Hadalladii Ergeyga Gaarka ah ee QM u Qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, u jeedisey saxaafadda, intii ay ku guda jirtey booqashadii ay ku tagtey Garoowe, Puntland

31 Mar 2024

Hadalladii Ergeyga Gaarka ah ee QM u Qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, u jeedisey saxaafadda, intii ay ku guda jirtey booqashadii ay ku tagtey Garoowe, Puntland

(Waa la tifaftirey si uu macnuhu u caddaado)

Mudane Madaxweyne,

Waad ku mahadsan tihiin soo dhoweyntiinna diirran.

Waxaa farxad ii ah in aan Garoowe joogo. Waa booqashadii afaraad ee aan ku imaado Puntland tan iyo markii aan noqday Ergeyga Gaarka Ah Ee QM u Qaabilsan Soomaaliya.

Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan fursad u helnay in aan dood furan oo toos ah wada yeelanno. Waxaan Madaxweyne Deni ugu hambalyeeyay magacaabista golahiisa wasiirada ee cusub, kuwaas oo aan saaka qaar badan oo ka mid ah la kulannay.

Haddaba, waxaan si ballaaran uga wada hadalney laba arrimood.

Arrinta koowaad waxay ku saabsanayd barnaamijka horumarinta ee ka socda Puntland, waxaan arkay qoraalka kooban ee ay dolwaddu kaga hadashey tiirar kala duwan, kuwaas oo aad u cad.

Waxaan madaxweynaha u xaqiijiyay in uu haysto taageerada iyo ballanqaadka buuxa ee bahda QM oo dhan.  Waxaan maanta booqashada igu wehliyay George Conway, oo ah ku-xigeenkeyga ee hoggaaminaya arrimaha horumarka iyo bani'aadamnimada.

Haddaba, tusaale ahaan, waxaan ka wadahadalney faa'iidada ay Puntland ka heli karto kalluumeysiga maadaama ay leedahay xeebta ugu dheer ee Soomaaliya. Haddii Puntland ay gaarto heer ay kaga soo bixi karto jaangooyada caalamiga ah, kalluumeysiga wuxuu noqon karaa fursad weyn oo ay wax ku dhoofin karto oo sidoo kale ah, il ay nafaqo iyo maciishado ka heli karaan dadka dalka ku nool.

Sida ay fursadaha u badan yihiin ayaa iyanna waxaa u badan culeysyada. Mid ka mid ah culeysyada aan ka wadahadalney waa cudurka daacuun-calooleedka ee dhowaan ka dillaacay Puntland, kaas oo ah mid aad halis u ah, waxaanna annaga, ka QM ahaan, kor u qaadeynaa taageeradeenna si aan dowladda uga caawinno in ay wax ka qabato dhibaatada cudurka daacuunka.

Culeyska labaad ee aan ka wadahadalney ayaa dabcan ku saabsan arrinta wax-ka-bedelka lagu sameynayo Dastuurka ee socda. Waxaan dabcan arkay bayaankii ay Dowladda Puntland ka soo saartey codeyntii baarlamaanka ee shaley dhacdey, waxaanna si cad hoosta uga xariiqayaa walaacyadooda ku saabsan qaar ka mid ah arrimaha muhiimka ah iyo hannaanka laf-ahaantiisa.

Laakiinse waxaa aad i farxad geliyay in aan madaxweynaha ka maqley in ay ka go’an tahay in uu isku dayayo in arrintan si un looga gudbo si loo xaqiijiyo in uu sii socdo wada-xaajoodka uu la yeelanayo dowladda federaalka si loo xaqiijiyo in la helo hannaan loo dhan yahay oo dalka oo dhan u wada dhan yihiin si loo xaqiijiyo in marka dambe la helo Dastuur heer federaal ah oo qeexaya isla-markaanna xaqiijinaya mid kastoo ka mid ah dowlad-goboleedyada in ay maamul-hoosaadkooda leeyihiin oo ay qaybtooda ka qaadan karaan.

Marka, Madaxweyne Deni waad ku mahadsan tahay in aad diyaar u tahay sidii xal loogu heli lahaa ismari-waaga hadda taagan. Annagana, ka QM ahaan, anigoo adeegsanaya xafiiskeyga,waxaan halkan u joognaa in arrintan si un looga gudbo.

Mustaqbalka Soomaaliya ayaa miiska saaran. Dalka, oo wax badan qabsan karo ayaan horey u sii socon karin haddii aysan Puntland si buuxda oo loo dhan yahay uga qaybgelin.

Mahadsanid, Mudane Madaxweyne.