Wakiilka Xoghayha guud ee QM Soomaaliya ayaa combaareeyay weerarkii Baarlamaanka Federaalka

25 May 2014

Wakiilka Xoghayha guud ee QM Soomaaliya ayaa combaareeyay weerarkii Baarlamaanka Federaalka

Muqdisho – Ergayga Gaarka ah ee Xoghayha Guud ee Qaramada Middobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nikolas Kay, ayaa combaareeyay weerarka lagu qaaday Baarlamaanka Federaalka Soomaalia maanta. Kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Gaari ay ka buuxaan waxyaalaha Qarxa ayaa lagu qarxiyay Albaabka wayn ee laga soo galo dhismaha Baarlamaanka. Sidoo kalena, waxaa laga maqlay baarlamaanka dhexdiisa is- rasaasayn saakadii hore.

" Waxaa iga nixiyay aana cambaaraynayaa weerarka lagu qaaday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed. Baarlamaaanka Federaalka ahi wuxuu metelaa dadka Soomaaliyeed, wuxuuna u taaganyahay rajadda dadka, mustaqbalkooda iyo siddi lagu heli lahaa mustaqbal xasiloon. Weerarka maanta la soo qaaday waa weerar lagu soo qaaday dadka Soomaaliyeed, mana jirto wax cudurdaar ah oo loo yeelikaro weerarkaas. Waxaan boogaadinayaa talaabada dhakhsaha leh ee ay qaadeen ciidamadda qaranka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM, kuwas oo ka jawaabayey weerarka. Qaramada Middobay waxay sii wadi doontaa taageeradda ay u hayso dadka Soomaaliyeed iyo dowladooduba, maadaama ay ka shaqaynayaan sidi lagu gaari lahaa nabad iyo xasilooni."

Mudane Kay waxa uu la hadlay Raiisul-wasaare Cabdulweli Sheekh Axmed si uu u muujiyo taageerada iyo tacsiyada uu u hayo Qoysaskii iyo saaxibaddi dadkii wax ku noqday weerarkii lagaystay maanta. Wuxuuna u rajeeyay dadka dhaawacmay in ay dhakhso u soo boskoodaan.