War-saxaafadeedka Golaha Ammaanka ee weerarkii Al-Shabaab ee ka dhanka ahaa UNICEF ee ka dhacay Garowe, Soomaaliya

21 Apr 2015

War-saxaafadeedka Golaha Ammaanka ee weerarkii Al-Shabaab ee ka dhanka ahaa UNICEF ee ka dhacay Garowe, Soomaaliya

New York –  Xubanaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa caro ka muujiyay weerarkii maanta ee ka dhanka ahaa gaari ay leedahay Qaramada Midoobay ee ka dhacay Garowe, Soomaaliya, kaasi oo mas’uuliyaddiisa ay sheegteen Al Shabaab weerarkaas oo dhaliyay tiro dhimasho iyo dhaawacba isugu jira. Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si xooggan u cambaareeyay falkan naxdinta leh. Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa tacsiyo u diray ehellada dhibanayaasha ayagoo kuwa dhaawac ah u rajeeyay boqsiimo deg deg ah. 

Xubanaha Golaha Ammaanka ayaa ka naxay in Al Shabaab ay bartilmaammedsato shaqaalaha Qaramada Midoobay oo ka shaqaynaya taageerada carruurta Soomaaliya. Waxaa ay hoosta ka xarriiqeen taageeradooda shaqaalaha UNICEF oo shaqadoodu ay tahay mid muhiim ah.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa markale xaqiijiyay in dhammaan noocyada kala duwan ee argagaxisada ay halis aad u xoogan ku yihiin ammaanka caalamiga ah iyo nabadda. Fal walba oo argagaxisanimo ah waa dambiilanimo oo cudurdaar la’aan ah wax walba ha ahaadee ujeedku, meel walba waqti kasta iyo cidda ku kacaysa falalka aragagaxisanimada ah.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa markale waxaa ay ku nuuxnuuxsadeen sida ay uga go’an tahay la dagaalanka nooc walba oo aragagaxisanimo ah si waafaqsan mas’uuliyadeeda ee ku xusan axdiga Qaramada Midoobay.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa dowladaha xasuusiyay inay qaadaan tallaabooyin ka dhan ah argagaxisada islamarkaana gutaan waajibaadkooda shuruucada caalamiga ah gaar ahaan xuquuqda aadanaha caalamiga ah, Qaxootiga iyo sharciga gargaarka bani’aadanimada.

Golaha ayaa ku celiyay sida ay uga go’an tahay taageeridda nabadda iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya. Waxaa ay hoosta ka xariiqeen in weeraradii ugu dambeeyay ee argagaxaysinimada inay sii adkeeyeen go’aankooda.