Qaramada Midoobay oo cambaareynaysa weerarkii argagaxiso ee lagu dhamaaday ee lagu qaaday hoteel ku yaalla magaalada Muqdisho

17 Aug 2020

Qaramada Midoobay oo cambaareynaysa weerarkii argagaxiso ee lagu dhamaaday ee lagu qaaday hoteel ku yaalla magaalada Muqdisho

Muqdisho – Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareynaysaa weerarkii argagaxiso ee lagu qaaday Hoteelka Elite ee magaalada Muqdisho maalintii Axadda, kaasoo sida la sheeegay ay ku dhinteen ugu yaraan 16 qof kuna dhaawacmeen dad kale oo badan. 

“Weerarkan waxashnimada qaawan an waxaa lala beegsaday dad rayid ah, oo ay ka mid yihiin shaqaalaha dowladda oo si nabad ah ugu caweynaya fiidknimadii Axadda, wuxuuna sababay khasaare tira badan. Arxan darradan meel ku ma laha dalka ay dhisanayaan dadka Soomaaliyeed waxayna mudan tahay cambaareyntii ugu adkayd,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.
  
“Weerarkan bahalnimada ah waa inuusan horjoosan mana horjoosan doono dadka Soomaaliyeed, dhammaan bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliyana waxay mar kale xaqiijinaysaa inay ka go’antahay inay garab taagantahay dhammaan Soomaalida nabadda jecel oo wajahaya rabshadahan oo kale,” ayuu raaciyay.
  
Sida ay wararku sheegayaan, Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, oo loo adeegsaday gaari lagu qarxiyay hoteelka xeebta badda ku yaalla, waxaana ku xigay dagaal hub iyo rasaas la isu adeegsaday oo dhexmaray argagaxisada iyo ciidamada amniga Soomaaliyeed. 

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa qoysaska dhibbanayaasha, waxayna dadkii weerarka ku dhaawacmay u rajeynaysaa inay si dhaqso ah uga soo kabtaan.