War-saxaafadeedka Af-hayeenka Xoghayaha Guud oo ku saabsan shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Garowe, Soomaaliya

20 Apr 2015

War-saxaafadeedka Af-hayeenka Xoghayaha Guud oo ku saabsan shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Garowe, Soomaaliya

New York –  Afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa muujiyay caradiisa ku aaddan weerarkii subixii maanta lagu qaaday gaari ay leedahay Qaramada Midoobay ee ka dhacay Garowe ee Dowlad Gobaleedka Puntland. Weerarka ayaa dhaliyay dhimashada toddobo qof oo ay ku jiraan afar shaqaale oo QM ka tirsan ayadoo weerarka sidoo kale sababay dhaawacyo soo gaaray tiro kale oo dad ah. 

Xoghayaha Guud waxaa uu tacsiyo tiiraayo leh u dirayaa qoyska iyo saaxibada dhibanayaasha isagoo dadki ku dhaawacmay u rajeeyay bogsiimo deg deg ah. Waxaa uu si xoogan u cambaareeyay weerarka ka dhanka ahaa shaqaalaha Qaramada Midoobay oo ka shaqaynayay bixinta gargaar bani’aadanimo iyo caawinaad dhanka hormarka ah ee dadka Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin carruurta wadanka kuwaasi oo badankood qaba baahi wayn.

Xoghayaha Guud waxaa uu markale ku celinayaa in weerarada argagaxisada aysan wiiqi doonin go’aanka Qaramada Midoobay ee taageerada Dadka iyo Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dib u dhiska nabadda iyo barwaaqada dalka. Waxaa uu mahad celin usoo jeedinayaa shaqaalaha QM ee ka shaqaynaya Soomaaliya isagoo ku celiyay in weerarada bahalnimada ah aysan dhimi doonin in QM ay sii wado ka shaqaynta nabadda dalka.