
Dardar-gelinta Ajendaha sinnaanta jinsiga iyo horumarinta Haweenka, Nabadda iyo Amniga waa qayb muhiim ah oo ka mid ah shaqada Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM). Mid ka mid ah waajibaadka loo igmaday UNTMIS waa in ay hubiso in arrimaha jinsiga iyo horumarinta Haweenka, Nabadda iyo Ammaanka (WPS) in wax laga qabto oo la dhexgeliyo shaqadeeda siyaasadeed, xuquuqda aadanaha, u ololeynta siyaasadaha, kaalmaynta nabad-dhisidda iyo dawlad-dhisidda, maamulka, amniga iyo dib-u-habaynta waaxda caddaaladda.
Sinnaanta jinsiga iyo awood-siinta haweenku waa shuruudaha hore ee lagama maarmaan u ah in la helo oo la joogteeyo nabadda, amniga iyo horumarka loo siman yahay. Waxaa ay aasaas u yihiin in nabadda iyo horumarka ay noqdaan kuwo loo siman yahay, oo ay si siman uga faa'iidaystaan haweenka iyo ragga iyada oo la ilaalinayo xuquuqda aadanaha oo dhan iyada oo aan cidna la takoorin, loona eexan, cidna la jecleysan Awood-siinta haweenka Soomaaliyeed ee dhanka siyaasadda iyo ka-qaybgalkooda doorarka go'aan-qaadashada iyo hoggaaminta, gaar ahaan ka hortagga colaadaha, nabada, iyo geeddi-socodyada siyaasadda, iyo sidoo kale hay'adaha dowlada iyo jagooyinka la magacaabo iyo kuwa la doorto, waxay muhiim u tahay dhisidda Soomaaliya loo dhan yahay, oo ay cadaalad iyo sinnaan ka jirto. Iyada oo loo marayo shaqadeeda ku aaddan shaqadeeda diyaasadda, taageerada doorashada, xuquuqul insaanka, dhaqan-gelinta sarreynta sharciga iyo horumarinta caddaaladda, UNTMIS waxay samaysaa dadaallo dheeraad ah si loo hubiyo in xuquuqda haweenka, ka qaybgalka siyaasadda iyo sinnaanta jinsiga in si buuxda loo mideeyo oo kor loogu qaado.
Dhaqangelinta Ajandaha Haweenka, Nabadda iyo Amniga
Qaraarka caanka ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 1325 (UNSCR 1325) ee ku saabsanaa Haweenka, Nabadda iyo Amniga, iyo dhammaan go'aamadii xigay ee isla arrimahan ku saabsanaa (All SCRs on WPS), ayaa ah qaabka ugu muhiimsan ee loo wajaho qodobka ku saabsan ajandaha Haweenka, Nabadda iyo Ammaanka (WPS). Iyadoo ay hagayaan mabaadii'da takoor la'aanta iyo kor u qaadista ka qaybgalka iyo ilaalinta haweenka, UNTMIS shaqadeeda jinsiga waxay diiradda saaraysaa dardar-gelinta iyo kordhinta doorka haweenka, codkooda. galaangalka, matalaada, iyo ka qaybgalka siyaasadda, golaha go'aanka gaara iyo hoggaaminta. Marka laga soo tago taageerada ay siiso Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, UNTMIS waxay la shaqeysaa hoggaamiyayaasha kala duwan ee bulshada rayidka, hay’adaha iyo shabakadaha. Horumarinta iyo xoojinta codka bulshada rayidka iyo ka qaybgalka, gaar ahaan hoggaamiyeyaasha haweenka, waa istiraatiijiyad muhiim ah oo lagu xoojinayo ka qaybgalka haweenka Soomaaliyeed ee siyaasadda.
Xafiiska Isku-dhafka ah ee Jinsiga (IGO) ee UNTMIS u qaabilsan arrimaha jinsiga wuxuu xaqiijinayaa in la-talinta siyaasadeed oo muhiimka ah iyo hagidda istiraatiijiyadeed dalka laga heli karo, si loo horumariyo siyaasadaha iyo si loo xoojiyo hagidda arrimaha jinsiga la xiriira ee howlgalka Qaramada Midoobey oo dhan, wuxuunna sidoo kale xaqiijinayaa si ka baxsan howl-galka Qaramada Midoobey in talooyin wax ku ool ah la wadaagaya hay’adaha qaranka, gaar ahaan Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Xildhibaanada Haweenka ee Baarlamaanka Federaalka iyo Xildhibaannada Baarlamaannada Dowlad-goboleedka. Xafiiska Isku-dhafka ah ee Jinsiga (IGO) ee UNTMIS ayaa sidoo kale la shaqeeya mas’uuliyiinta bulshada rayidka ee magaalada Muqdisho iyo Dowlad-goboleedyada. Xafiiska arrimaha jinsiga waxaa kale oo uu leeyahay shabakad ka kooban Shaqsiyaadka iyo Mas’uuliyiinta Saldhigga u ah arrimaha Jinsiga, metelaya dhammaan qaybaha iyo xafiisyada muhiimka ah, oo fadhigoodu yahay xarumaha-dhexe ee hawlgalka iyo Xafiisyada Gudaha, waxayna ballanqaadayaan shaqeynta wax-ku-oolka ah ee Xafiiska Arrimaha Jinsiga (IGO) qaabilsan.
Ka Qeyb-galka Heerka Sare ah ee Haweenka Soomaaliyeed
Xafiiska Isku-dhafka ah ee Jinsiga (IGO) ee UNTMIS wuxuu hoggaamiyaa dedaallada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee lagu horumarinayo ka qaybgalka haweenka Soomaaliyeed ee geeddi-socodka nabadda iyo siyaasadda, iyo sidoo kale ka-qaybgalka bulshada, go’aan-qaadashada, iyo doorarka hoggaamineed. Tani waxaa ku jira u-doodista siyaasadda, dejinta sharciyada, iyo in haweenka lagu daro laguna xoojiyo ka qaybgalka goobaha siyaasadda, doodaha guud, guddiyada ku-meelgaarka ah iyo kuwa gaarka ah, komishannada iyo hay’adaha kale; ka qaybgalka haweenka ee wada-hadallada iyo geeddi-socodyada nabadda iyo siyaasadda, horumarinta ka-qaybgalka haweenka iyo aragtida jinsiga ee la xiriirta hannaanka dib-u-eegista dastuurka, iyo dardar-gelinta taageerada doorashooyin labada jinsi ay u dhan yihiin.
Jinsiga iyo Doorashooyinka
Metelaadda haweenka iyo ka-qaybgalkooda geeddi-socodka doorashada waa shuruudda hore ee doorashooyinka loo dhan yahay. Hirgelinta ka-qaybgal dhammeystiran ee loo siman yahay oo ay haweenku ku yeeshaan habraacayada doorashooyinka iyo natiijadooda waa caqabad caalamka oo dhan ka jirta. Si kastaba ha ahaatee, inkastoo ay liidato jawiga sharciga iyo siyaasadda iyo nidaamyada hay'adaha dowladda, Soomaaliya ayaa horumar ka muujinaysa tilmaamaha qaar ee metelaadda iyo ka qaybgalka haweenka ee siyaasadda, gaar ahaan heer federaal. Baarlamaanka Federaalka 10aad ayaa lagu arkey koror la yaab leh ee metelaadda haweenka, 14 boqolkiiba ayey ahayd 2012-kii halka ay 2016-kii gaartey 24 boqolkiiba.
Matalaadda 24 boqolkiiba ee ay haweenku ku leeyihiin Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxay ahayd tallaabo aad u weyn oo lagu horumarinayo matalaadda iyo ka qaybgalka haweenka ee siyaasadda, gaar ahaan hoggaaminta iyo go'aan-qaadashada. Ka-qaybgalka haweenka ee geeddi-socodka doorashada 2016-ka waxaa suura geliyey doodo iyo abaabul ballaaran iyo olole loogu jirey 30 boqolkiiba kuraasta in loo qoondeeyo haweenka; dhisidda Guddiga Safiir-sharafeedyo ah si kor loogu qaado kuraasta haweenka; iyo sidoo kale matalaadda haweenka 30 ee boqolkiiba ay ku yeeshaan dhammaan qaab-dhismeedka maamulka doorashada, guddiyada iyo habraacyada heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee hirgelinta doorashooyinka dadban iyo ergooyinka doorashada.
Si loo taageero matalaadda iyo ka qaybgalka haweenka ee doorashooyinka heer federaal ee 2020/21-ka socda, UNTMIS waxay dejisay istaraatijiyad wadajir ah waxayna hirgelisey Guddi-howleedka Arrimaha Jinsiga iyo Doorashooyinka (GETT) oo uu hoggaaminayay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee UNTMIS, oo ka kooban UNTMIS (IGO, PAMG, IESG, HRPG, SCPAG), UNDP, UNFPA, iyo UN Women. Kooxdan GETT waxay u ololaynaysaa in ugu yaraan ay ka helaan haweenku matalaad boqolkiiba 30 geeddi-socodka doorashooyinka, sida ku cad shuruucda khuseeya. Hiillo dheeri ah, ilaalinta qoondada boqolkiiba 30 ee ajandayaasha siyaasadeed ee madaxda qaranka heer federaal iyo sidoo kale heer dowlad-goboleed, u suura gelinta hogaamiyayaasha haweenka in ay wadaan ololeyaal u xuquuq raadin ah, abaabulka ilo dhaqaale si ay u taageeraan u xaq dhacsiga haweenka iyo baahinta muuqaalka Ololaha, cabashooyinka iyo caqabadaha haweenka iyo waxyaabaha ay horumar ka gaaaraan ayaa ah tiirarka ugu muhiimsan ee istiraatiijiyadda Kooxdan GETT.
Dib-u-eegis Dastuur oo ka Jawaabaya Arrimaha Jinsiga
Iyadoo ay majaraha u heyso Kooxda Arrimaha Siyaasadda iyo Dhexdhexaadinta (PAMG) oo kaashanaysa Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP), UNTMIS waxay bixisaa talo-siyaasadeed, kaalmo farsamo, iyo taageero istiraatijiyadeed ee ku aadan geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka. Xafiiska Isku-dhafka ah ee Jinsiga (IGO) ee UNTMIS, oo kaashanaya Kooxda Arrimaha Siyaasadda iyo Dhexdhexaadinta, Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay iyo Hay’adda Qaramada Midoobey u Qaabilsan Haweenka, wuxuu hubinayaa in haweenka lagu daro daneeyayaasha uu khuseeyo geedi-socodkan. Iyadoo la kaashanaysa dowladda Sweden, UNTMIS (IGO iyo PAMG) waxay taageertay haweenka hoggaamiyayaasha urrurada iyo bulshada rayidka ah, si ay u abaabulaan haween aad u farabadan oo u ololeeya in lagu daro dastuurka federaalka qodobbada la xiriira jinsiga. Xildhibaannada Haweenka ah ee Baarlamaanka waxay samaysteen Madasha Hoggaanka Haweenka Soomaaliyeed si ay u xaqiijiyaan ka-qaybgalkooda iyo faragelintooda waqtiga ku habboon iyo inay soo bandhigaan arrimaha muhiimka ah iyo inay ka talo bixiyaan geeddi-socodka. Xafiiska Isku-dhafka ah ee Jinsiga (IGO) ee UNTMIS wuxuu sii wadi doonnaa in uu taageero geeddi-socodka oo uu hubiyo in haweenka cid matasha ku leeyihiin geeddi-socodka oo ay awoodaan in ay saameyn ku yeeshaan, wakiil ahaan iyo daneeyayaal ahaanba.
Jinsiga iyo Caddaaladda, Sarreynta Sharciga iyo Dib-u-habeynta Laamaha Amniga
Xafiiska Isku-dhafka ah ee Jinsiga (IGO) ee UNTMIS wuxuu la shaqeeyaa Kooxda Sarreynta Sharciga iyo Hay'adaha Amniga (ROLSIG) si loo xaqiijiyo helitaanka la-talinta dhinaca farsamada iyo hagidda arrimaha jinsiga, iyo in haweenka Soomaaliyeed laga qeyb-geliyo geedi-socodka dib-u-habeynta. Kordhinta ka-qaybgalka iyo matalaadda haweenka ee hay'adaha rasmiga ah, kor u qaadida codka haweenka iyadoo lala fal-gelaayo bulshada rayidka ah, iyo qaab nidaamsan oo diiradda lagu saarayo arrimaha jinsiga ee dhammaan arrimaha la xiriira sarreynta sharciga iyo hay'adaha amniga ayaa ka mid ah meelaha mudnaanta leh ee loo ololeynayo.
Qaar Ka Mid ah Talooyinka Xusidda Mudan, Guulaha, Iyo Horumarka.
- Ku daridda sharciga guddiga doorashada federaalka boqolkiiba 20 qoondada haweenka (2015)
- Sharcigii Qaran ee ugu Horreeyey ee Arrimaha Jinsiga - 2016-2018 (Maajo 2016).
- Qoondada Haweenka ee labada aqal ee Baarlamaanka 10aad oo gaartey 24 boqolkiiba (2016).
- Go'aanka horumarinta iyo hirgelinta istiraatiijiyadda hagidda arrimaha jinsiga ee dhammaan hay'adaha amniga (Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka iyo Qaabka Guud ee Isla Xisaabtanka ee 2017).
- Madal Nabadeed oo ay haween hoggaamiyaan tii Abid Ugu Horreysay (2018). Haweenka Soomaaliyeed waxaa ay markii ugu horreysay qabsadeen wada-tashiyo ku saabsan doorka ballaaran ee ay haweenka ku leeyihiin nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo ka hortagga iyo la dagaalanka xagjirnimada hubeysan (PCVE) ee ka jirta dalka oo dhan. Shan kulamo wada-latashi ayaa si isku mar ah uga dhacay shan dowlad-goboleed bishii Luulyo, mid kalena wuxuu ka dhacay gobolka Banaadir bishii Oktoobar. kuwaas oo dhamaantooda ku soo dhammaadey Madasha Haweenka Nabadda oo lagu qabtey magaalada Muqdisho bishii Nofembar, waxaana ka soo qaybgalay in ka badan 200 haween hoggaamiyeyaal iyo wakiillo ka kala yimid guud ahaan dalka. Istiraatijiyado la-taaban karo iyo qodobbada waxqabad ayaa la dejiyey si loo xoojiyo doorka iyo ka qaybgalka haweenka ee kor u qaadista nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, iyo ka hortagga fikirka xagjirnimada rabshadaha wata. Xafiiska Isku-dhafka ah ee Jinsiga (IGO) ee UNTMIS oo kaashanaya UNDP iyo Xafiiska isuduwidda PCVE ee ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ay taageereen kooxaha iyo isbahaysiyada haweenka ee dalka oo dhan, kuwaas oo uu hormuud u yahay Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.
- Doorka iyo ka-qaybgalka haweenka ee geeddi-socodyada nabadda iyo siyaasadda ayaa la dhiirrigeliyey intii uu socday geeddi-dhiska dowlad-dhiska (2014–2016). Golaha shacabka dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed, haweenku waxaa ay ku guuleysteen 22% kuraasta baarlamaanka. UNSOM waxaa ay door hoggaamineed ka qaadatey bixinta talo, hagid istaraatijiyadeed iyo taageero kale, oo ay ka mid yihiin kuwo farsamo, maaliyadeed iyo loojistik.
- UNSOM waxaa ay fududeysay doorka iyo ka qaybgalka haweenka ee nabad-dhisidda iyo geeddi-socodyada nabadda iyo dib-u-heshiisiinta; ka qaybgalka haweenka ee Heshiisyadii Nabadda Gaalkacyo iyagoo saxiixaya heshiisyada waxay ahayd guul weyn oo ay gaareen haweenka Soomaaliyeed ee nabad-doonka (2017).
- Shirkii ugu horreeyay ee heer qaran ee haweenka Xildhibaannada ah—ee ka tirsan labada gole ee baarlamaanka federaalka iyo baarlamaannada dowlad-goboleedyada ayaa la qabtay, waxaana labo shir oo isku xigxiga la qabtay sanadaha 2017 iyo 2018, iyadoo taageero laga helayo UNDP iyo UNTMIS (IGO).
- Ansixinta Qodobka 47(7) ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya ee wax laga beddelay 31-kii Maarso 2024, kaasoo dhigaya “In la xaqiijiyo ka qaybgalka haweenka ee golayaasha sharci-dejinta iyo xisbiyada siyaasadda, iyadoo la raacayo kootooyinka lagu nidaamiyay shuruuc uu ansixiyey Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.”
- Baarlamaanka Federaalka ayaa ansixiyey saddex sharci oo la xiriira doorashooyinka, kuwaas oo dhigaya kootada haweenka ee boqokiiba 30% ah (2024).
Siyaasadda iyo Barnaamijyada ka Falcilinaya Arrimaha Jinsiga
Xafiiska Isku-dhafka ah ee Jinsiga (IGO) ee UNTMIS wuxuu si dhow ula shaqeeyaa qaybaha Hawlgalka iyo iyada oo loo marayo hababka isuduwidda hay'adaha kala duwan ee jira, oo ay ku jirto Kooxda Arrimaha Jinsiga ee Qaramada Midoobey (GTG), ee uu hoggaamiyo La-taliyaha Sare ee Arrimaha Jinsiga iyo Madaxa Dalka ee hay'adda UN Women, si kor loogu qaado loona hubiyo is-dhexgalka arrimaha jinsiga iyo Arrimaha Haweenka, Nabadda iyo Ammaanka (WPS) ee hababka iyo qodobbada siyaasadda hawlgalka/Qaramada Midoobey. Qaar ka mid ah natiijooyinka dedaalladaasi gudaha iyo adeegyada talo-siinta iyo wada-shaqeynta hay'adaha Qaramada Midoobay, Sanduuqyada, iyo Barnaamijyada waxaa ka mid ah:
- Daahfurka Barnaamij Wadajir ah ee Haweenka, Nabadda iyo Ilaalinta (2021-2025).
- Istiraatiijiyadda Qaramada Midoobay ee Sinaanta Jinsiga-2021-2025.
- Ballanqaadyada arrimaha jinsiga iyo Haweenka, Nabadda iyo Ammaanka (WPS) ee Qaabka Guud ee Iskaashiga Horumarka Waara ee Qaramada Midoobay (2021-2025).
- Istiraatiijiyadda Qaramada Midoobay ee Sinaanta Jinsiga (2021 – 2025).
- Ballanqaadyada Arrimaha Jinsiga ee Qaabka Guud ee Istiraatiijiyadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (2021-2025).
- Wax-ku-biirinta Qorshaha Horumarinta Qaranka (2025-2029).
- Taageerada la-talinta ee dejinta Siyaasadda Qaran ee Jinsiga (2024).
Munaasabadaha Xuska Sannadlaha ah
Xafiiska Isku-dhafka ah ee Jinsiga (IGO) wuxuu door hogaamineed ka ciyaaraa iskuduwidda, qorsheynta iyo taageeridda munaasabadaha xuska sanadlaha ah ee la xiriira waajibaadka Howlgalka iyo Kooxda Arrimaha Jinsiga ee Qaramada Midoobey (GTG), munaasabadahaas oo ay ka mid yihiin Maalinta Haweenka Adduunka, 16-ka Maalmood ee Ololaha ka dhanka ah Tacaddiga Jinsiga Ku Saleysan, iyo Maalinta Doodda Furan ee Haweenka, Nabadda iyo Amniga.
Maalinta Haweenka Adduunka ayaa la xusaa sanad kasta 8-da Maarso
Maalinta Haweenka Adduunka ayaa la xusaa sanad kasta 8-da Maarso si loogu dabaaldego guulaha iyo horumarka ay haweenka gaareen iyo helitaan xuquuqda haweenka adduunka oo dhan. Maalintan ayaa sidoo kale la xusaa si hoggaamiyeyaasha, dejiyeyaasha qorshaha siyaasadda, iyo haweenkaba loo xusuusiyo laftooda hawlaha aan dhammaan. Waxayna maalintan ka dhigan tahay dib u milicsi horumarka la gaarey iyo nusqaamaja jira, waana munaasabad lagu baaqayo in ballan-qaadyada la cusboonaysiiyo lana kordhiyo maalgelinta arrimaha xuquuqda haweenka iyo sinnaanta jinsiga. Xafiiska Isku-dhafka ah ee Jinsiga (IGO) wuxuu dalka gudahiisa isugu duwaa qaybaha la xiriira hawlgalka iyo heerka hay’adaha kala duwan iyada oo loo marayo GTG-ga, si loo qorsheeyo hawlaha xuska dalka gudahiisa lagu qabanayo iyo in taageero dhaqaale la gaarsiiyo dowladda iyo ururrada bulshada rayidka ah ee bahwadaagta ah [wasaaradaha haweenka, ururrada haweenka ee CSO] ee guud ahaan Soomaaliya.
16ka Maalmood ee Ololaha Dhaqdhaqaaqa Ka Dhanka ah Tacaddiga Jinsiga Ku Saleysan
16ka Maalmood ee Ololaha Dhaqdhaqaaqa Ka Dhanka ah Tacaddiga Jinsiga Ku Saleysan waa olole caalami ah oo sanadle ah oo loogu talagalay in lagu wacyigeliyo bulshada baahida loo qabo joojinta tacaddiga ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha. Ololuhu waxa uu isku xirayaa laba taariikhood oo muhiim u ah xuquuqda haweenka iyo ilaalinta: 25-ka Nofembar, Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Tacaddiga ka dhanka ah Haweenka, iyo 10-ka Disembar oo ah Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka.
Xafiiska Isku-dhafka ah ee Jinsiga (IGO) wuxuu isku-duwaa qaybaha hawlgalka iyo heerka hay'adaha kala duwan iyadoo loo marayo Kooxda Arrimaha Jinsiga ee Qaramada Midoobey ee qorsheynaya hawlaha xuska ka dhacaya dalka gudahiisa isagoo sidoo kale gaarsiinaya taageero maaliyadeed ee ddwladda iyo saaxiibadeeda bulshada rayidka ah ee Soomaaliya oo dhan. Wax badan oo dheeraad ah halkan ka akhriso
Maalinta Doodda Furan ee Haweenka, Nabadda iyo Amniga ee Qaramada Midoobay
Maalinta Doodda Furan ee Caalamiga ah waxaa daahfuray Qaramada Midoobay (DPA, hadda DPPA; DPKO; UNDP; iyo UNIFEM, hadda UN Women) iyada oo lagu xusayo sanadguuradii 10aad ee Qaraarka tirsigiisu yahay 1325 ee Golaha Ammaanka (SCR) bishii Oktoobar 2010, ujeeddadeeduna ahayd in dib loo eego hirgelinta Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 1325 ee ku saabsan Haweenka, Nabadda iyo Ammaanka.
Maalmaha Doodda Furan waxaa sannad walba qabta hawlgallada gaarka ah ee siyaasadda iyo nabad-ilaalinta, RC-yada, iyo UNCT-yada, iyagoo siinaya haweenka fursad ay ku soo bandhigaan waaya-aragnimadooda, caqabadaha ay la kulmaan, wax-ku-biirrintooda, iyo dedaallada lagu horumarinayo nabadda iyo amniga. Maalinta Doodda Furan ayaa sidoo kale haweenka u oggolaanaya in ay noqdaan isbeddel horseedayaal, in ay ka mid noqdaan saamileyda, iyo sidoo kale xoojinta hirgelinta Qaraarka 1325 iyo qaraarradii xigay.
Waxaa si xooggan loogu dhiirrigelinayaa in SPM-yadu ay sannad kasta qabtaan Maalmaha Doodda Furan iyagoo kaashanaya la-hawlgalayaasha Qaramada Midoobay ee gudaha dalka, isla markaana ay yeeshaan wada-tashiyo joogto ah sanadka oo dhan. Hawlgalladu waa in ay Maalmaha Doodda Furan u adeegsadaan si nidaamsan oo ay si joogto ah ula socdaan ballanqaadyada iyo talooyinka laga soo jeediyay munaasabadihii hore, si loo dardargeliyo hirgelinta ballanqaadyada gaarka ah ee DPPA ee ku saabsan Haweenka, Nabadda iyo Ammaanka.
Hoggaamiyayaasha bulshada rayidka ee muhiimka ah (kooxaha iyo ururrada haweenka), saaxiibada istiraatiijiga ah, iyo daneeyeyaasha waxaa lagu dhiirrigeliyaa laguna martiqaadayaa in ay ka-qaybqaataan munaasabadda, waxaana ka mid ah wakiillo ka socday dowladaha, deeq-bixiyayaasha, ururro goboleedka, kuwa xogta bixiya, iyo akadeemiyada. Xaaladaha qaar, waxaa la tixgelin karaa iskaashiyada istiraatiijiga ah ee abaabulka munaasabadahan. Tani waxay ka qayb-qaadan kartaa helidda taageero dheeri ah iyo dabagalka soojeedimada istiraatiijiga ah.
Xafiiska Isku-dhafka ah ee Jinsiga (IGO) ayaa QM ee Soomaaliya ku hoggaaminayay Qaramada Midoobey qabanqaabinta hawlaha kala duwan ee lagu xusayo Maalinta Doodda Furan.
