Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo booqasho taariikhi ah ku tagay Soomaaliya

13 Aug 2014

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo booqasho taariikhi ah ku tagay Soomaaliya

Muqdisho – Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho maanta aroortii iyagoo booqasho taariikhi ah ku yimid Soomaaliya si ay u eegaan horumarka ay gaartay Dowladda Federaalka oo kaalmo ka helaysa beesha caalamka, iyo si ay u muujiyaan taageerada ay had iyo jeer u hayaan dadaalka uu dalku ugu jiro si uu u xaqiijiyo inuu nabad waarta helo.