Kooxda doorashada oo ballanqaaday doorasho xaq ah

1 Aug 2016

Kooxda doorashada oo ballanqaaday doorasho xaq ah

Kooxda fulinta doorashooyinka dadban ee federaalka (FIEIT) ayaa dadweynaha ka ballanqaaday in ay hawshooda u gudanayaan si dhexdhexaadnimo ah, si loo xaqiijiyo in ay dalka ka dhacdo doorasho taabbagal ah.

Cumar Maxamed Cabdulle (Dhegey), oo ah guddoomiyaha kooxdan ayaa hadalkan ayaa hadalkan ka sheegay shir saxaafadeed ka dhacay caasimadda Muqdisho. Wuxuuna intaas ku daray hawlaha doorashada si siman loogu qaban doono 37  goobood oo xarumaha federaalka iyo dowlad goboleedyada ah, ku waas oo ku kala yaalla magaalooyinka Mogadishu, Garowe, Cadaado, Kismaayo, iyo Baydhaba.

Sida uu uu sheegay Guddoomiye Cumar Dhegey, kooxda FIEIT waxay dhistay guddiyo heer federal iyo kuwo goboleed ka kooban, waxayna si hoose ula shaqeyn doonaan hay’adaha ammaanka ee Soomaaliya, sida Xoogga, booliska, nabadsugidda iyo ciidamada AMISOM,  si loo xaqiijiyo in doorashooyinku ay ku dhacaan jawi xasilloon.

Kooxda FIEIT waxay kormeeri doonaan hannaanka ay u dhacayaan doorashooyinka 2016, waxayna qaabili doonaan cabashooyinka yimadaada, si waafaqsan mabaa’diida dimuqraadiyadda, hufnaanta iyo isla xisaabtanka.

Intaas waxaa dheer, doorashooyinka soo foolleh waxay noqon doonaan kuwo loo dhan yahay, oo ay ka qaybgalayaan in ka badan 14,000 oo ergo codbixiye ah, ku waas oo loo igmaday in ay soo doortaan xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka, oo ayaguna sii dooran doona madaxweynaha iyo Aqalka sare ee baarlamaanka dalka. Xilliga doorashada xubnaha baarlaanka faderaalka ah ee soo socda ayaan weli lugu dhawaaqin.

“Kooxda fulinta doorashooyinka dadban ee federaalka (FIEIT), waxay mas’uul ka yihiin isku-dubba-ridka dhammaan hawlaha loo baahan yahay in la helo, si qorshaha faahfaahsan ee doorashadu u noqdo mid fula. Guddigan, oo qaar ka mid ah xubnihiisa ay halkaan fadhiyaan, wuxuu mas’uul ka yahay qorsheynta, hirgelinta iyo kormeerka hannaaka guud ee doorashada,” ayuu yiri Cumar Dhegey; oo intaas ku daray in ay u tababarayaan oday dhaqameedyada hannaanka loo marayo xulista xubnaha baarlamaanka, si loo qanciyo goob-joogeyaasha caalamiga ah.

Si ay xilkoodaa u gutaan, xubnaha FIEIT waxay isku qaybiyeen kooxo shaqo oo shaqadoodu kala tahay, Qorsheynta iyo socodsiinta iyoTababarrada iyo habraaca. Waxaa la sameeyey guddiyo ka shaqeeya matalaadda haweenka, xiriirka isgaarsiinta iyo ammaanka.

“Doorashooyinka soo socda maha kuwo xisbiyo badan ka qaybgalayaan,” ayuu yiri Cumar. “Taas beddelkeeda, waa doorashooyin qabiil ku saleysan.  Weli xushmad ayaan u haynaa xisbiyada siyaasadda, waana tixgelin doonnaa wixii tabasho ah ee ay qabaan. Waxaan xaqiijin doonnaa in mabaa’diida hufnaanta, islaxisaabtanka iyo dhexdhexaadnimada hawlaha doorashada la meelmariyo. Waan idin dhegeysaneynaa, waana saxaynaa wixii khaldama.

 Cumar Dhegey wuxuu sheegay in kooxdu ogolaansho ka haysato Madasha Hoggaanka Qaranka, wuxuuse intaas ku daray in ay irduhu u furan yihiin bulshada rayidka ah iyo ururrada siyaasadda dalka ee daneynaya in ay talo ku biirayaan.

“Sida ku cad heshiiska hannaanka doorashada laga gaarey, wax kasta oo siyaasadda la xiriira waxaa lugu soo celinayaa Madasha Hoggaanka Qaranka si loo maareeyo,” ayuu yiri Cumar oo intaas raaciyey: “Doorashadan sharci kuma saleysna, ee waxay ku qotontaa is afgarad siyaasadeed oo ay gaareen Madasha Hoggaanka Qaranka, oo ka kooban Dowladda Federaalka ah iyo maamul goboleedyada dalka.”