Cutubka Ilaalada QM oo Muqdisho ka howl billaabay

20 May 2014

Cutubka Ilaalada QM oo Muqdisho ka howl billaabay

Muqdisho – 18 Maajo 2014 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay, ayaa maanta guddoomiyey caleema saarkii rasmiga ahaa ee Cutubka Ilaalada Qaramada Midoobay, ciidan u dhisan difaac loona xilsaaray ilaalinta shaqaalaha QM iyo dhismayaashooda Muqdisho.