
Sii xumaanshaha ama burburka deegaanka iyo isbeddelka cimiladu ayaa si isa soo taraysa loo aqoonsanayaa in ay yihiin waxyaabaha ugu waaweyn ee horseeda sugnaan la'aanta, iyaga oo sii xoojiya nuglaanshaha hore u jiray, tartanka kheyraadka, iyo barakaca. Goobaha nugul ee ay colaaddu saameeysay, sida kuwa hoos yimaada Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS): wax ka qabashada deegaanka iyo sugnaanta cimilada waa laga marmaan si loo xaqiijiyo xasillooni waarta, horumar joogto ah, iyo nabad.
Maadaama ay Soomaaliya weli ku jirto marxaladda u gudbista nidaam dawladnimo adkaysi leh, ku darista arrimaha deegaanka iyo cimilada istiraatiijiyadaha amniga iyo horumarinta ayaa noqon doonna mid muhiim ah.
Hawlaha Qaramada Midoobay ee Ku Saabsan Deegaanka iyo Sugnaanta Cimilada
Ka-qeybgalka Qaramada Midoobay ee arrimaha deegaanka iyo sugnaanta cimilada waxa hagaya isku-jirka hababka nabad-dhisidda, adkeysi dhisidda, iyo xoojinta maamulka. Dedaalladan waxa ay diiradda saarayaan:
1. Falanqeynta Khatarta Cimilada iyo Nidaamyada Digniinta Hore Bixiya
- Sameynta qiimeynta khatarta sugnaanta cimilada si loo aqoonsado meelaha halista sare leh ee ay culaysyada deegaanka ka dhalan karaan khilaaf iyo xasillooni-darro.
- Taageeridda hay’adaha heer-qaran iyo kuwa heer-gobol si khataraha cimilada ay ugu daraan qorsheynta amniga iyo horumarinta.
- Xoojinta nidaamyada digniinta hore iyo istaraatiijiyadaha jawaabta si loo yareeyo barakaca la xiriira musiibooyinka iyo xiisadaha ka dhasha kheyraadka.
2. Maareynta Kheyraadka Dabiiciga ah si loo helo Nabad iyo Xasillooni
- Ka caawinta hay’adaha dowladda maareynta waarta ee kheyraadka muhiimka ah sida dhulka, biyaha iyo kaymaha.
- Taageeridda qaab-dhismeyaal maamul loo dhan yahay kaas oo dhiirrigeliya helitaanla loo siman yahay ee kheyraadka dabiiciga ah, yareynta cabashooyinka iyo ka hortagga khilaafaadka, sida barnaamijka ay IOM taageerto ee Barnaamijka Matabaan.
- Xoojinta hababka xallinta khilaafaadka ee degaanka iyo kuwa bulshada ku saleysan ee la xiriira isticmaalka kheyraadka iyo la-qabsiga cimilada, sida Mashruuca Kaydka Biyaha ee Jowhar (Jowhar Offstream Reservoir Programme).
3. Maamul Cimilada Wax-ka-qabta iyo Taageerro Siyaasadeed
- Ka taageeridda Dowladda Soomaaliya in ay arrimaha sugnaanta cimilada ku darto Qorshaha Qaran ee Horumarinta, Qorshaha Qaran ee La-qabsiga Cimilada, iyo Wax-ku-biirrinta Qaran Ahaan Loo Go'aamiyay.
- Xoojinta maamulka deegaanka iyadoo la fidinaya gargaar farsamo, karti-dhisid, iyo tayeynta hay’adaha wasaaradaha ay khuseyso.
- Horumarinta ka qaybgalka Soomaaliya ee doodaha sugnaanta cimilada ee gobolka iyo caalamkaba, oo ay ku jiraan shirarka COP iyo Habka Sugnaanta Cimilada.
4. Maciishadaha Cimilada U-adkeysta iyo La-qabsiga Bulshada
- Dhiirrigelinta xalalka ku saleysan dabeecadda si loo kordhiyo u adkeysiga cimilada, sida maareynta waarta ee daaqa, isku-dhafka beeraha iyo geedaha keymaha (agroforestry), iyo farsamooyinka daryeelka biyaha.
- Taageeridda barakacayaasha ah iyo bulshooyinka martida loo yahay iyada oo la siinayo fursado maciishado oo cimilada u adkaysta, si loo yareeyo ku-tiirsanaanta hawlaha kheyraadka badan ku xisaabtama.
- Hirgelinta barnaamijyo dhexgeliya u adkeysiga cimilada Xalalka Waara (Durable Solutions) iyo Istiraatiijiyadaha Xasillinta (Stabilization), gaar ahaan meelaha colaadaha ka jira.
5. Hababka Kala-guurka iyo Joogteynta
- In la hubiyo tallaabooyinka deegaanka iyo sugnaanta cimiladu in ay ku dhex-jiraan qaabka guud ee kala-guurka Soomaaliya UNTMIS ka-dib, si loo taageero in si habsami la'aan ah loogu wareejiyo hay’adaha qaran.
- Diyaarinta habab loogu talagalay abaabulka maalgelinta cimilada iyo isku-dubbaridka deeq-bixiyeyaasha si loo xaqiijiyo maalgelin sii socota ee dedaallada sugnaanta cimilada xilliga ka dambeeya wajiga kala-guurka ee QM, sida barnaamijka GCF ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.
- Xoojinta iskaashiyada u dhexeeya Kooxda Qaran ee QM, hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, iyo hay’adaha qaranka si loo waafajiyo barnaamijyada sugnaanta cimilada mudnaanta horumarineed ee muddada dheer ee Soomaaliya.
