Xafiiska UNSOM ee Garowe oo matoor-koronto ugu deeqay booliiska Puntland

30 Mar 2015

Xafiiska UNSOM ee Garowe oo matoor-koronto ugu deeqay booliiska Puntland

Xafiiska Howl galka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya midkiisa Garowe ayaa gudoonsiiyay matoor noocyada 20 KVA  oo ciidamada booliiska Soomaliya ugu soo deeqeen ciidamada booliiska Puntland ayadoo ay googjoog ka ahaayeen Wasiirka Amniga Puntland, Taliyaha Booliiska Punland iyo Taliyaasha Waaxda Dambi Barista CID-da iyo Taraafikada.

Sarkaal Xiriirka u qaabilsan SPF ayaa matoorrada weheliyey oo gaarsiiyay Garowe isagoo fursaddaasina uga faa’idaystay in uu la tashiyo la sameeyo dhigiisa Puntland. Wasiirka Ammaanka Xasan Cusmaan Alloore ayaa ka mahad celiyey deeqda taasi oo ay suurta galisay maalgalin ay samaysay Dowladda Japan. Waxaa uu qiray in koronto dhaliyaashu ay booliiska ka caawin doonaan inay shaqadooda ay gutaan islamarkaana u adeegaan Dadka Reer Puntland si  waxtar leh. UNSOM ayaa markale ku celisay inay sii wadayso dadaalada ay ku taageerayso howlaha booliiska guud ahaan Soomaaliya si hab fiican loogu adeego dadka Soomaaliyeed.