Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Abril 2024

30 Apr 2024

Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Abril 2024

 

Horumarinta | UN-Habitat ayaa bixisay tababbar ku saabsan dowlad hoose oo loo dhan yahay

Iyadoo kaashanaysa Akadeemiyadda Dowladaha Hoose ee Heeg(The Hague Academy of Local Governance), ayaa UN-Habitat waxay 15 ka-qaybgalayaal oo ka kala socda guud ahaan Soomaaliya oo dhan siisay xiisad tababbarka-tababbarayaashaah oo ku saabsan dowladda hoose oo loo dhan yahay. 15 ka-qaybgalayaal ayaa laga soo xulay koox 26 qof koobneyd kuwaas oo soo qaatay tababar kan ka horreeyay sannadkii hore. Waxay ka kala yimaadeed Dowlad-goboleedyada Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug, Jubaland iyo Benaadir, waxaanna ka mid ahaa shaqaale ka socday Wasaaradda Hawlaha Guud ee Federaalka.
 
Arrimaha looga hadley tababbarka waxaa ka mid ahaa maamulka dhulka, qaabka guud ee sharciga, hababka xallintakhilaafaadka dhulka iyo qaababka kala duwan ee dakhliga dhulka ku saleysan ee ka jira goboladooda gaarka ah. 


UN-Habitat ayaa sheegtay in ujeeddada tababbarkan laga lahaa ay ahayd taageeridda fahamka iyo muhiimadda maamulka dhulka iyadoo kor loo qaadayo horumarinta la joogteyn karo iyo maamulka siyaasadeed.

Click here for more

 

Dhallinyarada | UNSOS oo taageertay Bandhiga Shaqoonyika ee Soomaaliya

Iyadoo ay hormuud ka tahay UNSOS, bahda QM ee Soomaaliya waxay martigelisay bandhig shaqo ay ka soo qaybgaleen in ka badan 200 arday Soomaaliyeed iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

Maalintii koowaad ee bandhiga labada maalmood socday ayay munaasabaddu ka dhacday Xarunta QM ee magaalada Muqdisho; munaasabadda ayaa diiradda saareysay sidii loo baraarujin lahaa fursadaha shaqo ee ka dhex jira nidaamka QM.

“Tani waa tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhinaca karti-dhiska, fursad abuurista iyo in la idinka caawiyo fahamka sida aad ku sahamin kartaan nidaamka si aad fursado shaqo uga dhex heshaan hay’adaha QM oo aad u adeegtaan Soomaaliya iyo ka shishe-ba,” ayay hadaladii ay ku furtay bandhiga ku sheegtay Madaxa UNSOS, ahna Kaaliyaha Xoghayaha-Guud Aisa K. Kacyira.

Ka sokow dhageysiga mas'uuliyiinta sare ee QM iyo shaqaalaha waaxda shaqada iyo shaqaalaha, ka-qaybgalayaasha munaasabadda ayaa waxay awoodeen in ay la tacaamulaan wakiilo ka socda tobaneeyo ka mid ah hay'adaha QM ee ka shaqeeysa Soomaaliya si ay u oggaadaan ikhtiyaarada shaqo.

Click here for more

 

Siyaasadda  |Ergayga Gaarka ah QM ayaa la kulantay hoggaamiyayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle

Iyada oo weli ku guda jirta la-tacaamulkii joogtada ahaa ee ay la lahayd hoggaamiyayaasha Dowlad-goboleedyada, Ergayga Gaarka ah ee QM Catriona Laing ayaa si kala gaar ah ula kulantay Madaxweynaha Hirshabelle Madaxweyne Cali Gudlawe Hussein, iyo Madaxweynaha Galmudug Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor.’

Kulankii koowaad, waxay uga wada hadleen hannaanka dib-u-eegista dastuurka Soomaaliya, ka-qaybgalka Golaha Wadatashiga Qaranka, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, dadaallada xasillinta iyo hannaanka dib-u-heshiisiinta Hirshabeelle.

Kulankii labaad, waxay uga wada hadleen hannaanka dib-u-eegista dastuurka Soomaaliya iyo dhisidda dhismayaasha QM ee laga dhisayo magaalo-madaxda Dowlad-goboleedka Galmudug, Dhuusamareeb. Ms. Laing ayaa sidoo kale ugu hambalyeysay hoggaanka Dowlad-goboleedka Galmudug sharciga mamnuucaya dhammaan noocyada jarjaridda saxaaxa dheddiga/gudniinka fircooniga ah.