War-Saxaafadeedka Golaha Ammaanka ee Ku Saabsan Xaaladda Soomaaliya

23 Apr 2021

War-Saxaafadeedka Golaha Ammaanka ee Ku Saabsan Xaaladda Soomaaliya

New York – Xubnaha Golaha Ammaanka waxay walaac xooggan ka muujiyeen sii socoshada is-mari-waaga siyaasadeed iyo khilaafka u dhexeeya madaxda siyaasadda ee Soomaaliya ee ku aaddan hanaanka doorashooyinka.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay dib u milicsadeen horumarka ballaaran ee laga sameeyay Soomaaliya tobankii sano ee la soo dhaafay, oo ay ku jiraan sugidda amniga, dimoqoraadiyadda, dib u hagaajinta siyaasadda iyo horumarinta dhaqaalaha, gaar ahaan deyn cafinta. Waxay ku amaaneen dadka Soomaaliyeed, mas’uuliyiinta Soomaaliyeed, Midowga Afrika, Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo dalalkooda ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo saaxiibada kale ee Soomaaliya ee caalamka dowrkooda ku aaddan dadaaladaas.

Xubnaha Golaha Ammaanka waxay carrabka ku adkeeyeen in khilaafka taagan ee ku saabsan hanaanka doorashada uusan ahayn kaliya mid baabi’inaya horumarkan lagu gaaray dadaalka badan laakiin sidoo kale wuxuu diiradda ka weecinayaa dhibaatooyinka mugga leh sida fatahaadaha, abaaraha, ayax duureedka, aafada COVID-19, iyo la dagaallanka khatarta argagixisada Al-Shabaab. Waxay carrabka ku adkeeyeen in is-afgarad laga gaaro arrimaha doorashooyinka ay taageero u noqon doonto isla markaana fududeyn doonto horumarka iyo horumarinta joogtada ah ee Soomaaliya iyo dadkeedaba.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay hoosta ka xariiqeen in is-afgaradku muhiim u yahay hanaan kasta ee doorasho si looga guul gaaro. Waxay xuseen in heshiiskii 17kii Sebtember uu weli yahay aasaaska kaliya ee ilaa iyo hadda ay ansixiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhamaan Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah.

Sidaas darteed, Xubnaha Golaha Ammaanku waxay ugu baaqeen dhamaan dhinacyadu inay diidaan cunfiga [rabshadaha] oo ay dib u billaabaan wadahadalka si degdeg ah oo aan shuruud ku xirnayn. Waxay ugu baaqeen madaxda Soomaaliyeed inay aqoonsadaan oo ay ka amba-qaadaan qodobadii badnaa ee horay looga heshiiyay, si ay u xalliyaan khilaafaadkooda harsan oo ay wax walba ka hormariyaan danta dadka Soomaaliyeed, iyadoo laga wada shaqaynayo geeddi-socod doorashooyin oo ay Soomaali leedahay, Soomaalina hogaanka u hayso, lana helo jadwal lagu heshiiyey, sida ugu dhakhsiyaha badan ee suurtagalka ah. Waxay mar kale ku celiyeen inay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan [arrimahaas] iydoo loo marayo Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) oo kaashanaya AMISOM, Midowga Afrika (AU), Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD iyo saaxiibada caalamka.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay tixgeliyeen wadahadalkii Madaxweyne Farmaajo uu magaalada Kinshasa kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqoraadiga ah ee Congo ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika, Felix Tshisekedi 19kii Abriil. Waxay taageero u muujiyeen oo ay dhiirigeliyeen dadaallada caalamiga ee gobolku horkacayo ee gacanta looga geysanayo sidii dhinacyada dib loogusoo celin lahaa miiska loona fududayn lahaa wadaxaajoodyo loo dhanyahay.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay tixgeliyeen war-saxaafadeedkii IGAD ee 21kii Abriil iyo war-murtiyeedkii Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ee 22kii Abriil. Waxay taageero u muujiyeen Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud, James Swan, iyo dadaallada Midowga Afrika iyo IGAD ee gacanta ka geysanaya xallinta is-mari-waaga taagan.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay cambaareeyeen dhamaan weeraradii argagixiso ee ka dhacay Soomaaliya iyo gobolkaba waxayna mar kale xaqiijiyeen xurmaynta gobannimada, madax-banaanida siyaasadeed, midnimada dhuleed iyo midnimada Soomaaliya.