Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Cabdiraxmaan Xasan Cumar ayaa yiri “ Waxaan Dowladda ka codsanaynaa inay dadajiso shuruucda xuquuqda aadanaha shaacabkuna barto ayadoo loo marayo barnaamijyo wacyi galineed,”

Isagoo ka hadlayay xiritaankii siminaarka, Maxamed Cumar Nuur, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha ayaa niyad wanaag ka muujiyay waxyabaha kasoo baxay shirka, isagoo yiri “Talooyinka guud ee shirkan kasoo baxay waan qaadan doonaa, gobalada aan ka qayb qaadana waxaan u furi doonaa wadahadalo aan rasmi ahayn si aan u hubino talooyinkooda inaan kusoo darno. Markaa kadib waxaan haysan doonaa dukumiinti matalaya guud ahaan dalka taasi oo loo isticmaali karo wax ka qabashada caqabadaha xuquuqda aadanaha dalka uu wajahayo”.