UNSOM
Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Xiritaanka UNSOM

Hawlgalka Kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) waxaa la aasaasay 3dii Juun 2013. Mandate-kiisu wuxuu dhammaaday 31kii Oktoobar 2024, waxaana lagu beddelay Hawlgalka Kaalmada Kumeelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).

Ergeyga QM u Qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyay weerarada Qaraxyada ah ee ka dhacay Muqdisho

Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay ayaa cambaareeyay weerarkii Bambaano ee xalay kadhacay banaanka maqaayad caan ah oo ku taal Muqdisho taasoo sababtay dhimashada iyo dhaawaca dad badan.