Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Maarso 2024

1 Apr 2024

Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Maarso 2024

 

Arrimaha Bani’aadamnimada | OCHA oo ku baaqdey in taageero dheeri ah la siiyo wax-ka-qabashada xaaladda bani’aadamnimada ee Soomaaliya

Kaaliyaha Xog-hayaha Guud ee dhinaca Arrimaha Bani’aadamnimada Ms Joyce Msuya oo uu weheliyo Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee FAO ayaa booqdey Soomaaliya intii u dhaxaysa 7 ilaa 9 Maarso. Saraakiishan QM ayaa la tacaamuley dadka ay dhibaatooyinku saameeyeen, kuwa safka hore kaga jira wax-ka-qabashada dhibaatooyinka, xubnaha Kooxda Bani’aadamnimada ee Dalka (the Humanitarian Country Team), deeq-bixiyeyaal, iyo saraakiisha shaqadu kala dhaxayso ee dowladda si loo aqoonsado waxyaabaha muhiimka ah ee weli dad ka dhimman, culeysyada jira, iyo waxyaabaha mudnaanta degdegga ah leh. Safarka shaqo ayaa hadafkiisu ahaa in la abaabulo kheyraadka iyo cududda loogu baahan yahay ballaarinta waxqabadka naf-badbaadinta ah ee socda.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud Joyce ayaa iftiimisey in mustaqbalka Soomaaliya, iyo nolosha malaayiin qof ay halis adag ku jiraan. Mid ka mid ah shantii qof ee Soomaali ah ayaa heli kara cunto aad u yar oo uu cuno iyada oo 1.7 milyan oo carruur ahna ay nafaqo-xumo ba’an soo wajahadey  sanadkan. Daryeelka caafimaadka ayaa xaddidan, daacuun ayaa faafaya, oo in ka badan kalabar carruurta barakacay ma dhigtaan iskuullo. Waa ay adag tahay in la gaaro saddex-meelood meel degmooyinka dalka.

Click here for more

 

Maamul Dowladaha Hoose | Dib-u-soo-nooleynta xafiiska dowladaha hoose ee hay’adda UNCDF ayaa rajo gelin iyo shaqooyin siisey bulsho reer-miyi ah oo Soomaaliyeed

Maaliyado laga heley Hay’adda United Nations Capital Development Fund (UNCDF) iyo Sanduuqa Horumarinta Degaanka / Local Development Fund oo gaareysey $ 355,478.09, iyo qaaraan mug leh oo gaaraya $ 177,739.05 oo laga heley Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa keeney in dib-u-dhis dhammeystiran lagu sameeyo Xafiiska Dowladda Hoose ee Kaaraan oo uuna sumad u noqdo adkeysiga iyo is-maamulidda dadka degaanka.

Dib-u-dhisidda ka hor, xafiiska waxaa ka hawlgelayey keliya laba waaxood iyo 16 shaqaale, iyada oo keliya 2% ka mid ah shaqaalaha ay ahaayeen haween. Laakiin dib-u-dhiska ka dib sheekadu waa ay is-beddeshey. Xafiiska dib loo habeeyey waxaa hadda ka hawlgala 7 waaxood, oo ay u shaqeeyaan shaqaale ay wadartoodu tahay 77, waxaana uu ku faanaa sida mugga weyn ee ay  u kordheen haweenka ka shaqeeya, oo hadda 35% ka ah shaqaalaha.

Isbeddelkan ayaa sidoo kale dhaliyey faa’iidooyin dhaqaale oo la taaban karo. Abuurista fursado shaqo oo cusub oo gaaraya 61 ayaa si toos ah wax ugu biirineysa dhaqaalaha degaanka, taas oo xoojineysa xasilooniyada maaliyadeed iyo barwaaqada bulshada.

Click here for more

 

Bixinta lacago kaash ah | UNICEF oo fulisey barnaamij lacago kaash ah lagu bixinayo oo loogu talogaley wax-ka-qabashada xaaladda degdegga ah ee bani’aamanimada

Sanadkii 2022kii iyo qayb ka mid ah sanadkii 2023kii, ayaa gobollada Togdheer, Sool iyo Sanaag aaney ka badbaadin raadadkii ba’naa ee abaarta. Taasna waxaa ay kumanaan qoys galisey hayaan ay ku raadsanayaan cunto, hoy iyo biyo. Qaar badan ayaa degey xerooyin barakacayaal oo ku hareereysan magaalooyinka waaweyn halkaas oo baahiyaha bani’aadamnimada ee ka jirey ay aad u waaweynaayeen.

UNICEF oo taageero ka heshey dowladda Jarmalka, ayaa bilowdey barnaamij lix bilood soconayey oo lacago kaash ah oo loogu talogaley xaaladda degdegga ah lagu siinayey qoysas xaq u leh. Lacagta la bixinayey ayaa celceliskeedu ahaa $60 doolarka Mareykanka ah bishiiba, taas oo hadba ku xiran tirada xubnaha qoyska. Wadar ahaan, 14,000 qof ayaa ka faa’iideystey barnaamijka.

Barnaamijka ayaa badbaadiyey nafta dadka maaddaama uu qoysaska awood u siiyey in ay sii wanaajiyaan haqab-beelkooda cuntada iyo maaddaama carruurta nafaqo-xumadu hayseyna ay awoodeen in ay helaan daaweyn. Waxaa uu sidoo kale xoojiyey dhaqaalaha degaanka.

 

Arrimaha Bani’aadamnimada | Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee FAO oo dad kula kulmey safka hore ee is-beddelka cimilada

Iyada oo ku dhowaad 7 milyan oo ku dhaqan Soomaaliya – ama laba ka mid ah shantii qof – ay sanadkan u baahan yihiin gargaar naf-badbaadin ah, iyo iyada oo 1.7 milyan oo carruur ay u badan tahay in ay haleesho nafaqo-xumo ba’an, ayaa ku-xigeenka madaxa Xafiiska QM ee Isuduwidda Arrimaha Bani’aadamnimada ee the UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) iyo Ururka Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobey ee the Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO) ay booqasho shaqo ku tageen dalka si ay caalamka ugu dhiirrigeliyaan in gacan la siiyo Soomaalida la silcaysa raadadka gaajadam colaadda iyo is-beddelka cimilada ay ku reebeen.

Intii ay joogeen Soomaaliya, ayaa Kaaliyaha Xog-hayaha Guud ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee OCHA ahna Ku-xigeenka Isuduwaha Gargaarka Degdegga ah, Joyce Msuya, iyo Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee FAO, Beth Bechdol, waxaa ay la kulmeen dadka ku dhaqan safka hore ee maalaha ay ka dhacayaan dhibaatooyinka cimilada – iyo sidoo kale saraakiil Dowladeed, bahwadaagta deeq-bixiyeyaasha, iyo shaqaalaha gargaarka si loo ballaariyo dadaallada wax looga qabanayo dhibaatada.

Safarka shaqo ee saddexda maalmood ahaa ayaa lagu soo gabagabeeyey shir-saxaafadeed wadajir loogu qabtey Muqdisho.

Click here for more

 

Horumarka Aadanaha | UNDP ayaa daahrogtey Warbixinta Horumarka Aadanaha ee 2023-2024

Warbixinta Horumarka Aadanaha (the Human Development Report) ayaa muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya maaddaama uu muujinayo guul aan mid loo dhigo lahayn oo la gaarey.

Dadaallo iskaashi ku dhisan oo dhex marey UNDP Somalia, Hay’adda Istaatistikada Qaranka / Somalia National Bureau of Statistics (SNBS), iyo Mac-hadka Istaatistikada ee UNESCO Institute of Statistics, oo taageero ka heley Kooxda the Human Development Team ee joogta New York, ayaa keeney in Soomaaliya ay dib ugu noqotey liiska warbixinta caalamiga ah ee taxaya heerka ay kala joogaan dalalka ka dib markii ay ka maqneyd muddo soddon sano ah. Guushan ma aha keliya mid muujineysa bogga cusub ee Soomaaliya u bilowdey laakiin waxaa ay sidoo kale aasaas adag u dhigeysaa kalaguurka socda iyo dejinta Qorshaha Cusub ee Shanta Sano ee Is-beddel-dhalinta ee the new Five-Year Transformation Plan."

Click here for more

 

Sinnaanta Labada Jinsi | UNFPA ayaa xustey Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka ee sanadka 2024

12kii Maarso, 2024, ayaa UNFPA waxaa ay Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka ee sanadka 2024 ay Muqdisho uga xustey bandhig farshaxan-xogeed lala dhacay oo hal-ku-dheggiisu ahaa “My Data, My Story’ ama Xogteyda iyo Sheekadeyda, oo muujinaya  horumarka ay ku tallaabsanayaan haweenka ku nool Soomaaliya. Munaasabadda ayaa lagu soo dhoweeyey marti-sharaf ay ka mid ahaayeen Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Raisedon Zenenga, Dr. Syed Sadiq, Maareeyaha Barnaamijka Dalka Soomaaliya ee hay’adda UN Women, iyo Ku-simaha Madaxa UNSOS Qurat-ul-Ain Sodazai. Waxaa ay mar kale ku celiyeen sida ay uga go’an tahay sii-wanaajinta ka-qaybgalka haweenka ee siyaasadda iyo hirgelinta shuruuc ilaalinaya xuquuqaha haweenka iyo gabdhaha. Hal-ku-dhegga sanadkan, ‘Maalgeli Haweenka, Dardar-geli Horumarka’, ayaa carrabka ku adkeynaya muhiimadda ay leedahay maalgelinta haweenka iyo abuurista dadaallo iskaashi ku dhisan oo lagu dardargelinayo horumarka. Iyada oo 80% dadka ku barakacay Soomaaliya ay yihiin haween iyo gabdho, ayaa saddexda qof ee madaxda ah waxaa ay carrabka ku adkeeyeen sida degdegga ah ee loogu baahan yahay in mudnaan la siiyo xuquuqaha haweenka iyo sinnaanta labada jinsi.

Click here for more

 

Horumarin Dhaqaale | UNIDO oo abuurtey fursado oo dhaliseyna kobcidda dhaqashada digaagga

Beerta Digaagga ee Saido Poultry Farm ayaa diiraddu u saarneyd wax-soo-saarka digaagga, laakiin ma lahayn aqoontii uu ganacsigan u baahnaa. UNIDO ayaa soo garab-istaagtey oo siisey tababar la xiriira ganacsi-abuurka oo ay ku jireen qorsheynta, suuq-geynta iyo maareynta maaliyadda ganacsiga. Tababarka ayaa beerta digaagga ee Saido Poultry Farm gacan ku siiyey in ay diyaariyaan istiraatiijiyad ganacsi oo fadhida, sii wanaajiyey hawlgallada, oo kordhiyeyna badeecada ay iibinayeen. Sidaana waxaa ay ku ballaariyeen macaamiishaddooda, kor ugu qaadeen faa’iidadooda, waxaana ay noqdeen hal-door ay bulshadu uga dayato hababka waara ee dhaqashada digaagga, taas oo dad kale ku dhiirrigelisey in ay ku daydaan. Taageerada UNIDO ay bixisey ayaa beerta digaagga ee Saido Poultry Farm u rogtey ganacsi guuleystay oo faa’iido leh, kaas oo faa’iido u kordhiyey ganacsi-abuurayaasha iyo dhaqaalaha degaankaba.

Click here for more

 

Ka-wacyigelinta dadka ee Miinooyinka | UNMAS oo hubisey bedqabka bulshooyinka ku nool degaanka Bangala ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho

Degaanka Bangala, oo ku yaalla degmada Dayniile ee dhinaca waqooyiga-bari ee magaalada Muqdisho, ayaa mar ahaan jirtey meel ay si xooggan u joogaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ilaa ay isaga huleeleen 1990-meeyadii. Markii ay dad cusub degaanka degeen, waxa soo wajahay halis joogto oo kaga imaaneysey khatarta ay ugu jireen in ay wax ku qarxaan. Si ay wax uga qabato xaaladdan welwelka leh iyo si looga hortago shilal dhici kara ayaa UNMAS waxaa ay qaaddey tallaabo waxaana ay degaanka geysey koox u qaabilsan asturidda iyo waxbarashada halista waxyaabaha qarxa / explosive ordnance disposal and risk education (EORE). Iyada oo si dhow ula shaqeynaysa bulshooyinka ay dhibaatadu taabatey, ayaa kooxdu waxa ay gudbiyeen farriimo dadka loogu sheegayo halista jirta si kor loogu qaado wacigooda ku aaddan khatarta waxyaabaha qarxa. Intaa waxa dheer, waxaa ay sameeyeen sahamo lagu daraaseynayo heerka iyo xaddiga ay gaarsiisan yihiin waxyaabaha qarxa ee degaanka yaalla waxaana ay haraadigii waxyaabaha qarxa ka nadiifiyeen guud ahaan degaanka iyo deegaannada ku hareereysan. Tan iyo sanadkii 2023, kooxo ay qandaraas siisey UNMAS ayaa gacan ka geysanayey hubinta bedqabka iyo amniga dadka rayidka ah ee ku nool gobolka Banaadir iyaga oo bixiyey 370 cashar oo ku saabsan EORE oo ay ka faa’iideysteen 2989 qof, oo 53% ahaayeen carruur, iyaga oo sugey 22,500 mitir oo laba-jibbaaran oo ah degaanno looga shakisnaa in ay halis ahaayeen.

Click here for more

 

Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka | QM oo ku baaqdey in ka-qaybgal iyo matalaad tan hadda ka badan ay helaan haweenka

Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka, ayaa Qaramada Midoobey waxaa ay madaxda Soomaaliyeed ugu baaqday in ay dadaal badan geliyaan hubinta in haweenku ay qayb ka ahaadaan siyaasadda iyo xaqiijinta in ay helaan kootada 30 boqolkiiba ah ee ay tahay in ay haweenku ku lahaadaan baarlamaanka.

“Kootada ugu yar ee 30 boqolkiiba ah ayaa gacan weyn ka geysaneysa dhiirrigelinta sinnaanta labada jinsi iyo awoodsiinta haweenka kudhaqan Soomaaliya. Inkasta oo culeysyo badan ay jiraan, haddana haweenka Soomaaliyeed ayaa sidii ay weligoodba ahaayeen si mug weyn ugu lug leh nabad-dhisidda iyo dib-u-heshiisiinta – tani ayaa loo marayaa adeegga ay iyaga oo ah Xubno Baarlamaan, siiyaan ururrada bulshada rayidka ah iyo ururrada dhallinyarada, marka wax yar laga carrabaabo – laakiin waxaa loo baahan yahay in kheyraad intaa ka badan lagu maalgeliyo si loo sii ambaqaado horumarkan maaddaama maalgelinta haweenku ay aasaas u tahay dhisidda bulshooyin loo wada dhan yahay,” ayaa ay tiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM ee Soomaaliya, Catriona Laing.

Click here for more