War-saxaafadeedka Golaha Ammaanka ee ku aaddan werarada argagaxisada ee ka dhacay Muqdisho

16 Apr 2015

War-saxaafadeedka Golaha Ammaanka ee ku aaddan werarada argagaxisada ee ka dhacay Muqdisho

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa si xooggan u cambaareeyay weerarkii Al-Shabaab 14 April ay ku qaadeen wasaaradda Tacliinta Sare kaasi oo ay ku dhinteen shacab Soomaaliyeed, xubno ka tirsan ciidamada ammaanka iyo askari ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM ayadoo dad kalena ay ku dhaawacmeen. Xubnaha Golaha Ammaanka  ayaa muujiyay dareenkooda islamarkaasna tacsiyo u diray qoysaska dhibanayaasha sidoo kale dadka iyo Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Xubnaha ayaa dadka dhaawacmay u rajeeyay caafimaad deg deg ah.

Xubanaha Golaha Ammaanka ayaa amaanay ciidamada ammaanka iyo kuwa Amisom jawaabta deg dega ah ee ay ka bixiyeen. Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa markale ku celiyey taageeradooda ku aaddan dhammaan dadka ka shaqaynaya nabadda iyo deganaanshaha Soomaaliya oo ay kamid yihiin Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM iyo AMISOM.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa markale xaqiijiyay in dhammaan noocyada kala duwan ee argagaxisada ay halis aad u xoogan ku yihiin ammaanka caalamiga ah iyo nabadda. Fal walba oo argagaxisanimo ah waa dambiilanimo oo cudurdaar la’aan ah wax walba ha ahaadee ujeedku, meel walba waqti kasta iyo cidda ku kacaysa falalka aragagaxisanimada ah.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa markale waxaa ay ku nuuxnuuxsadeen sida ay uga go’an tahay la dagaalanka nooc walba oo aragagaxisanimo ah si waafaqsan mas’uuliyadeeda ee ku xusan axdiga Qaramada Midoobay.

Xubanaha Golaha Ammaanka ayaa hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in kuwa ka dambeeya weerarka , kuwa soo abaabulay iyo kuwa maalgaliyayba caddaaladda la hor-keeno ayagoo dowladaha ka dalbaday in si waafaqsan mas’uuliyadooda sharciga caalamiga iyo Qaraarada Golaha Ammaanka ay si muuqata arintaan ugala shaqeeyaan mas’uuliyiinta Soomaaliya. 

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa dowladaha xasuusiyay inay qaadaan tallaabooyin ka dhan ah argagaxisada islamarkaana gutaan waajibaadkooda shuruucada caalamiga ah gaar ahaan xuquuqda aadanaha caalamiga ah, Qaxootiga iyo sharciga gargaarka bani’aadanimada.

Xubanaha Golaha Ammaanka ayaa hoosta ka xarriiqay in midkaan ama ficil kale aragagaxisanimo ee caqli gal ahayn ee ka dhaca Soomaaliya aysan dhaawici doonin taageeradooda nabadda iyo geedi socodka dib u heshiisiinta Soomaaliya.