UNSOM
United Nations Assistance Mission in Somalia

Closure of UNSOM

The United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) was established on 3 June 2013. Its mandate ended on 31 October 2024, subsumed to the United Nations Transitional Assistance Mission in Somalia (UNTMIS).

Document Library

The Document Library serves as a centralized repository housing a diverse collection of essential documents and resources. It provides convenient access to a variety of materials, including manuals, guides, and reference documents, ensuring that users can easily locate and utilize key information.

Showing 851-860 of 869 results found.
Download PDF
Statement by Special Representative of the Secretary-General Nicholas Kay to the Security Council on the Situation in Somalia
Media Caption

Introduction of the Report of the Secretary-General on Somalia
Addis Ababa, 19 May 2015

Download PDF
Download PDF
Warbixinta Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Nicholas Kay u jeediyay Golaha Ammaanka ee ku saabsan xaaladda Soomaaliya
Media Caption

Muqdisho,14 October 2014 - Marwo Madaxweyne, Waad ku mahadsantahay fursadda aad ii siisay inaan warbixin kooban ugu soo gudbiyo Golaha. Waxaan si gaar ah ugu faraxsanahay inaan sidaas sameeyo anigoo la socda Wakiilka Gaarka ah ee Gudoomiyaha Gudiga Midowga Afrika ahna Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Dr. Maman S. Sidikou.Markaan warbixinta idin siiyay bishii Luulyo, waxaan diradda saaray khatarta ay leedahay Al-Shabaab. Tan iyo markaas wixii ka dambeeyay, waxaan ku faraxsanahay inaan idinkugu warbixiyo in dib u dhac weyn uu ku dhacay Al-Shabaab, hanaanka siyaasadeedna uu horay u dhaqaaqay. Booqashadii taariikhiga ahayd ee Goluhu ku tagay magaalada Muqdisho bishii Agoosto waxay tusaale ugu tahay dadka Soomaaliyeed iyo Al-Shabaab sida beesha caalamka uga go’antahay iyo in loo baahanyahay horumar dheeraad ah.


Caqabadaha horyaal Soomaaliya weli waa kuwo waaweyn. Waxaa looga baahanyahay Dowladda Federaalka iyo saaxiibada caalamka waxqabad degdeg ah oo isku xiran kuna aadan xaga amaanka, horumarinta, dhinacyada siyaasadda iyo gargaarka bani’aadamka. Arrimahaas dartood ayaan u baahannahay in siyaasiyiinta iyo hogaamiyeyaasha Soomaaliyeed ay u midoobaan danta guud. Dadka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka midkoodna uma dul qaadan doono qofki si bareer ah u hor istaago nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo xasilinta.

Isla mar ahaantaa iyadoo si joogto ah loo dalbanaayo in wax laga qabto baahida daran ee loo qabo wax qabad joogto ah, ma iska indha tiri karno waana inaanan iska indha tirin xaqiiqada ah in Soomaaliya ay mareyso marxalad isbedel ah oo aan horay loo arkin iyo yididdiilo. Waxaan u baahannahay inaan ka faa’iideysnno fursadda. Soomaaliya waa dal si tartiib tartiib ah ugasoo toosaayo riyo/qarow argagax leh. Labo maalmood kahor waxaa nala xusuusiyay sidi ay argagaxa u lahayd marki uu gari waxyaabaha qarxa lagusoo xiray uu ugu yaraan 13 qofood ku dilay Muqdisho.

Marwo Madaxweyne
Waxaa jiray horumar siyaasadeed oo muhiim ah, gaar ahaan xagga sameynta maamulada. Waxaan ugu hambalyeeynayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha sida ay wadajir ahaan horay ugu dhaqaajiyeen. Waxaan soo dhoweeynayaa hanaanka dib-u-heshiisiineed ee socda iyo sameeynta maammul goboleedyo kumeelgaar ah. Maamuladaas waa inay noqdaan kuwo loo dhanyahay. Haweenka iyo dhalinyarada waa inay ka qeyb qaataan oo ay qaabeeyaan. Awoodda maamul goboleedyadaan kumeelgaarka ah waxay u baahantahay in lagu dhiso taageerada caalamka oo QM kamid tahay. Waxaan ku dhiirri gelinayaa Dowladda Federaalka inay dardar geliso hanaanka loogu sameeynaayo maamul goboleedyo loo dhanyahay oo laga sameeyo gobolada dhexe. Waxaan mar kale ku celinayaa rajada ah inaan yeelan doonno khariidad cusub oo ay leedahay Soomaaliya oo federaal ah dhamaadka sanadka, iyo haddiiba ay suurtogal noqoto, ka hor waqtiga ay qabsoomeyso Madasha Iskaashiga Heerka-Sare ee Copenhagen ee la qaban doono bisha soo socota.

Waxaa kale oo loo baahanyahay in horumar degdeg ah laga sameeyo sidi loo sameeyn lahaa labo hey’adood oo muhiim ah: Guddiga Doorashada ee Madaxabanaan ee Heerka Qaran iyo Gudiga Xudduudaha iyo Federaalka. Sidoo kale Gudiga Dub-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka waa inuu si degdeg ah u bilaabaa shaqadiisa, Gudiga Kormeerka ee Baarlamaanka isagana waa in la sameeyaa. Waxaan ugu baaqayaa Dowladda Federaalka iyo Baarlamaanka Federaalka inay sameeyaan qabanqaabada lagama maarmaanka ah.

Waxaan weli si gaar ah uga walaacsanahay halista is-qabqabsiga siyaasadeed. Taasi waxay labo jeer cuuryaamisay maamulka laba iyo tobankii bilood ee la soo dhaafay. Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ayaa baadigoobay wadadii looga bixi lahaa xiisadihi u dambeeyay, taas oo aan si kal iyo lab ah ugu bogaadinayo labadooda. Waxaan usoo jeedinayaa dhammaan hay’adaha siyaasadeed ee Soomaaliya, oo uu kamid yahay Baarlamaanka Federaalka, inay diiradda saaraan howsha degdega ah ee lagu asaasayo hay’adaha iyo hanaanka wadada usii xaaraayo nabad waarta, xasillooni iyo dib-u-heshiisiin. Kalfadhigan baarlamaanka wuxuu noqon doona mid wax go’aamiya: hadii aan la meelmarin shuruucda muhiimka ah, Soomaalidu ma gaari doonaan riyadooda ku aadan dastuur cusub iyo doorasho demoqoraadi ah oo dhacda sanadda 2016.

Marwo Madaxweyne
Waxaan si diirran ugu hambalyeynayaa AMISOM iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed horumarka ay ka sameeyeen Howlgalka Badweynta Hindiya. Waxaan ka tacsiyadeeynayaa dadkii noloshooda ku waayay xaqiijinta nabadda maanta, oo ay kamid tahay weerar dhacay maanta. Iyadoo uu geeriyooday hogaamiyohooda Axmed Godane 1-dii September, ayaa horumarkani uu wiiqay Al-Shabaab, howlgal ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Howlgalka Badweynta Hindiya waxaa loo qorsheeyay si wadajir ah oo loo dhanyahay. Taasi waxay si weyn hoos ugu dhigtay culeyskii xagga saadka. Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Taageeridda AMISOM (UNSOA) waxay waddaa howlgal aan horay loo arag oo ay ku taagereyso, iyada oo lagu dhaqmaayo Qaraarka tirsigiisu yahay 2124 (2013), Hawlgalka weerar, iyada oo haysta keliya qayb kamid ah dhaqaalihii sida caadiga ah loogu isticmaali lahaa taageeridda howlgal ciidan oo baaxaddas leh. Hase ahaatee, hantida ama qalabka muhiimka ah, gaar ahaan helikobtarrada, waa kuwo weli loo baahanyahay.
Tallaabo ciidan oo kaliya laguma cirib tiri karo khatarta argagixisadu ku hayso Soomaaliya. Guulaha ciidan waa in la sii xoojiyo iyada oo loo maraayo barnaamijyada xasilinta. Waxaa sidoo kale muhiim ah in diiradda la saaro xiriirka istiraatiijiyadeed iyo barnaamij dhameystiran oo si wanaagsan loo maal geliyay oo loogu talo galay dagaalyahannada kasoo goosta Al-Shabaab. Qaramada Midoobay waxay si joogto ah u caawisaa barnaamijyadaan oo dhan. Waxaa kale oo aan u baahannahay in tallaab cad laga qaado sidi loo soo afjari lahaa ka ganacsiga dhuxusha, taas oo argagixisadu ka helaan dhaqaale.

Waxaa jiray horumar xagga sameynta maamulada degaanka ah iyo daad-gureynta ciidamo ka tirsan Xoogga Booliska Soomaaliyeed oo lagu daad-gureynayo goobo kamid ah meelaha dhowaan dib loo qabtay. Dowladda Federaalka ayaa hormuud ka ahayd isuduwidda istiraatiijiyadeed iyo midka howlgalka ah ee howlaha xasilinta. Tani waxaa loo baahanyahay in lasii xoojiyo si loo helo hab mideysan oo wax looga qabto howlaha, iyo in sameynta maamulada deegaanku ay la jaanqaadaan hanaanka socda ee lagu dhisayo maamulada federaalka ah.

Marwo Madaxweyne
Waxaan weli ka welwelsanahay in dadaalada lagu horumarinaayo hay’adaha amnigu aanay ahayn kuwo ku filan. Waxaan soo dhoweynayaa wadahadalki dhowaan ka dhacay London, gaar ahaan kuwi khuseeyay iskudhafka maleeshiyaadka iyo in la helo qorshe aad iskugu xiran oo macquul ah oo loogu talo galay dib u habaynta waaxda amniga. Waxaan kula socodsiinayaa horumarka Dowladda Federaalka ay ka sameeysay qaabka warbixineed marka loo fiiriyo waajibaadka ka saaran nidaamka cunaqabataynta ee Qaramada Midoobay, waxaana ku hanweynahay inaan arko horumarro kale oo dheeraad ah iyada oo lagu xisaabtamaayo taageerada iyo iskaashiga saaxiibada caalamiga ah.

Marwo Madaxweyne
Waxaan sidoo kale sii wadi doonnaa inaan taageerno oo aan xoojinno sarreynta sharciga. Arrimaha Xuquuqul Insaanka Soomaaliya weli waxaa ka jira walaac waana arrimo mudnaan leh. Waxaan soo dhoweynayaa booqashadii dhoweyd ee Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Caruurta iyo Coaadda Hubeysan, iyo ballanqaadkii dhowaan ay sameysay Dowladda Federaalka inay baarlamaanka horgeyneyso Heshiiska Xuquuqda Caruurta si loo ansixiyo. Laakiin waxaan walaaca la wadaagaa Khabiirka Madaxabanaan ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, walaacaas oo ku saabsan xarigii dhowaan loo geystay weriyeyaal, kuwaa oo aan weli maxkamad lasoo taagin, iyo xiritaanka xarumo warbaahineed, iyo weliba adeegsiga sii kordhaayo ee xukunka dilka ah. Waxaan mar kale ku celinayaa baaqeygii aan ugu baaqayey Dowladda Federaalka inay fuliso ballanqaadkeedii ahaa hakinta ciqaabta dilka. Sidoo kale waxaan ku baaqayaa horumar dheeri ah oo ku aadan sidi loo dhisi lahaa Gudi Xuquuqul Insaan oo Madaxbanaan.

Waxaan aad uga walaacsanahay eedeeymihii dhowaan loo soo jeediyay ciidamada AMISOM ee ku saabsanaa ka faa’iideysiga iyo tacaddiga galmada. Waxaan soo dhoweynayaa ballanqaadka Midowga Afrika, ballanqaadkaas oo uu mar kale carrabka ku adkeeyay Gudoomiyaha Gudiga Midowga Afrika isagoo ku sugan New York 24-kii bishi September, kuna ballan qaaday baaritaan buuxa, iyada oo la raacaayo siyaasadda dulqaad la’aanta ee ka faa’iideysiga iyo tacadiga galmoodka. Waa muhiim in baaritaankaas uu noqdo mid hufan, markhaatiyaashana la ilaaliyo.

Marwo Madaxweyne
Xaaladda bani’aadanimo ee Soomaaliya ayaa weli kasii daraysa. Dad ka badan 3 milyan oo ku sugan Soomaaliya ayaa maanta u baahan gargaar bani’aadanimo ama kaalmo loogu sameeyo hab nololeed. Tiradaas waxaa kamid ah dad ka badan 1 malyan oo aan is-quudin Karin, waa sare u kac 20 boqolkiiba muddo lix bilood gudahood. Waxaa la billaabay fidinta gargaar bani’aadanimo. In ka badan 300 oo tan oo sahay ah ayaa la gaarsiiyay tobaneeyo kun oo dad ah iyada oo loogasoo tuuray hawada sare maadaama aanay jirin marin amaan ah oo loo maro goobihii dib loo qabtay. Laakiin gargaarkaasi weli wuu ka yaryahay baahida dhulka ka jirta. Duulimaadyada xamuulka marna ma gaarsiin karaan tirada sahayda gargaar ee loo baahanyahay. Waxaa lagama maarmaan ah in waddooyin amaan ah la gaari karo. Sidoo kale waa inaan si degdeg ah u abaabulno taageero lagu daboolo baahida jirto. Hadii kale, waxaan la kulmeynaa xaalad bani’aadanimo oo ba’an/cakiran taas oo wiiqi karta guulihii siyaasadeed iyo kuwii amni ee la gaaray labadii sano ee la soo dhaafay.

Marwo Madaxweyne
Waxaan soo dhoweynayaa magacaabidda Guddiga Latalinta Madaxabanaan ee loo magacaabay Guddiga Maamulka Maaliyadda, waxaana ku hanweynahay in la helo hufnaan dheeraad ah iyo in si wanaagsan loo maareeyo hantida dadweynaha, gaar ahaan qandaraasyada waaxda dadweynaha. Sidoo kale, Deeq-bixiyeyaashu waxay doonayaan in la xoojiyo hufnaanta qulqulka lacagta lagu deeqo iyo waxyaabaha loo adeegsado iyada oo la tix raacaayo ballanqaadyadii ku qornaa Heshiiska “Hiigsiga Cusub” ee Soomalaiya. Qaramada Midoobay ayaa dhinaceeda u hogaansan ballanqaadyadeeda ku qoran Heshiiska. Waxaan dhowaan la saxiixan doonnaa Dowladda Federaalka Hanaankii ugu horreeyay ee Istiraatiijiyada Isku-dhafan. Kani wuxuu horseedi doonaa in dadaallada Qaramada Midoobay ay noqdaan kuwo si wanaagsan u abaabulan oo aad isku waafaqsan si loo gaaro mudnaanta qaran ee ku xusan Heshiiska.

Madasha Iskaashiga ee Heerka Sare ee ka dhacaysa Copenhagen bisha November waxay noqon doontaa fursad muhim ah oo lagu qiimeeyo/falanqeeyo horumarka lagu tallaabsanayo sidi loo gaari lahaa yoolka Heshiiska Soomaaliya. Waxaa muhiim ah in maamul-hoosadyada federaalka ah kaalintooda laga siiyo shirweynaha, oo ay kamid tahay u diyaar garowgiisa.

Gabagabadii, Marwo Madaxweyne, waxaan weli iga go’an inaan rajada wado. Ma dhayalsanayo caqabadaha ama baahida degdega ah iyo dhibaatada ay leedahay wax ka qabashadooda. Laakiin waxaan si adag u rumeysanahay in dhibaatooyinka Soomaaliya ay yihiin kuwo dal isku imanayo, ma aha kuwo dal kala daadanaya. Waan ogahay in Goluhu uu waqtigiisa inta badan geliyo la tacaalidda midda dambe.

Waxaan idinkaga mahad celinayaa taageerada deeqsiga ah ee aad u fidisaan Soomaaliya, waxaana mahad iyo amaan u soo jeedinayaa saaxiibadayda Qaramada Midoobay ee sida daacadnimada iyo geesinomada ah ugu shaqeeya si ay gacan ugu siiyaan Soomaalida si ay u gaaraan rajadooda iyo riyadooda. Sidoo kale, waxaan u mahad celinayaa saaxiibada caalamka ee ay Soomaaliya leedahay, gaar ahaan Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo IGAD, waxaana uga mahad celinayaa wadashaqeyntooda, ka-qeybqaadashadooda iyo dadaalka ka go’an inay Soomaaliya taageeraan, kuwaas oo la’aantooda aanan halkaan joogno maanta aanan soo gaari lahayn. Habeenkii dheeraa ee Soomaaliya weli ma dhamaan, laakiin cirku ugu dambayn wuu soo iftiimayaa.

Mahadsanidiin

Download PDF
Hadalkii uu jeediyay Ergeyga Gaarka ah (SRSG)
Media Caption
Muqdisho, 24 July 2013