Mr. Raisedon Zenenga oo u Dhashay Dalka Simbabwe - Ku-Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM)

27 Jan 2024

Mr. Raisedon Zenenga oo u Dhashay Dalka Simbabwe - Ku-Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM)

New York - Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa maanta ku dhawaaqay magacaabista Raisedon Zenenga oo u dhashay dalka Simbabwe in uu noqdo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Mr. Zenenga waxa uu baddelayaa Anita Kiki Gbeho oo dhalashadeedu aheyd dalka Ghana, taas oo Xoghayaha Guud ee QM uu ugu mahadcelinayo shaqada daacadnimada ahayd ee ay ka qabatay Soomaaliya.

Hadda wuxuu ahaa Ku-Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Liibiya, halkaasi oo uu sidoo kale ka ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Guud iyo Isuduwaha Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Liibiya (UNSMIL) tan iyo 2020, Mr. Zenenga wuxuu la imaanayaa waayo-aragnimo ballaaran oo uu u leeyahay taageeridda geeddi-socodyada siyaasadda iyo dhexdhexaadinta, maareynta hawlgallada nabadda ee adag, iyo la shaqeynta Dowladda iyo daneeyayaasha kale ee muhiimka ah ee goobaha ay colaaduhu ka jiraan iyo kuwa colaadaha ka soo kabanaya. Wuxuu waayo-aragnimo ka badan 30 sano u leeyahay Qamarada Midoobay, oo ay ka mid yihiin hawlgallada Qaramada Midoobay ee dalalka Laybeeriya (Liberia), Liibiya, Ciraaq-Kuweyt, Siiraliyoon(Sierra Leone) iyo Koonfurta Suudaan, iyo sidoo kale Xarunta-dhexe ee Qaramada Midoobay.

Wuxuu horey u soo qabtey xilalka Ku-Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya iyo Ku-Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Koonfurta Suudaan. Wuxuu sidoo kale xilal sare oo kala duwan ka soo qabtey Xarunta-Dhexe ee Qaramada Midoobay ee taageerta hawlgallada nabad-ilaalinta Afrika. Mr. Zenenga wuxuu xirfadiisa shaqo ka soo bilaabay adeegga diblomaasiyadeed ee dalkiisa.

Mr. Zenenga wuxuu ka qalinjebiyay Jaamacadda University of Zimbabwe, oo uu ku soo bartey culuunta maamulka guud iyo cilmiga siyaasadda.

Isha laga soo xigtay : Afhayeenka QM