UNSOM
United Nations Assistance Mission in Somalia

Closure of UNSOM

The United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) was established on 3 June 2013. Its mandate ended on 31 October 2024, subsumed to the United Nations Transitional Assistance Mission in Somalia (UNTMIS).

Saaxiibada caalamka [ee daneeya arrimaha Soomaaliya] kuwooda ugu horeeyo ayaa soo dhoweeyay wadahadallada ka socdo dowlad goboleedka Galmudug

Muqdisho – Dowladaha Belgium-ka, Denmark, Itoobiya, Finland, France, Germany, Italy, Netherlands, Norway, Poland, Sweden, Switzerland, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Mareykanka, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay, oo iyagu ah saaxiibo weyn oo Soomaaliya ay ku leedahay caalamka, ayaa bogaadiyay wadahadalka ka socdo Galmudug ee lagu midaynayo dowladda, lagu xoojinayo xasilloonida, la iskuna keenayo dhinacyada iyadoo loo danaynayo dadka Galmudug iyo dhamaan dadka Soomaaliyeed .

Dhamaan dadka ay hawshu ka dhaxayso waxaan ku dhiiri-gelinaynaa inay sii wadaan dadaalldaan ayna horay usii dhaqaajiyaan dib-u-heshiisiin sal-ballaaran oo loo wada dhanyahay, taas oo horseedaysa in si daah-furan oo cadaalad ah loo soo xulo Baarlamaan iyo Madaxweyne cusub, kana fog rabshado.

Waxaan mar kale xaqiijinaynaa taageerada aan la garab taagannahay Soomaaliya.