UNSOM
Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Xiritaanka UNSOM

Hawlgalka Kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) waxaa la aasaasay 3dii Juun 2013. Mandate-kiisu wuxuu dhammaaday 31kii Oktoobar 2024, waxaana lagu beddelay Hawlgalka Kaalmada Kumeelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo booqasho taariikhi ah ku tagay Soomaaliya

Muqdisho – Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho maanta aroortii iyagoo booqasho taariikhi ah ku yimid Soomaaliya si ay u eegaan horumarka ay gaartay Dowladda Federaalka oo kaalmo ka helaysa beesha caalamka, iyo si ay u muujiyaan taageerada ay had iyo jeer u hayaan dadaalka uu dalku ugu jiro si uu u xaqiijiyo inuu nabad waarta helo.