Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay weerarkii lagu hoobtey ee hoobiyaasha lagu weeraray agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

12 Jan 2024

Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay weerarkii lagu hoobtey ee hoobiyaasha lagu weeraray agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Muqbisho – Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerar hoobiye ah oo Khamiistii lagu dilay xubin ka tirsan Ilaalada Qaramada Midoobay.

“Ciidanka Ilaalada Qaramada Midoobay waxay door muhiim ah ka ciyaaraan xaqiijinta badqabka iyo amniga shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya taageerada nabadda iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya. Waxaan cambaareyneynaa falkan xadgudubka ah, waxaana la tiiraanyoonaynaa qoyska iyo asxaabta dhibbanaha inta lagu jiro waqtigan adag,” ayay tiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing.

Tiro Madaafiic ah ayaa habeenkii Khamiista ku soo dhacay gudaha aagga Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo ay ku taallo Xarunta Qaramada Midoobay. Marka laga soo tago dhimashada xubin ka tirsan Ciidanka Ilaalada Qaramada Midoobay, Madaafiicda ayaa waxyeelo u geystay kaabayaasha. Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ku baaqaysaa in dadka mas’uulka ka ah sharciga la horkeeno, waxaana weli ka go’an inay ku taageerto shacabka iyo dowladda Soomaaliya dadaallada lagu dhisayo nabadda iyo xasilloonida dalka.