Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyay weerarkii argagixiso ee Mandheera, Kenya

23 Nov 2014

Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyay weerarkii argagixiso ee Mandheera, Kenya

Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa cambaareeyay dilkii waxashnimada ahaa ee loo geeystay ugu yaraan 28 Keenyaati ah oo ahaa rakaab saarnaa bas, dilkaas oo ay geysteen dabley looga shaki qabo inay kamid yihiin Alshabaab, kana dhacay Mandheera, meel u dhow xadka Soomaaliya.

“Waxaan si xoogan u cambaareynayaa weerarkii argagixiso ee waxashnimada ahaa ee shalay loo geystay dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Waxay muujineysaa tixgelin la’aan buuxda oo xaga bani’aadanimada ah. Kuwii falkaas geeystay waa in si degdeg ah lagu horkeeno caddaalada.”

SRSG Nicholas Kay wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo saaxiibada dhamaan dadkii dhibaatada kasoo gaartay weeraradii shalay.

Wuxuu mar kale ku celiyay go’aanka aan leex-leexadka lahayn ee Qaramada Midoobay ee lagula dagaalamaayo aafada argagixisada iyo in lagu taageero Soomaaliya iyo gobolka xaqiijinta amniga iyo xasilloonida.

Dhamaad.