Xoghayaha-Guud ee QM ayaa u Magacaabay Ms. Catriona Laing u dhalatay Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska in ay noqoto Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

3 May 2023

Xoghayaha-Guud ee QM ayaa u Magacaabay Ms. Catriona Laing u dhalatay Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska in ay noqoto Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

New York – Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa maanta ku dhawaaqay magacaabista Catriona Laing oo u dhalatay dalka Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska inay noqotolo Ergeygiisa Gaarka ah ee cusub ee u qaabilsan Soomaaliya isla markaana ah Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM). Waxay bedelaysaa James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka, kaas oo uu Xoghayaha-Guud uga mahad celiyay u-heelanaantiisii iyo hogaankiisii sugnaa oo uu kusoo hogaamiyay UNSOM muddadii uu xilka hayay.

Ms. Laing waxay xilkan kusoo kordhinaysaa khibrad ka badan 35 sanadood oo ay kusoo dhex jirtay diblomaasiyadda, horumarinta iyo xiriirka caalamiga ah, oo ay ku jiraan xilal siyaasad samayn ee ay usoo qabatay dowladda Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska oo ay kasoo qabatay waaxyo kaladuwan oo heer qaran iyo heer caalami ah. Markii u dambeysay, lagasoo billaabo Noofambar 2018kii ilaa Abriil 2023kii, waxay ahayd Danjiraha Dowladda Britain u qaabilsan dalka Nigeria. Markaas ka hor, waxay ahayd Danjiraha Dowladda Britain u qaabilsan dalka Zimbabwe muddadii u dhexeysay 2014kii ilaa 2018kii.

Ka-sokow xilalka diblomaasiyadeed, Ms. Laing waxay jagooyin kaladuwan ka qabatay siyaasadda dawladda iyo horumarinta caalamiga ah, gaar ahaan waxay noqotay Ku-Xigeenka Madaxa Qaybta Istiraatiijiyadda ee Xafiisa Ra’iisul Wasaaraha (2000-2004), Agaasimaha Xuquuqda Aadanaha ee Wasaaradda Caddaaladda (2009-2012). iyo Madaxa Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee [qaabilsan] Sudan (2006-2009). Waxay sidoo kale madax ka ahayd Xafiiska Horumarinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya 1993kii ilaa 1994kii.

Ms. Catriona Laing waxay shahaadada labaad (MSc) ee dhaqaalaha ka heysataa Dugsiga Culuumta Dhaqaalaha ee London, waxay sidoo kale shahaaddada labaad ee Maamulka Ganacsiga ka qaadatay Jaamacadda Cranfield, labadaas goobood waxay ku yaallaan gudaha dalka Boqortooyada Midowday ee Ingiriisa.