Wakiilada Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in lamuujiyo dadaal hor leh oo wax looga qabanayo xadgudubyada galmoodka ku saleysan ee ka jira soomaaliya

3 Mar 2015

Wakiilada Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in lamuujiyo dadaal hor leh oo wax looga qabanayo xadgudubyada galmoodka ku saleysan ee ka jira soomaaliya

 
Muqdisho - Ayagoo ka hadlaayay munaasabad heerkeedu sareeyo oo looga hadlaayay xadgudubyada galmada kusaleysan ee ka jirta soomaaliya, ayaa wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas kay iyo wakiilka gaarka ah ee Ururka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya SRCC, Maman S Sidikou waxay si wadajir ah u dalbadeen in talaabo dheeri ah laqaado si loo badbaadiyo haweenka iyo gabdhaha soomaaliyeed. Sidoo kalana waxay ku celiyeen balanqaadkoodii ku aadanaa in ay taageero ka geysanayaan dadaalka lagula dagaalamayo xadgudubyada galmada kusaleysan ee ka jira Soomaaliya.

Munaasabada waxaa soo qabanqaabiyay NGO caalami ah oo layiraahdo Legal Action Wordlwide oo ka jira Muqdisho. Masuuliyiintii kale ee kulanka kasoo qeybgalay waxay ka koobnaayeen: Wasiirka Haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka ee Soomaaliya Sahra Maxamed Cali Samatar, Ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Michele Cervone d’Urso, Agaasimaha xarunta nadaba iyo xaquuqul insaanka ee Elman Fartuun Adan iyo Agaasimaha guud ee heyadda legal Action Worldwide Ms Antonia Mulvey.

“In laga hortago waxna laga qabto galmada xooga kudhisan waa arrin muhiimah. Waana in lala xisaabtamaa dadka gala dembiyadan oo kale. Qaramadda Midoobay waxaa ka go’an in ay la shaqayso dadka Soomaaliyeed iyo masuuliyiintooda si loo xoojiyo talaabooyinka lagu difaacayo xuquuqda Haweenka iyo Gabdha Soomaaliyeed”, ayuu yiri Ergayga, Kay.

SRCC Sidikou ayaa ku celiyay sida ay AMISOM uga go,antahay in ay sii wado dadaalka lagula dagaalamayo xadgudubyada ku saleysan galmada iyo awood sheegashada.

“Ma jiridoonto meel ay ku badbaadaan kuwa gala damiyada bahalnimada ah ee lagula kaco haweenka iyo gabdhaha aadka u jilicsan ee soomaaliyeed. Hadii aan wada shaqeyno, isuna geyno aqoonteena iyo waayo aragnimadeena, ururino dhaqaalo, lana imaano go,aan siyaasadeed, waxaan suurtagalin karnaa inaan dhameyno kufsiga iyo noocyada kala duwan ee galmoodka kuwaasoo loo adeegsanayo sida hubka dagaalka. Waxaa naga go,an inaan sii wadno la shaqeynta dadka soomaaliyeed, Maamuladooda iyo Qaramada Midoobay si aan u taageerno dadaalada lagula xisaabtamayo dambiilayaasha laguna hormarinayo talaabooyinka waxloogu qabanaayo, laguna taageerayo kuwa dhibanayaasha ah iyo sidii ay galaalgal ugu helilahaayeen habka garsoorka ayuu yiri”.

Dhamaad.