Raadiyo Muqdisho: Badbaadinta cajaladaha taariikhiga ah ee loo keydinayo jiilasha Soomaaliyeed

21 Oct 2023

Raadiyo Muqdisho: Badbaadinta cajaladaha taariikhiga ah ee loo keydinayo jiilasha Soomaaliyeed

Muqdishu – Maxamed Yuusuf Maxamed oo dhex fadhiya qol yar, oo aan daaqad lahayn oo ka mid ah dhismo dawladeed oo ku yaalla caasimadda Soomaaliya, ayaa wuxuu cajalad kale oo kuwa maqalka ah gelinayaa makiinad duug ah oo dhammaatey ka-dibna wuxuu riixayaa dhowr badhan. 

Dhagsiin dhowr jeer ah ka-dib, aaladda duugowday waxay bilaabeysaa dhawaaq debecsan oo joogto ah waxaanna wareegaya giraangiraheeda – hal cajalad ayaa hawsheedu dhammaatey, laba boqol oo kun ama wax la mid ah ayaa u dhiman. 

Qolka ku dheggan, waxaa ku jira iskafaalayaal  joogooda ka dheer saddex mitir oo inta bus ay qarisey liicliicaya ayna saaran yihiin kumannaan cajaladood. 

Marka la eego qalabka duugga ah iyo tiro-yaraanta hawlwadeennada ka shaqeeya, ayaa mashruuca ay ku hawlan yihiin mudane Maxamed iyo saaxiibadiisa ay in la dhammeystiro dad ku qaadan doontaa tobannaan sano. 

Hawlaha ay wadaan waa qayb ka mid ah dadaal muddo-dheer socday oo la doonayo in qaab dhijitaal ah loogu rogo cajaladaha taariikhiga ah ee toddobaatan sano la duubayey oo uu leeyahay Raadiyo Muqdisho. 

“Waxaan halkan imaadaa 8:00 subaxninmo waxaanna shaqeeyaa ilaa 4:00 galabnimo, waxaanna qaab dhijitaal ah u rogaaa 30 ilaa 40 heesood maalin kasta anigoo adeegsanaya agab kooban,” ayuu yiri. 

Mudane Maxamed xoogaa mas’uuliyad ah ayuu dareemaa. 

Waxa halista ku jira waa cajaladihii keliya ka harsanaa inta badan taariikhda Soomaaliya, iyadoo kumanaan cajaladood oo heeso, gabayo, barnaamijyo diini ah, khudbado siyaasadeed iyo riwaayado ururintoodii la soo bilaabey markii idaacadda la aasaasay. Intooda badan xaaladoodu wey liidataa. 

Sidaas oo ay tahay haddana, Mudane Maxamed wuxuu si fiican u ogsoon yahay muhiimadda ay shaqadiisu leedahay. 

“Waxaan dareemaa in aan nasiib u yeeshay oo aan fursad u helay ka-qaybgalka sii wanaajinta taariikhda dalkayga,” ayuu xusay. 

Idaacaddii ugu horreysay 

Soomaaliya waxay xornimo qaadatey 1-dii Luulyo 1960-kii, ka dib markii ay midoobeen dhulkii Soomaaliyeed ee ku hoos jiray Wasaayadda QM – gobolladii koonfurta Soomaaliya ee la oran jiray Italian Somaliland – iyo gobolladii waqooyiga Soomaaliya oo markaasi la oran jiray British Somaliland sidaasna waxaa ku sameysmay Jamhuuriyadda Soomaaliya. 

Raadiyo Muqdisho ayaa waqtigaa ka hor jiray. Waxaa la aasaasay sannadkii 1951-kii, xilligaasi oo ay Soomaaliya ku hoos jirtay Wasaayadda Qaramada Midoobay, waxaana maamuli jiray gumeystihii hore, Talyaaniga. 

Raadiyaha wuxuu bilaabey in uu wararka ku tebiyo Af-Talyaani, waxaana wax yar ka dib ku xigay barnaamijyo ku baxaya Af-Soomaali.   

Sannadihii 1960-yadii, Raadiyo Muqdisho waxaa lagu casriyeeyay kaalmo laga helay Midowgii Soofiyeeti, wuxuunna bilaabay in uu barnaamijyadiisa ku tebiyo Af-Amxaari iyo Af-Oromo iyo sidoo kale Af-Soomaali iyo Af-Talyaani. Sannadkii 1983kii, waxaa la aasaasay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV), oo ay bah-wadaag yihiin Raadiyo Muqdisho. 

Dagaal ayaa qarxay 

Kobacan iyo horumarka ay warbaahinta qaranka ku talaabsatay ayaa istaagay sannadkii 1991-dii. Raadiyo Muqdisho ayaa albaabada loo laabay wax yar ka dib markii uu bilowday dagaalkii sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya, kaasi oo daba socday afgambigii Madaxweynihii markaasi talada dalka hayay, Madaxweyne Siyaad Barre. 

Dhismeyaasha idaacadda ayaa u gacanta galey kooxihii dagaalamay.  Sannadkii 1993, kaydka cajadalaha waxaa soo gaarey xoogaa burbur ah mar ay isku dhaceen mid ka mid ah kooxaha iyo ciidamo nabad-ilaaliyaal caalami ah oo xilligaas la geeyey magaalada. 

Colaadda dalka ka dhacay ayaa horseeday burburka inta badan hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Matxafyada ayaa laga qaaday waxyaalihii ay uruurin jireen, iyadoo alaabtii taallay la burburiyay ama lagu iibiyay suuqa madow. Kaydadka SNTV waa la burburiyay, waxaanna la beegsaday agabkii ku jiray khasnadihii Raadiyo Muqdisho.  

Dagaalka sokeeye intii uu socday, waxaa jiray isku dayo kala duwan oo lagu doonayay in lagu burburiyo ama lagu xado waxyaabihii ku jiray kaydka. Isku-dayadaasi waxaa keliya fashiliyey dadaallo geesinimo leh oo ay wadeen shakhsiyaad gaar ah. 

Shakhsiyaadkaasi waxaa ka mid ahaa Abshir Xaashi Cali, oo markaasi ahaa korneyl ka tirsan ciidamada booliska. Sannadkii 1996-dii, iyadoo ay colaaddu socoto, ayaa wuxuu go'aansaday in uu kaydka u ilaaliyo jiilasha Soomaaliyeed ee mustaqbalka. 

“Goobtan waxaa ku kaydsan taariikhda iyo xogta Soomaalida… Kaydka hadalka waa la dayacay, degaankanna waxaa ku sugnaa maleeshiyaad badan. Si kastaba ha ahaatee, waxaa mar kasta jiray dad wanaagsan oo ka socday maamullada degaanka oo iga caawiyay badbaadinta hantidan qaaliga ah,” ayuu xusay Mudane Cali. 

“Hadafkeygu wuxuu ahaa in aan u ilaaiyo dhaxalkan muhiimka ah dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan. Askarinimadii aan soo maray baa iga caawisay in aan u adkaysto oo aan muddo dheer ka shaqeeyo meel aan dano shakhsiyeed ka lahayn misena aan mushaar ka qaadan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.   

Ka-dib markii Raadiyo Muqdisho dib-loo-furay sannadkii 2001, Mudane Cali waxaa laga dhigay maamulaha kaydka cajaladaha ee idaacadda. 

Inta badan 35,000 oo cajaladood oo yaalla kaydka hadallada ee Raadiyo Muqdisho – ayaa waxay ka kooban yihiin cajalado Af-Soomaali ah, diiwaanno iyo qoraallo kooban – oo dagaallada ka badbaaday, in kastoo inta badan cajaladihii iyo diiwaannadii Afafka-Qalaad aanay nasiib u yeelan in la badbaadiyo. 

Ka-dib markii dib-loo-furay sannadkii 2001, oo ahayd xilligii maamulkii Dowladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, idaacadda waxay ka hawlgaleysay xarunteedii asalka, oo ahayd goob yar oo ku taalla bartamaha magaalada Muqdisho. 

Hawlwadeenada u heellan idaacadda ayaa waxay tebiyaan barnaamijyo kala duwan – warar, heeso iyo barnaamijyo dood-wadaag ah – in kastoo ay jiraan hanjabaado iyo aargoosi hubeysan oo kaga imaanaya kooxda argagaxisada ee Al-Shabaab, taas oo si joogto ah ugu soo ridaysay hoobiyeyaal ay doonayeen in ay idaacadda ku aamusiyaan. 

Rajooyin dhijitaal u rogid 

Sannadihii xigay, Raadiyo Muqdisho horumar dheeraad ah ayuu ku tallaabsaday. 

Dabayaaqadii sannadkii 2000, waxaa uu furtay mareegto ama bar internet-ka ah oo sidata isla magaca idaacadda, oo tebisa maqaalo warar ah oo ku qoran Af-Soomaali, Af-Carabi iyo Af-Ingiriisi. Sannadkii 2021, Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska (MoICT) – oo gacanta ku haysa maamulka raadiyaha qaranka – ayaa ku dhawaaqday in barnaamijyo ku baxa Af-Talyaani laga bilaabi doono waxaanna sabab u ahaa taageero laga helay dowladda Talyaaniga. Sannadkii ku xigay, dowladda Shiinaha ayaa maalgelisay dayactirka iyo dib-u-habeynta dhismaha. 

Laakiinse waa sheeko kale in kaydka hodanka ah ee Raadiyo Muqdisho laga badbaadinayo in ay sii xumaadaan. 

Cajaladihii hore ee hadba dhinac u duubma (reel-to-reel) waxay ku saleysan yihiin cajalado waaweyn oo dhererkoodu kala duwan yahay kana sameysan acetate, polyester, ama PVC; ku dahaaran isku-jirka saxar birlabeed, badanaaba ah xadiid ogsaydh oo la iskula dhejiyey shey wax isku dhejiya; oo ku duubma giraanno caag ama alluumiiniyanka sameysan oo cabbirro kala duwan leh. Tani macnaheedu waa in ay halis ugu jiraan beddelmid iyo dhalanrogmasho – oo ay ka mid yihiin jabid, kala-bixid, jarjarid, birlabnimotirid, xaalufin ay sababaan isticmaalka xad-dhaafka ah – iyo isbeddelo kimikeed ku yimid sheyga wax la iskula dhejiyo, gaar ahaan ay dhibaatadaasi timaaddo marka uu galo uumi-biyood. 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska (MoICT) waxay isku-dayaysay in agabka kaydka la xafido. 

“Kaydkan waa kaydka kaliya ee uu qarankani leeyahay dagaalkii sokeeyo ka-dib. Maadaama uu waqtigu socdo, haddii aanan la xafidin, waxaa la arki doonnaa keliya sawirradooda,” ayuu xusay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Daa'uud Aweys. 

Walaacaas mid la mid ah waxaa mar kale ka dhawaajiyay agaasimaha Raadiyo Muqdisho, Cabdifataax Daahir Jeyte. 

“Waa lama huraan in tallaabo degdeg ah la qaado si loo ilaaliyo sooyaalka taariikhda, afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed ee halkan ku kaydsan – iyadoo la tixgelinayo baaxadda ballaaran ee kaydka hadalka ee Raadiyo Muqdisho, kaas oo ka kooban in ka badan 200,000 cajaladood, dhijitaal u rogista hadda waa mid aan dhammeystirnayn, waxaa laga sameeyey wax ka yar boqolkiiba 30 ee guud ahaan waxyaabaha ku jira,” ayuu yiri mudane Jeyte. 

“Waxaan soo dhaweyn diirran u fidinaynaa hay'adaha iyo shakhsiyaadka doonaya in ay gacan ka geystaan in dhijitaal loo rogo. Dedaalkan waa muhiim si loo ilaaliyo suugaanta hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, kuwaas oo si taxadar leh loo uruurinayey nus-qarnigii la soo dhaafay,” ayuu hadalkiisa ku darey. “Waqtigu aad iyo aad ayuu muhiim u yahay, marka la eego sannadkii 2018, in qayb ka mid ah kaydka uu dab qabsaday, kaas oo sababey in ay meesha ku basbeelaan qaar ka mid ah cajaladihii afafka qalaad.” 

Isku-daygii ugu horreeyay ee cajaladaha dhijitaal loogu rogayo ayaa bilaabmay sannadkii 2013. Iyadoo taageero laga helayo Dowladda Faransiiska, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska (MoICT), ayaa hawlwadeennadu waxay ka shaqeeyeen ilaalinta wixii halkaasi ku jiray iyo in ay ka dhigaan heesaha, khudbadaha, riwaayadaha iyo muxaadarooyinka diiniga ah in ay gaaraan jiilasha aan waligood aqoon sida ay Soomaaliya ahayd dagaalka ka hor. Laakiinse iskudayga ayaa lagu guuldareystay iyadoo wax ka yar saddex-meelood meel ka mid ah 225,000 calajadood loo rogay dhijitaal.  

In agabka qaab dhigitaal ah loo rogo waa hannaan adag oo qaali ah.  Wuxuu u baahan yahay isticmaalka makiinnado dhijitaal u roga cajaladaha waaweyn ee hadba dhinac u duubma (reel-to-reel) – aasaasi ahaan hadalka/codka ka soo baxa cajaladda ayaa waxaa lagu duubaa kombiyuutar – iyadoo qaar ka mid ah cajaladaha waaweyn ay qaadanayaan ilaa saddex saacadood.   

Hadda, oo keliya la hayo hal makiinad oo dhijitaal u rogeysa cajaladaha oo shaqeynaysa, makiinado yaraanta ayaa ah caqabad weyn. Intaa waxaa dheer, in isticmaalka makiinadda cajaladaha u rogeysa dhijitaalka uu yahay mid hawl-badan u baahan. Farsamo-yaqaannadu waa in ay duubaan oo ay ku shidaan cajalado xumaa oo jabi-og makiinadaha u roga dhijitaalka kuwaas u nugul in ay halaabaan. 

Taageerada QM 

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo la shaqeynaya Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska (MoICT), ayaa wuxuu ka baraandegayay sidii xal loogu heli lahaa baahiyada degdegga ah ee loo qabo in qaab dhijitaal ah loo rogo kaydka hadalka ee Raadiyo Muqdisho.   

“Keydka cajaladaha furan ee Raadiyow Muqdisho waa hanti dhaqameed ay ka faa'iidi doonnaan dhammaan ummudda Soomaaliyeed,” ayay tiri Madaxa Kooxda Xuquuqul Insaanka iyo Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha ee Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Kirsten Young. 

“Raadiyaha wuxuu weli door muhiim ah ka ciyaaraa macluumaad helista Soomaaliya, helista kaydkanna waxay keeni kartaa in taariikhdan dhow ay gaarto guryaha Soomaali badan,” ayay hadalkeeda ku sii dartey Marwo Young, oo sidoo kale ah Ergayga Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Xuquuqul Insaanka (OHCHR) ee Soomaaliya. 

Hay'adda Qaramada Midoobay ee Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO) ayaa sannadkii 1992-dii bilowday Barnaamijka ‘Xusuusta Caalamka/Memory of the World (MoW)’ si ay uga hortagto in taariikhdaasi la wada halmaamo iyo in lagu baaqo xafididda kaydka qiimaha leh iyo agabka maktabadaha yaalla ee caalamka oo dhan, si loo xaqiijiyo in si ballaaran loo faafiyo. 

Dhijitaal u rogista hiddaha taariikhiga ah waa tiir aasaasi ah oo lagu gaarayo hadafka Barnaamijka MoW.  

“Ka-dib colaad socotay 30 sano, iyo burburkii ama lumistii ku dhowaad dhammaan diiwaannadii dhaqanka iyo waxyaabihii ka tarjumayay dhaqanka iyo hiddaha dadka Soomaaliyeed, ayaa xafididda iyo dhijitaal-u-rogista kaydka Raadiyo Muqdisho waxay ku dhowdahay in ay khasab noqoto in ay wax ka qabtaan hay'adaha ka shaqeeye hawlaha horumarinta iyo la-hawlgalayaashooda hirgelinta ee daneynaya in dadka Soomaaliyeed ay ka faa'iideystaan ayna ku raaxaystaan dhaqankooda iyo hiddahooda,” ayuu yiri Madaxa Miiska Soomaaliya ee Hay'adda UNESCO, Mark Wall. 

“Barnaamijka Xusuusta Caalamka/Memory of the World,’ ee UNESCO ee hiigsanaya ka hortagga in la halmaamo taariikhdii hore, ayaa ah meel wanaagsan oo looga ambaqaadi karo sidii kaydka Raadiyo Muqdisho dhammaanteen naloogu xafidi lahaa. 

“Waxaannu aad u jecelnahay abuurista barnaamij ururinaya, diiwaangelinaya oo dhiirrigelinaya in taariikhda afka laga sheego lagu qoro diiwaanka Xusuusta Caalamka – marka la eego in hadda aanay jirin qoraallo/keyd maqal iyo muuqaal ah – waxaanna rajeynaynaa in soo jeedinta ay dhowaan si wadajir ah u soo jeediyeen Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Barnaamijka Horumarinta (UNDP), OHCHR iyo UNESCO in ay tahay mid ku filan in lagu abaabulo maalgelinta mashruuca kaydka ee Raadiyo Muqdisho si loo badbaadiyo, si bani’aadamnimo ku fadhida, oo ah kaydka muhiimka ah ee kaliya ka badbaaday nolosha Soomaaliya ee dagaalladii sokeeye ka hor,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.