UNSOM
Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Xiritaanka UNSOM

Hawlgalka Kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) waxaa la aasaasay 3dii Juun 2013. Mandate-kiisu wuxuu dhammaaday 31kii Oktoobar 2024, waxaana lagu beddelay Hawlgalka Kaalmada Kumeelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).

Ergeyga QM ee Soomaaliya oo cambaareeyay dil loo geystay wariye

Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa cambaareeyay dil saaka loogu geystay magaalada Muqdisho Yuusuf Keynaan oo ahaa wariye ka shaqeeya idaacada magaalada.