UNSOM
Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Xiritaanka UNSOM

Hawlgalka Kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) waxaa la aasaasay 3dii Juun 2013. Mandate-kiisu wuxuu dhammaaday 31kii Oktoobar 2024, waxaana lagu beddelay Hawlgalka Kaalmada Kumeelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).

Guddiga Wadajirka ah ee Qaramada Midoobay iyo AMISOM ee Xuquuqul Insaanka oo Kulmay

Muqdisho, 15 Febraayo 2014 – Kooxda shaqo ee wadajirka ah ee ka dhexeysa Qaramada Midoobay iyo AMISOM ee ku aaddan Siyaasadda Feejignaanta Dhabta ah ee Xuquuqul Insaanka (HRDDP) ayaa kulankeedii ugu horeeyay ku qabatay magaalada Muqdisho 15kii bishan Febraayo, iyadoo kaga wadahadashay siyaabo kala duwan oo lagu dhisayo hay’adaha qaranka Soomaaliya oo leh saldhig xuquuqul insaan oo xoog leh.